Author Topic: Su'aal: Nin dhalinyaro ah oo hadane bidaar ey gashay?  (Read 11162 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Qofcilmijecel

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Nin dhalinyaro ah oo hadane bidaar ey gashay?
« on: February 16, 2016, 06:14:42 PM »
Doctr: waxaan ahaa nin dhalinyaro ah oo hadane bidaar ey gashay isagoo 22 jir ah..  waxaan u tagay dhakhtar ku takhasusay tinta.. wuxuu i siiyay shampooyin careemo iyo kiniini  La yiraah "finpecia" alxamdulilah  2 bilood gudohood tinteydii wexey ku noqotay sidii aan rabay ...   lkn waxaan dareemay xoogaa madax xanuun iyo xanaaq aanan horay u arki jirin..  marka dhakhtarkeygiyow waxaan kaa rabaa in aad wax iiga sheegtid daawooyinkan iyo in ey leeyihiin side effect...   waad mahadsantahay in badan  asc




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Nin dhalinyaro ah oo hadane bidaar ey gashay?
« Reply #1 on: February 24, 2016, 02:16:02 PM »


Waa daawo jirta oo la yaqaano, magaceeda saxdane waxaa la dhahaa "Propecia" waxaana loo adeegsadaa badanaa ku daaweynta bararka qanjirka bostaatada iyo bidaarta ragga gasho ee loo yaqaano "Androgenic Alopecia"
Inkastoo bidaarta loo qaato laakiin isbadalka la filo waxay la egtahay boqolkiiba 30%, waana in ugu yaraan 6 bil la qaaato si isbadalka loo arko, waana in daawada la joogteeyo muddo, maxaa yeelay markii la istaajiyo bidaartii dib in ay u billaabato ayaa la arkaa.
Sidaas awgeed dhakhaatiir badan ma u isticmaalaan daawadaan ku daaweynta bidaarta, haddii ay isticmaalayaane waa in loo sharxaa bukaanka waxyeelalda uu filan karo si aysan hadhaw dhibaato u imaan.

Waxyeellada ay daawadaan keento waxaa ka mid ah:
  • Kacsi iyo hammi yari
  • Cillad biyo-baxa ah sida in shahwo imaan wayso.
  • Barar gacmaha iyo lugaha ah
  • Daqnasho naasaha ah
  • Wareer iyo tabar darri
  • Madax xanuun iyo san durdur
  • Finan maqaarka ka soo baxo

Shirkaddu waxay kaloo ku sheegtaa waraaqadda daawada la socoto in aad dareemi kartid waxyeello aan halkaa ku xusnayn sidaa awgeed waa in aad la xiriirtaa shirkadda si ay kuugu hubiyaan in waxyeelladaas ay u liis garaysan tahay.

Waa daawo hormoonka qofka saamayn ku lah, waana sababta loo dareemo waxyeellada kor ku xusan oo u badan xagga ragannimada.

Hooyooyinka uurka leh ama uurka qaadi rabo waxaa lagula taliyaa in aysan daawadaan gacmahooda ku taaban iskaba daa in ay cunaan.

Waxay kaloo shirkadda daawada leh ay sheegtay in daawadaan markaa joojisid aad sii dareemi doontid waxyeellada la xiriirto xagga kacsiga iyo biyo-baxa.

Akhriso noocyada bidaarta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5726.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Bidaar ayan qabaa oo firna ahayn?

Started by ShireBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3080
Last post October 05, 2015, 11:28:45 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan rabaa inaan beerto bidaar?

Started by Khalid museBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2563
Last post December 15, 2017, 05:19:04 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxaan isku arkay bidaar yar?

Started by Muxya62Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2517
Last post October 16, 2016, 07:08:38 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Canug raba naaska kaliya hadane uusan ku filnayn?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 3611
Last post December 18, 2015, 07:32:36 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan ka cabanayaa bidaar?

Started by drmireBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3096
Last post August 05, 2017, 10:27:08 PM
by CilmiSabca