Author Topic: Baarista Daawooyinka Cusub  (Read 7881 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Baarista Daawooyinka Cusub
« on: February 23, 2016, 03:52:35 PM »


Waxaan rabaa maanta in aan fikrad idinka siiyo daawooyinka farmashiyada lagu gado meelaha ay tahay qasab in la soo marsiiyo si ay u hesho ogolaansho in qof bini'aadan ah lagu daawayn karo.

Sababta qoraalkaan igu bixisay waxay tahay, dad badan baa aamisan in daawo haddii aad ka dalbato warshad in laguu soo samaynayo oo farmashigaaga ku iibinaysid, taasi wax sax ah maahan, mana ka dhacdo aduunka oo idil.

Daawada waxaa la marsiiyaa 5 heerar oo kala duwan waxayna u kala horeeyaan sdiatan:
  • Heerka 1-aad: Waa heerka ugu horreeyo oo lagu ogaanayo in daawo cusub loo baahan yahay, tan oo ka timaado cilmibaaris lagu tilmaamayo in daawo hebel bahi loo qabo, ayna suuqa ku soo kordhinayso wax ka duwan daawooyinkii hore, cilmibaaristaas waxaa lagu diraaseeyaa xanuunka la rabo in lagu daaweeyo daawada la damacsan yahay iyo qaabka la damacsan yahay in daawada cusbu ula falgasho jirka si ay wax uga badasho xanuunkaas la baaray, cilmibaaristaan waxaa sameeyo dhowr cilmibaarayaal oo kala duwan, waana inay ka koobnaadaan dad aqoon u leh cudurkaas, dad aqoon u leh cilmiga daawada iyo dad aqoon u leh cilmiga biochemistry-ga iyo molecular biology-ga.
    Intaa ka dib waxaa bilaabanayso sidii daawada loo samayn lahaa iyadoo la diraasaynayo dhowr aarin oo muhiim ah kuwaas oo kala ah: sida daawada jirka inuu u nuugo la rabo markii la qaato, ma afkaa laga qaadanaa, mise xidid ayaa laga qaadanaa, mise waa la isku buufinaa, mise waa goojo oo waa la isku dhibcinaa mise siyaabo kale, kadib waxaa ku xiga markii ay jirka gasho qaabkee ayay jirka loogu dhex faafinaa, qaabkee ayuu jirka uga faa'idaysanaa iyo qaabka jirka looga saarayo, ma hawo ahaan ayay ku baxaysaa, ma dhidid ahaan ayay ku baxaysaa, ma kaadi ahaan ayay ku baxaysaa mise saxaro ahaan ayay ku baxaysaa, maxaa yeelay waa muhiim in daawada meesha ay ka baxayso la ogaado markii ay howsheeda gudato.
    Waa isla heerkaan lagu diraaseeyaa qaabka uu ku imaanayo faa'idada laga rabo daawada, qaab falgalka, cabbirka ugu habboon ee laga qaadan karo si loo helo faa'idada la rajaynayo, cabbirkaas oo loo fiirinayo jinsiga qofka, xanuuno kale hadduu qabo ama kiilo ahaanba.
    Kadib waxaa la diraaseeyaa waxyeelalda ay daawadu keeni karto iyo noocyada ay kala tahay, waana muhiim in waxyeellada la xuso maxaa yeelay ma jirto daawo aan waxyeello lahayn, way kala daran yihiin mooyee.
    Kadib waxa daawada laga diraaseeyaa falgalka bini'aadanka qeybhiisa kala duwan iyadoo al fiirinayo isirka am jinsiga qofka, maxaa yeelay waxaa jiro daawooyin aan la siinin dadka ka soo jedo isiro ama qowmiyaad qaar, maadaama uu jirkoodu xambaarsan yahay hidde wadayaal diidan daawada la samaynayo, kadib waxaa la diraaseeyaa sida daawadaan cusub ula falgali doonto daawooyinka kale ee jiro, waana in lagu qoro daawooyinkaas warqadda la socoto daawada cusub si aanan la iskula qaadan, kadib qeybta ugu dambayso heerkaan waa in daawadaan lala bardhigo daawooyinka suuqa yaalo si loo hubiyo in ay wax dheer tahay iyo waxa ay dheertahay waxa ay tahay si dhakhtarka qorayo uu u ogaado, intaas oo dhan waxaa lagu sameeyaa heerka ugu horreeyo ee daawada.
    Baaritaanada la sameynayo heerka 1-aad wuxuu qaataa dhowr sano si looga soo gudbo.
  • Heerka 2-aad: heerkaan waxaa lagu baaraa daawada dhibaatadeeda iyo sunteeda, waxaana lagu baaraa laba si: 1- baairs aan noole ahayn iyo baaris noole ah, tan oo loo adeegsado jeermiska lagu dilayo iyo wixii la mid ah, baaristaane waxaa lagu sameeyaa sheybaaro gooni ah oo caalamka inuu aqoonsanaado ay qasab tahay ee sheybaar kasta laguma sameeyo, waana in sheybaarkaas uu heesto shahaado "GPL" uuna soo buuxiyo 8 shuruudood oo la isla yaqaanno.
  • Heerka 3-aad: waxaa lagu tijaabiyaa daawadii ka soo gudubtay heerka sadaxaad doolliyaal ama bakayleyayaal inta aan loo gudbi bini'aadanka si loo diraaseeyo waxtarkeeda iyo dhibkeeda, iyadoo la fiirinayo saamaynta ay ku leedahay xaalado gooni ah sida uurka, naas nuujinta IWM, kadib ayaa waxaa loo doortaa dad gooni ah oo la iil daran xanuunka loogu tala galayo iyagoo si mutadawacnimo ah u ogolaado in daawadaas lagu tijaabiyo, cilmibaarista la sameeyo heerkaan wuxuu qaataa dhowr sano isagane inta laga sugayo waxa ka soo baxo daawooyinka la qaatay, kadib ayaa loo gudbaa heerka 4-aad.
  • Heerka 4-aad: waa heerka ansixinta daawada, waain daawadu ay ansixisaa hay'ad caalami ah oo wixii shirkada daawada leh ay soo gudbisay in dib loo baaro, markaas waxaa loo xilsaaraa cilmibaarayaal madax bannaan oo ay hay'adda ansixinta ay leedahay, kadib ayay go'aan ka soo saaraysaa, heerkaan waxaa lagu reebaa daawooyin badan oo in ay heerkaan soo gaaraan lagu soo bixiyay lacago malaayiin dollar ah, waana qasab marka horeba shirkadda daawada soo gudbinayso in ay liis garaysan tahay, qof kasta lagama qabto daawo ansixin u baahan, kadib markii daawada la ansixiyo waxaa loo gudbiyaa heerka ugu dambeeyo.
  • Heerka 5-aad: Heerkaan waxaa lagu diraaseeyaa daawada markii ay suuqa gasho iyadoo la fiiriyo wixii dhibaato oo dib ka soo bixi karo, qolodaan dabagalka sameyso waxay fiiriyaan dhowr arrimood inta daawada suuqa ku jirto, waxayna kala yihiin sidatan: haddii isbdal daawada lagu sameeyay, in warshadaha shirkaddaan booqasho kadis ah lagu tago oo la kormeero, in xayaysiinta daawooyinkaan lala socdo in sharciga hay'ada u dagsan ay raacsiisan tahay iyo magacyada ganasiga ee isla daawada ee shirkada soo saarto in aysan awoodooda ka yareen daawadii original-ka ahayd, waxaa intaa sii dheer in dhakhaatiirta ay awood u leeyihiin in ay gudbiyaan wixii dhibaato ee ay ku arkaan daawo gooni ah, haddii ay dhibaatooyinkaas isa soo taraan, daawadaas suuqa ayaa laga saaraa oo baaritaan cusub ayaa la marsiiyaa.


Heerarkaas oo idil waxaa loo sameeyay in aysan daawo la hubin ku soo gaarin, wayna sahlan tahay maanta daawo kasta oo aad ka shakiso in aad baaritaan sahlan dib ugu samayn karto in ay sharcigaas soo martay, waana wax u furan shacabka oo idil, kii wax akhrisan karo.
Hay'adaha daawooyinka ansixiyo iyagane macluumaatokooda waa wax qof kasta uu daalacan karo si aan loo sirin.

Shirkadaha sameeyo daawooyinka aan sharciga ahayn oo aan la soo marsiin heerarkaan waxay suuq fiican ka helaan wadama saboolka ah ama aan nidaamka lahayn, waana shirkado waawayn oo sameeyo daawo sharci leh oo magac leh, laakiin waxay ka hoos wadaan qandaraasyo gooni ah, daawooyinka sidaas loo sameeyane qaarkood waxaa ku qoran in aanan lagu isticmaali karin wadanka ay joogaan si aysan saamayn ugu yeelan sumcadooda iyo mustabalkooda.

Waxaan kula talin lahaa dadka soo baartay cilmiga daawada ee "Pharmacology-ga" in ay wacyi galin buuxsa siiyaan bulshadooda oo aqoontooda sadaqeystaan.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Daawooyinka lagu rifo timaha wax dhib ah ma keeni karaan?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 22755
Last post April 24, 2013, 01:33:28 PM
by CilmiSabca
Qadashada Ardayda Cusub ee Kulliyada Cafimaadka Norman Bethune ee Dalka CHINA

Started by Dr.RashaadBoard I want to Study Medicine

Replies: 3
Views: 15449
Last post April 07, 2011, 11:28:26 PM
by Diagnostic
Daawooyinka afka ee Sonkorowga (Oral Diabetes Medicines)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 2
Views: 28339
Last post December 05, 2011, 05:55:24 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?

Started by GEEDOOWBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 9
Views: 93737
Last post June 05, 2011, 06:41:43 PM
by SomaliDoc
Frankincense (Xabag): Reer galbeedka oo soomalida ka faaiday daawo cusub!

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 18148
Last post June 24, 2011, 02:26:05 AM
by Dr.Adnan