Author Topic: Su'aal: Maxaa keeno naaso xanuunka xiliga caadada?  (Read 48142 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Cayuush Omer

  • Newbie
  • *
  • Posts: 15
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa keeno naaso xanuunka xiliga caadada?
« on: February 20, 2016, 07:59:47 AM »
asc waraxmah akhwani waxan idin waydiyay.maxa keeno naaso xanuunka xiliga caadadu so dhowdahay ama ay joogtaba??




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keeno naaso xanuunka xiliga caadada?
« Reply #1 on: February 25, 2016, 08:48:00 PM »


Naasaha oo xanuun laga dareemo xilliga caadada waa cabasho ku badan dumarka, naaso xanuunka wuxuu ka mid yahay waxyaabo badan oo la dareemo xilliga caadada.

Waxay haweenka qaar ka dareemaan naasahood xilliga caadada ka horrayso kuus wayn oo daqnasho leh oo naasahooda aysan horay ugu ogayn, tanoo loo yaqaano "Fibrocystic breast disease", waa wax aan kansar ahayn, markii caadada laga gudbane way shuuqaan oo way dhamaadaan.

Badanaa xanuunka la dareemo iyo daqnashada wax intaa dhaafsiisan ma jiraan markii dhiiga caadada yimaadane xanuunka wuu yaraadaa.

Maxaa keeno naaso bararka iyo daqnashada xilliga caadada?
Waxaa arrintaan loo saariyaa isbadallada hormoonka ku dhaco dumarka xilliga caadada soo dhawdahay, sida dabiiciga ah, hormoonka estrogen aad ayuu u kacaa kadibna si dhakhso ah ayuu ku dagaa, taas ayaa keenaysa in naasuhu bararaan, hormoonka kale ee progesterone isagane wuxuu barariyaa qanjirrada soo daayo caanaha, labadaan isbadal waxaa la dareemaa in naasuhu ku daqnadaan khaasatan markii la taabto ama wax kaa taabtaan si kadis ah.

Naasaha waxay kaloo u ekaadaan wax buuxo oo kale oo xoogaa culeys ayaa laga dareemaa, dareenkaan naasaha laga dareemo wuu sii yaraadaa kullamaa ay haweentu da' noqoto, maadaama hormoonka istarojiinka uu hoos u dhaco.

Sidee loola tacaalaa arrintaan?
Arrintaan ma ahan wax dhib keeni karo, waana wax ka dhashay isbadal dabiici ah oo qofka ilaahay ku abuuray, haddii aad isku aragtid astaamahaan soo socdo, markaas la xiriir dhakhtar:
  • Kuus cusub oo naaska ka soo baxo oo aanan caadada la tagaynin
  • Dheecaan ama qoyaan ka yimaado ibta naaska.
  • Naaso xanuun aad ka hurdi la'dahay ama saamayn ku yeeshay nolol maalmeedkaaga.
  • Kuus hal naas ka soo baxay oo aan xiriir la lahay caadada

Hadduu xanuunka aad kuugu daran yahay, waxaad isticmaali kartaa paracetamol ama ibuprofen oo xanuun baab'iye ah.
Waxaa la ogaaday in cunnooyinka uu ku badan yahay fitamiin E-ga inuu yareeyo daqnashada naasaha iyo bararkooda, waxaana cunnooyinkaas ka mid ah:
  • Lowska
  • Koostada
  • Karootada
  • Sabuulka
  • Yicibta
  • Avocado-ha
  • Saytuunka iyo saliiddiisa

Qoraallo xiriir la leh:
Akhriso lug xanuunka xilliga caadada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6427.0.html
Akhriso buruq naaseedka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2224.0.html
Akhriso Kansarka Naasaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1617.0.html
Akhriso cillada bararka naasaha ragga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5855.0.html
Akhriso Naasaha kala dheer: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3304.0.html
Akhriso Xanuunka iyo dildillaaca ibta naasaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1438.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: Akhriso Xanuunka iyo dildillaaca ibta naasaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55878
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106887
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62219
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28939
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc
Maxaa Keena: Calaacalaha Gacmaha Iyo Cagaha Inta Cadcad Oo Marna Kulul Marna Qabow?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26791
Last post March 10, 2012, 02:33:13 PM
by SomaliDoc