Author Topic: Su'aal: Dhaga Xanuun?  (Read 8542 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Nuurto

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dhaga Xanuun?
« on: February 18, 2016, 09:50:46 PM »
Asc wad mahadsantihin dhaqaatiirteena somaliyed  jawab dagdag dagdag ah insha alah wa arin an ka walwalsanahy _  sual:wxa iga xnunsan gabar jirta 5bilood 2dhagood ayaa malax /maal aya ka socda wxn ugeyay 2mar doctor ENT ah wxey uqoreen sharoobo antibiotic ah iyo goojo dhibcis ah waxna kama badalin wali wa sidii intee dawada qaadanee we ficnane o we joojinayaan malaxda  lkin mrke dawada dhamaato kow weyn xanuunayaan o wey oyneysaa kdib bey malaxda so dilaaceysaa mrks xnunka we ka ronaneysaa wan ka murugsanahay arintaan mxa igala talineysaa adoo mahadsan  . Tankale malmahan waxanku arky afkeeda gudaha iyo faruuryaha waxaa kaso baxay nabro sida caanaha u cad somalida wexey utaqaanaa af burbur taasna I macneey ma wax dhagaha xariir la leh mise wa cudur kle o gooni ah thnks




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhaga Xanuun?
« Reply #1 on: February 20, 2016, 04:43:43 PM »
Marka hore, alle ha kuu caafiyo gabadha.
Marka xigta xanuunka dhego dillaaca waxaa keeno infekshan, waxaana loo kala qeybiyaa laba, xanuuno dhig dillaac soo booddo ah, kanoo lagu daaweeyo qallajiyayaal la qaato, waxaa dhacda mararka qaar in daawada aad qaadanayso aysan tayo lahayn ama jeermisak infekshanka keenayba aysan daawada waxba ka tarin, waxaa la sameeyaa dheecaanka dhegta ayaa la qaadaa oo al baaraa, kadib waxaa la ogaadaa daawada wax ka tarta, baaritaankaas waxaa la dhahaa "culture & sensitivity"
noocaa labaad waa infekshan raagay, kanoo keeni kara in xuubka dhegta uu dillaaco, badanane daawada wax kama tarto, waxaa lagu sameeyaa qalliin, marka si loo kala ogaado labada nooc waa in aad is aragtaan dhakhtar E.N.T ah oo ku taqasusay dhagaha.
Akhriso qoraal ku saabsan xanuunkaan dhegta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,546.0.html

Midda ku saabsan af-burburka, cabeebka ama umulowga, waxaad ka akhrisataa halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1092.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 34692
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 33911
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 24881
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 43292
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 30747
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc