Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

(1/1)

Xikmaawi:
asc dr alle ha ku ciseeyo
muddo 10 sano waxa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur qaar waan iska qalay qaarna wali waa igu yaalllan waa qanjirro dhagaha hoostoda ,dhuunta , qanjirada iyo dhamn inta u dhexaysa iguma hayaan xanuun mar dhif ah maahane waxan qaatay dawo badan antibiotics ilaa marki danbe dhakhtar ii qoray dawo TB dhaman kuma fiicnaan
 dr talo cafimad jazakalah

SomaliDoc:
Xikmaawi, qanjir barary xalkiisu qalliin ma ahan, waan in la ogaadaa waxa barariyay, maxaa yeelay qanjirku hadduu bararo wuxuu astaan u yahay inuu jirka jiran yahay, wuxuu noqon karaa infekshan kaasoo dhowr nuuc oo kala duwan noqon karo wuxuu noqon karaa cillad qanjirrada haysato sida kansar iyo wax la mid ah, marka waxaa la sameeyaa in qanjirka cad laga jaro oo baaritaan loo dir ama dheecaan laga qaado hadduu dheecaan leeyahay.

Laakiin haddii aad qashid, kuwa kale way sii bararayaan, haddii aad iska wada bixisidne wax cilalda ku haysato kaa difaacayo ma jiraan.
Fadlan arrintaan ha sahlanin.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version