Author Topic: Su'aal: Daawooyinka aan koontaroolka laheyn?  (Read 9965 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dawiil

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +0/-0
Su'aal: Daawooyinka aan koontaroolka laheyn?
« on: February 22, 2016, 10:28:25 AM »
Asc Dhakhaatiirta Somali doc.

waxaan rabaa inaad wax ka ogaado Shikadaan (Tiens) oo soo saarto Dawooyin ey ku sheegeen Herbal oon kiimoko laheyn
Daawooyin kaan oo si saa,ida ugu siifidayaan Dalka Somalia
midakale shirkadaan waxey siisaa dadka Xubnaha ka ah Abaalmarin taasoo ey ku muteysanayaa hadba Daawada aad bixisay (iibisay) ama dadka aad ku soo biirisay Shikada si ey Xubin uga noqdaan ayadoo lasiinayo ID cadeynaayo Xubin ka ahaashada Shirkado (Teins)

Hadaba Shirkadaan matahay mid la aqoonsan yahay.
Daawooyin keeda maleysku haleyn karaa
Kiimiko maka merantahay Dawooyinka ey soo saaraan sida ey sheegaayaan
Bogga Shirkada waa kan http://www.tiens.com/

waxaan filayaa inaad nala wadaagidoontaa wixii macluumaad  aad soo aruurisaan oo ku saabsan Shirkadaan

Mahadsanidiin






Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Daawooyinka aan koontaroolka laheyn?
« Reply #1 on: February 28, 2016, 04:41:20 PM »


Shirkaddaan waa shirkad chinese ah oo wax badan ka shaqeyso ee ma ahan kaliya geedo daaweedyada, waa shirkad la aasaasay sanadkii 1995 inkastoo shaqada ugu horraysay ee billawday ay ahayd in daawooyinka laga sameeyo geedo shiineeska in ay caalamka u dhoofiso, laakiin kadib waxay ku dartay ganacsiyo kala duwan oo isugu jiro hanti guryeed, ganacsi dalxiis, hoteelo, isbitaallo, kulliyado waxbarasho, qalab warshado, sheybaaro, qalab teknoloji iyo waxyaabo kale.

Qeybta u xilsaaran samaynta daawooyinka kuwaas oo u badan, fitamiino, waxyaabo nafaqo ka samaysan iyo dawooyin laga sameeyay geedo ka baxa dalka shiinaha waxaa loo yaqaanaa "Tiens Biotech Group", Waxaa daawoyinka ay samayso loo beec geeyaa 190 wadan, dadka ugu badan ee daawooyinkooda isticmaalo waxay ku nool yihiin wadamada ruushka iyo jarmalka.

Haddii aad xasuusataan waa shirkaddii sanadkii la soo dhaafay bihsii May, 6,400 oo shaqaalaheeda ka mid ah u dalxiis geysay dalka faransiiska iyagoo ku qarash gareeyay lacag dhan "15 million oo dollar-ka maraykanka ah".

Waa shirkad si xawli ah u kortay oo caalamka ka wada howl gasho, kuna leh xafiisyo kala duwan, waxay Afrika ka joogaan 15 wadan, kumana jirto Soomaaliya, marka dadka aad tilmaantay ee soomaaliya ka shaqeeyo ma garanayo in shirkadda ay ku xiran yihin iyo in kale, laakiin xafiis kasta ay ku samaystaan wadan, waxay sheegaan meesha ay ka dagan yihiin, qofka mas'uulka ka ah iyo taleefanka lagala xiriiro, waxaana ka daalcan kartaan halkaan: http://www.tiens.com/TiensGlobal.aspx

Waa shirkad laga aqoonsan yahay caalamka, daawooyinkeeda qaar ka mid ahne waxay haystaan aqoonsi iyo shahaado lagu garto, haddii aad ka shakisid daawo magaceeda lagu gaday ama qof magaca shirkadda wax ku iibinayo, waxaad ku hubsan kartaa adigoo la xiriiro xafiiska afrika laga xumo ee shirkadda ku leedahay dalka South Africa.

Haddii ay qolo matalaysa shirkaddaan ee soomaaliya joogaan, fadlan haka codsadaan shirkadda "Tiens" in meesh ay soomaaliya xafiiska kaga leeyihiin haku daraan liiska xafiisyada ku xusan bogga shirkadda si shakkiga looga baxo.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Shaaficifalcoa

  • Newbie
  • *
  • Posts: 13
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Daawooyinka aan koontaroolka laheyn?
« Reply #2 on: March 01, 2016, 06:26:35 AM »
Asc Tiens shirkadan waan maqlay somalidoc waxayna joogtaa Somalia gaar ah Garowe iyada oo ka shaqaysa kuna leh xafiis ilaa hada iskama diiwaan gelin lkn dhalinyaro iska diiwaan gelisay ayaan arkay waad tegeysaa markaad isdiiwaan gelinayso waxaadna bixinaysaa 20dollar, kadib waxaad  noqon team leader ama qof shaqaale hadaad dalbato team leader waxaa lagaa rabaa 5qof oo shaqaale ah inaa keento calaa qof waxaa la siinayaa bishii 300 dollar adigana waxaad heleysaa calaa qof ka helin laba boqon oo dollar marka bishii waxaad u soo xaadirin 1000dollar waamarkii aad teamleaderka noqoto oo group madax u tahay lakiin waxaana war aanan ka hayn dhalin yaradaasi shaqada ilaa iyo hada ayqabtaan oo ay ka shaqeeyaan inkastoo hada yaraatay isdiiwaangelinteedii iyo garan maayo inay istaagtaye beryahan danbe hadalkooda ma maqlin laakiin hada dhalinyaradii iska diiwaan gelisay waa joogaan garowe waana ka shaqeyan lkn insha allah waxaan isku dayi inaan soo ogaado shaqada la qabanayaa waxay tahay.

Offline Dawiil

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Daawooyinka aan koontaroolka laheyn?
« Reply #3 on: March 01, 2016, 09:33:22 AM »
Ok waa mahadsantahay Dr sida wanaagsan eed  noogu sharaxday. Taladaadana waa u gudbinaa qolada uga shaqeyso Somalia hadey Shirkadda wakiil uga  yihiin  Somalia iney Codsadaan  in Xafiiskooda lagudaro liiska xafiisyada ku xusan bogga shirkadda

Mahadsanid


 

Su'aal: Daawooyinka lagu rifo timaha wax dhib ah ma keeni karaan?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 22959
Last post April 24, 2013, 01:33:28 PM
by CilmiSabca
Daawooyinka afka ee Sonkorowga (Oral Diabetes Medicines)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 2
Views: 29573
Last post December 05, 2011, 05:55:24 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?

Started by GEEDOOWBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 9
Views: 94641
Last post June 05, 2011, 06:41:43 PM
by SomaliDoc
Noocyada Daawooyinka ee Diiqadda/Niyad Jabka?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maskaxda

Replies: 0
Views: 27484
Last post April 01, 2008, 01:43:20 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawooyinka Naasaha lagu weyneeyo ciladooda

Started by Hassan BileBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21508
Last post April 04, 2011, 06:14:08 PM
by SomaliDoc