Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Aniga dhigeega waa AB+ Caruurteeda waa 0+ ninkayga waa 0+?
(1/1)
Umu caaisha:
Asc dr waxaan qabaa su.aal blood group inaad ii sharaxdo sidaa ay isku qaadan karaan hada aniga dhigeega waa AB +
Caruurteeda waa 0+ ...ninkayga waa 0+ ..su.asha labaad cirbad caadada e saxee aa dr igu yiri prolutor depot 250mg injection a halmar qaatay e cirbadaan caadada ma sadax? ??
SomaliDoc:
Adiga maadaam dhigaagu uu yahay AB, qofkastaa dhiig ka qaadan kartaa, qofkii A, B iyo O ahba.
Caruurtaada iyo ninkaagaba dhiigoodu waa O, waa bixiyeyaal guud, oo qof kasta dhiigoodu way siin karaan, laakiin iyaga O kaliya ayay dhiig ka qaadan karaan.
Waxaa intaa sii dheer calaamada (+) am (-) ee dhiiga la raaciyo tan oo astaan u ah la falgale loo yaqaan "Rh factor", hadduu qofka (+) yahay wuxuu qaadan karaa (+) iyo (-), laakiin qofka hadduu yahay (-), wuxuu qaadan karaa (-) kaliya.
Waa daawo ka samaysan hormoonka "progesterone" waxaa loo adeegsadaa, haweenka inay dhiciyaan laga cabsi qabo, ka hortag dhalid dhicis haddii hooyadu ay horay dhicis u dhashay.
Ma ahan daawo loo qaato caado saxis, laakiin haddii aad dilantay, oo caadada kaa wareertya kaliyaa la qaataa.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version