Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Ilkaha ayaa i dhiiga?

(1/1)

Ilias Abdi:
Asc doctor salaan kadib waxaan u bahnaa inaan wax ka ogaado ciladan
Marka subaxa soo tooso waan cadeeydaa kadib ilakaha ayaa dhiig ayaan ku arkaa afkyga marka aan cadeeyanayo xoog ayaan u cadeeydaa aad baan ilkaha iyo carabkaba ugu xoqaa cadyga marka dhiiga ma sababtaa ayaa keento Mise waa cilad kle mida kle cadyga ilkaha iyo carabka  aadka loogu xoqo ma dhibaato ayuu ii keeni Kara. Ciridkana ma sameen ayuu ku yeelan karaa?

Jazakallah doctor

SomaliDoc:
Haddii cadayga aad ku dhaawacyo ciridka dhiiga wuu yimaadaa, haddii fitamiinada qaar kugu yaryihiin dhiiga wuu iska yimaadaa adigoo ilkaha cadayga ku xoqin, tartiib u cadayso ee fiiri hadduu dhiigii imaanayo iyo hadduu istaagay.
Si dhexdhexaad ah u cadayso, aad u cadayashada waxba kama badasho nadiifinta ilkaha, dhaawac ha is gaarsiinin.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version