Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waxaa lagaa helay ugxansidaha fiixda leh?

(1/1)

Ummbishaar:
ascwrwb dhamaan dhaqaatiirta  sharafta leh. doctor waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan aad iga soo jawaabtay su aashaydii hore.
1) su aashayda waxay tahay dhaqtar ayaan u tagay july_2015  wuxuu ii diray iskaan CT. dhaqtarkayga wuxuu igu dhahay waxaa lagaa helay ugxansidaha fiixda leh. markan dhahay maxaa xal ii ah wuxu igu dhahay waxaa laga yaabaa inay iskeed iskaga baabado. marka dhaqtar ma laga yaabaa iney iskeed iskaga baabado.
2) sanado ayaa xaas ahay walina uur ma yeelanin allaah ayaa og wax walbo owlaadana bixiyee .dhaqtar  hormoonkana waa layga baaray sida loogu tala galay ayuu yahay.
markaa waydiiyey maxaa iga qaldan dhaqtarka wuxuu igu dhahay waxaa laga yaabaa iney tubooyinka minka ka xiran yihiin waxaadna u baahan tahay marka laga baaraayo in leesar lagu soo ogaado. marka dhaqtar illahay qeyr ha ku siiyee ma isla socdaan ugxansidaha fiiixda leh iyo iney tubooyinka xiran yihiin. maxaase igula talin laheyn si loo soo ogaado tubooyinka minkayga iney xiran yihiin.
 mahadsanid dhaqtar iga raali noqo hadaan qoraalka kugu badiyey.

SomaliDoc:
Fadlan akhriso qoraal faahfaahsan oo ku saabsan xanuunkaan ugxansidaha fiixda leh: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6515.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version