Author Topic: Su'aal: Ur jidhkayga ah?  (Read 17139 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abu Muxamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Su'aal: Ur jidhkayga ah?
« on: February 20, 2016, 09:38:18 PM »
ascw .somali doctors waad salaamantihiin.waxaanan ilaahay idnka baryayaa inuu miisaanka xasanaadka idiinku daro camalkan aad samaynaysaan oo aad saacidaysaan umadda soomaaliyeed .walaal waxaan idinwaydiinayaa su aal waxayna tahay sidan: walaal waxaan ka cabanayaa ur jidhkayga ka soo baxaysa oo ceeb igu haysaa oo imika oo aanan umadii dhex joogi karin waxaanay ihaysay imika waxaan umalaynayaa 6 sanno .xilligaan isku arkay isbadal ayaa igu dhacay oo markaa waan buurnaaday<naaxay>markii horena cayil ayaan ahaa.markaa dhakhaatiir arintani waxay igu haysaa kaar wayn waxaanan rabaa si fiican iiga talabixisaan oo aad waliba aad ii sheegtaan dhakhtar aan la xidhiidho .inkastoo dhakhaatiirta magaaladan aan joogaa aanay waxba iiiga qaban.waxaanan rabaa haddii ay noqoto inaan utago ii tilmaama dhakhtarka aan utagee .waxaanan joogaa somaliland .fadlan ii  soo jawaaaba idiinkoo mahadsan.wscw.thanks somali doctors .wajasaakumulaahu khayraa......




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ur jidhkayga ah?
« Reply #1 on: February 28, 2016, 02:28:26 PM »


Arrintaani waxay u baahan tahay marka hore in la ogaado in urta aad dareemayso tahay waxa dhab ah oo jiro oo ay dareemayaan dadka kale oo kula nool ama in ay tahay wax adiga kaa dhaadhacsan.

Sababta aan kuu weydiinaayo arrintaan waa muhiim, dad badan oo aan la kulmay oo arrintaan ka sheeganayo ma ahan in dhib ur uu jiro laakiin qofka ayaa aamisan in ay arrintaan jirto ama uu aamisan yahay, waxaana xaaladdaan loo yaqaanaa "Olfactory reference syndrome" waa cillad maskax, haddii qofka aad si hoose u waraysatid wuxuu ku leeyahay dadka kale oo ila jooga ama ila nool way dareemayaan in aan urayo markaa waydiisid sidee ku ogaatay wuxuu ku leeyahay:
1- Hebel mar aan isla fadhinay sankiisa ayuu laba jeer taabtay.
2- hebel kale markuu qolka soo galay, daaqadda ayuu furay.
3- hebel kale wuu hindhisay ama wuu duufsaday, waxaana aamisanahay inuu urkayga dhibsaday.
4- hebel kale markuu noo soo galay, si uusan dadka kale u fiirin ayuu ii fiiriyay.

Dadka sidaan aaminsan haddii aan loo sharxin in cilladu aysan urka ahayn ee tahay fikrada qofka maskaxdiisa ku taagan, dadka ku harayraysane waxa ay sameynayaan u fasiranayo inay macno gooni xambaarsan tahay wuu sii wareerayaa qofka, maalin walbane dhakhtar cusub ayuu dul taagan tahay.

Maadaama uu qofka aamisan yahay in dadka uusan la tacaamuli karin arrintaan darteed wuxuu dareemaa xishood, yaxyax, isdhibsasho iyo ka go'is bulsho.

Haddii aad qofka cabanayo ku dhahdid, dadka aad ka dareentay in urkaaga dhibsadeen, ma waydiisay in aad uraysid ama sababta ay u sameeyeen waxyaabaha aad tilmaantay?
Wuxuu qofka ku jawabaa sadax jawaab mid ka mid ah, inta aan ka arkay:
1- Waan ka xishooday in aan waydiiyo maadaama uusan ogayn meesha urka uu ka imaanayo.
2- Waan waydiiyay laakiin wuu iga qariyay isagoo aan isleeyahay shucuurkaaga ayuu ilaalinayaa.
3- Waan waydiiyay laakiin wuu inkiray, waana hubaa inuu dareemay!!.

Cilladaan urta ee ka dhaadhacsan qofka waxaa lagu tiriyaa cilladaha waswaaska iyo shakkiga ee maskaxda ku dhaco, waa arrin habboon in xanuun maskax ahaan loo daaweeyo inkastoo qofka aysan ka dhaadhacsanayn inuu xanuusan yahay.

Qofkaan haddii aan la dawayn, wuu ku fogaataa xaaladdan dhibaato badane bulshada wuu kala kulmaa, khaasatan wuxuu aad iskaga ilaaliyaa qofka inuu ka fogaado meelaha la isugo soo baxo, maadaama uu u arkayo dadka uu dhex joogo, wax kasta ay sameeyaan inay isaga urkiisa jawaab celis u tahay, hadduu qof ka sikado, wuxuu dareemayaa inuu isaga urkiisa ka sikaday, haddu qof fooriyo ama qof kale u waco, wuxuu u heystaa in isaga la tilmaamayo, hadduu qof fiiriyo, wuxuu aamisan yahay in isaga la dareemay, hadduu qof madaxa xoqdo ama qof kale wax waydiiyo wuxuu u arkaa weli in isaga la haysto, waana arrin aad u dhib badan.

Arrintaan waxa aad ugu badan tahay dhlainyarada, dhibka ugu wayne waxay kala kulmaan iskuulka, markii ay fasallada ku jiraan ama markii ay ardayda kale dhex joogaan.

Qofka cilladaan shakkiga qabo, markasta qubeys, isnadiifin, isrugis, iscarfin, cadayasho, dhar badalsho iyo dhar dhaqis ayuu ku jiraa isagoo aamisan in wax kasta uu sameeyo inuu urka sidiisii yahay illaa uu ka daalo, waxaa dhici karto qofka inuu aamino in urka uu ka imaanayo calooshiisa sidaasne uga go'o inuu cunno cuno.

Inta aan dhakhtar kuu tilmaamin marka hore, waxaan kula talin lahaa in aad qofka iskugu dhaw dihiin ha ahaado waalid ama walaal in aad dhkahtarka isla magaaladaada joogo isku raacdaan, si labadiinaba la idiin wareesto, markaas way kala cadaanaysaa arrinta, haddii sida aan filayo noqoto, daawadu in aad la xiriirtaa dhakhtar psychiatric ah.

Laakiin haddii qofka kula socdo iyo hadalkaagu is waafaqaan, dhakhtarkuna wax kaa dareemo wuxuu ku siin doonaa talooyin ku anfici doono, haddii cilladu ay tahay cillad maqaar isagaa kuu diri doono dhakhtar ku habboon, haddii cilladu ay tahay qanjirrada dhididka soo saaro isagaa talo ku siin doono.

Badanaa urta caadiga la dareemo, way yar tahay inuu qof isbitaal u yimaado maadaama qofka ku dadaalo inuu is nadiifiyo, isiticmaalo waxyaabo jirka ku cafiryo, sidaasne ay ku yaraato urka, waa badanaa arrin ku meelgaar ah, laakiin qofkii maskax ahaan ka dhaadhacsan tahay cilladaan, wax kasta oo uu isticmaalo wax isbadal ah ma dareemo illaa in fikirkaa maskaxdiisa laga saaro mooyee, waana sababta aan arrintaan xooga u saaray markii aan adeegsado khbiradayda.

Akhriso noocyo kale oo ka mid ah cillada waswaaska maskaxda: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3700.0.html

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaan dareemaa xanuun badan oo jidhkayga ah?

Started by Hamda84Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7579
Last post May 23, 2015, 04:31:44 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Jidhkayga khaasatan lafahayga ma koraan?

Started by Saleeban AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6051
Last post June 28, 2015, 11:30:38 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Gariir jidhkayga oo dhan ah?

Started by Abdiqani DhooboBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7590
Last post September 02, 2015, 01:52:55 PM
by SomaliDoc