Author Topic: Su'aal: Jirka oo dhan ayaa i gariira markaan xanaaqo?  (Read 26936 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Umu khaalid

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
Su'aal: Jirka oo dhan ayaa i gariira markaan xanaaqo?
« on: February 26, 2016, 03:57:37 PM »
Asc somalidoc & dhamaan asxaabta bage kan ku xiran
 Waxaan qabaa su'aal ku saabsan gariirka uu ka hadlay wiilka ega horeeyay lakin anigu waxaan oga duwanahy jirka oo dhan ayaa i gariira markaan xanaaqo indhaha gaduud ayey i noqonayaan dhabarka xata waa i kala dhacayaa jirka dhan awooda ayaa ka tageysa madaxana waxan kadareemaa cariiri iyo xanuun markaas aan xanaaqsanhy haddii aan qof is murano xataa u ma adkeysan karo murankaas waa inaan aamusaa hadii kale wan jareynayaa markan sasnoqdo waxan yara ku nastaa sariirta kadib caadi ayaan noqonayaa mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Jirka oo dhan ayaa i gariira markaan xanaaqo?
« Reply #1 on: March 03, 2016, 05:57:22 PM »


Xanaaqu waa dareemada ugu xooga badan ee uu dareemo bini'aadanka, waana wax ilaahay ku abuuray bini'aadanka si uu dunidaan ugu noolaado, laakiin wuxuu leeyahay xad hadduu dhaafo caafimaadka qofka saamayn ku yeelay karo, rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis dushiisa ha ahaato wuu nooga digay xanaaqa, wuxuuna nagula taliyay in aan qaadano tilaabooyin lagu xadayn karo xanaaqa si uusan sheydaanka nooga faa'idaysan oo aan ugu dhaqaaqin wax alle ka caraysiin karo.

Qofka markuu xanaaqo wuxuu dareemaa isbadal jir, niyad iyo dabci ahaaneed:
  • Jirka: markuu qofka xanaaqo waxaa sare u kaco dheecaan kiimiko ah oo jirka ku jiro loona yaqaano "Adrenaline, isagaana sabab u ah inuu qofka dareemo wadno garaac, dhiiga oo kaco, murqaha oo giigsamaan, dhabar xanuun, dhuunta oo cadaadis ka dareentid sidii in lagu ceejinayo oo kale iyo in qofka oo gariiro ama hadli kari waayba.
  • Niyadda: dareenka go'aan qaashada waxa uu qofka ka xanaaqay oo siyaado, tanoo keeni karto inuu sameeyo waxyaaba aan la filaynin
  • Dabciga: Qofka oo qayliyo, albaabka xoog u xiro ama alaabta baab'iyo waa dabci ay ku kala duwanaan karaan dadka xanaaqa.

Xanaaqa waa lagu kala duwan yahay, dad bay aad u sahlan tahay in dhakhso looga xanaajiyo, kala duwanaanshahaas waa wax bini'adanka ilaahay ku abuuray iyo qaab samaysanka qofka, nolosha uu ku soo koray iyo xaalada uu ku sugan yahay qofka inta aan laga xanaajin.
Qofka hadduu daalnaa ama niyadiisu ay kacsanayd ama wax uu soo dhibsaday hadduu la kulmo wax ka xanaajiyo aad ayuu u xanaaqi karaa hadduu xitaa ahaa qof dagan oo xanaaqiisa kontarooli jiray.
Waxyaabaha ugu badan oo badanaa qof waliba uu ka xanaaqo oo la isku waafaqsan yahay waa dulmiga.

Waxaa lagula taliyaa markuu qofka dareemo inuu xanaaqay inuu shaydaanka ka acuudu billaysto, uuna badalo qaabkii uu ku sugnaa, hadduu fadhiyay ha istaago, hadduu istaagane ha fadhiisto, arrintaan oo ah mid cilmiga maanta jiro uu ogaaday in ay isbadal ku samaynayso qofka xanaaqiisa, waa inuu ka fogaadaa meesha uu ka xanaaqay, si uusan dhib isku gaarsiin ama u gaarsiin qof kale.

Xanaaqa siyaadada ah oo qofku la jareeyo, tanoo keeni karto in qofka uu garashada ka baxo oo uu ku dhaqaaqo waxyaabo uusan ka war haynin, ayna dhici karto inuu dib ka soo miirsado markuu xanaaqa daayo, waa arrin ay qabaan dad gaar ah, dadka dabcigaan leh waxaa lagula taliyaa, markii ay dareemaan in ay xanaaqi rabaan in ay ka tagaan meesah ay joogaan si aysan xaaladaas u galin.
Waa inuu qofka si aayar ah u neefsado, isku dayo inuu maskaxda mashquuliyo, hadduu jimicsi samayn karo ama orod gali karane inuu sameeyo.

Akhriso qoraal ku saabsan maseyrka cudurka ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3897.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: