Author Topic: Su'aal: Sinjibiisha iyo Basasha?  (Read 76080 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Gantaal

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
    • Superlative Сasual Dating Genuine Damsels
Su'aal: Sinjibiisha iyo Basasha?
« on: February 22, 2016, 03:00:59 PM »
asc dr waxaan rabaa in aad wax iigasheegto waxa faa iido iyo khasaare ayleeyihiin sinjibiisha iyo basasha jizakalahu




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sinjibiisha iyo Basasha?
« Reply #1 on: March 02, 2016, 04:39:05 PM »


Sanjabiilku wuxuu ugu horreeyaa geedo daaweedyada, waxaana lag isticmaalaa wadamo aad u badan, waxaana warbixinta caafimaadkisia laga dhaxlay hindida iyo shiineeska oo weligood u adeegsan jiray in ay ku daaweeyaan xanuunno aan la soo koobi karin.

Laakiin cilmiga cusub, cilmibaarisyo dhowr ah oo lagu sameeyay sanjabiilka waxaa ka soo dhowr dhowr aarimood oo kal ah:
  • Waxaa la ogaaday in sanjabiilka uu alle ku abuuray 115 walxo oo faa'ido u leh caafimaadka laakiin waxaa ugu muhiimsan wax loo yaqaano "Gingerol" oo ka faa'ido badan daawooyin kiimiko ah oo hadda jira loona adeegsado xanuuno kala duwan in lagu daaweeyo.
  • Maadada Gingerol waaa maado sun-saare iyo caabuqdile xoog leh, waana xanuun baab'iye isku jiro!!!.
  • Cudurka ugu horreeyo oo sanjabiilka daawo u yahay ama ka hortag loogu adeegsado waa wadna xanuunka iyo wadna howlgabka, wuxuu sanjabiilka, tuunta iyo basashaba siyaadiyaan qulqulka dhiiga, waxayna la mid tahay daawada "Asprin-ka" ee la siiyo dadka wadnaha ka xanuunsan, waxay kaloo awood siiyaa murqaha wadnaha maadaam uu daciifay, waxayna u shaqeysaa sida daawo loo yaqaano "Digoxin" oo wadnaha murqahiisa ka shaqaysiiso, Waxay kaloo waasicisaa howlbowlayaasha dhiiga qaado, waxayna qabataa daawooyink wadnaha ee howshaas loo qaato oo loo yaqaano "Vasodilators", sidaas awgeed sanjabiilku wuxuu kulansaday faa'idada daawooyinkii loo wada qaadan jiray howlgabka wadnaha, akhriso qoraal aan uga hadalnay howlgabka wadnaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,520.0.html
  • Sanjabiilku wuxuu kaloo alle ku abuuray awood lalabo dajin iyo matag ka hortag, waana sababta loogula taliyo in haweenka ay adeegsadaan ku kotaroolidda wallaca, maadaama daawooyinka badanaa lalabada iyo mataga loo qaato uurka ay saamayn ku yeelan karaan uurjiifka, waxaa hooayda lagula taliyaa in ay isticmaasho sanjabiilka, waxaa jiro kaniiniyaal laga sameeyay sanjabiilka oo laga helo wadamada qaar, laakiin waxaad badalkooda isticmaali kartaa ni sanjabiilka nooca qoyan aad biyo la dhigto, kadibna biyahaas aad cabto markii lalabo ku qabataba, sanjabiilka ha ruugin wuxuu kugu kicin karaa gaaska.
  • Waxaa kaloo sanjabiilka loo adeegsadaa calool xanuunka, calool majiirka iyo dheefshiid xumada, iyadoo loo cabo sidii cabitaan oo kale, wuxuuna ka hortagaa laguna daweeyaa calool fadhiga, akhriso cunnooyinka kale ee caloosha socodsiiyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,380.0.html
  • Dadka ka sheegto dheefshiid xumada, waxaa lagula taliyaa in ay toonta iyo sanjabiilka badsadaan, akhriso qoraal ku saabsan dheef-shiid xumada iyo daaco-shiirka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html
  • Sanjabiilku wuxuu sare u qaadaa difaaca jirka isagoo firfircooni galiyo unuygyada difaaca jirka ka qayb qaato khaas ahaan kuwa "lymphocytes-ka" loo yaqaano oo howshuudu ka mid tahay la dagaallanka feyrasyada, sidaas darteed hergabka iyo wixii la mid ah, sanjabiilku aad buu wax uga taraa, ka baro qoraalkaan qeybaha kala duwan ee unugyada difaaca jirka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1754.0.html
  • Cilmibaaris lagu sameeyay awoodda antibiotic ahaan ee sanjabiilka waxaa lagu ogaaday inuu ka awood badan yahay daawooyinka ay ka mid yihiin: Ampicillin, Tetracycline iyo Chloramphenicol-ka, waxay dhakhaatiirtu dhahaan, haddii aad qalliin galaysid ama markaa qalliinka ka soo baxdid oo aad ka cabsi qabtid in aad infekshan ka qaadid meesha lagaa qalay, marso saliidda sanjabiilka, waxay ka awood badan tahay qallajiyayaasha la liqo, tani waxaa la mid ah oo badalkeeda isticmaali kartaa saliida dhaga-yaraha, akhriso qoraal ka hadlayo faa'idada dhaga-yaraha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5320.0.html
  • Sanjabiilku wuxuu leeyahay awood uu kaga takhallusi karo jeermiska fangaska loo yaqaano oo badanaa keeno caabuqyada maqaarka, waxuu sanjabiilka koobka u qaaday 29 daawo oo la barbardhigay awooda jeermis dilidda fangaska.
  • Sanjabiilka qoyan wuxuu bogsiiyaa nabraha caloosha ku samaysma oo gaaska uu keeno, waxaana baaritaan lagu ogaaday arrintaan sanadkii 1980-kii, waliba waxaa waagaas lagu taliyay in lagu badalo daawo loo qaadan jiray laabjeexa oo loo yaqaano "Prevacid"
  • Sanjabiilku waa xanuun baab'iye sida dhegayaraha oo kale, wuxuuna ku fiican yahay xanuunada ay neerfaha keenaan.
  • Sanjabiilku wuxuu kaloo siyaadiyaa awooda hormoonka insulin-ka waxaana lagula taliyaa dadka qabo sokorowga nooca 2-aad, in ay badsadaan sanjabiilka si shaqada hormoonka naaquska ah u siyaado.l

Sanjabiilku waa geed siyaabo kala duwan loo adeegsan karo, qaab cabitaan, qaab cayriin, qaab saliid, qaab shaah, qaab budo iyo qaabab kalaba, intaba waxaa la ogaaday in watarkiisu uusan isbadalin.

Su'aashaada labaad ee ku saabsan basasha qoraal gooni ah ayaan uga hadlin doonnaa insha'llah.
Akhriso sida Sanjabiilka loogu daaweeyo hergabka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6018.0.html

Haddii aad su'aalo kale qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Saladyare9

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Sinjibiisha iyo Basasha?
« Reply #2 on: March 02, 2016, 07:39:20 PM »
Asc Dr..
 
 Waxa ubahnahy faa'idada ay leedahy basasha..

 Mahdsanid.

Offline Gantaal

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 29
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
    • Superlative Сasual Dating Genuine Damsels
Re: Su'aal: Sinjibiisha iyo Basasha?
« Reply #3 on: March 02, 2016, 08:59:28 PM »
asc dr aadbaad ugu mahad santahay sida aad noogu sharaxday  illahi miisanka xasanaadka hakuu saaro cimigaagana hakuu barakeeyo


 

Su'aal: ma u isticamaali karaa toonta iyo basasha xaga biya badnida?

Started by Muxya62Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 7
Views: 15712
Last post November 20, 2017, 10:12:03 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Lalabo cuntada basasha cerin leh?

Started by AbucabdiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3958
Last post June 07, 2017, 11:27:04 AM
by SomaliDoc