Author Topic: Su'aal: Maxaa keena in marka wax la cuno hurdo timaado?  (Read 40640 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdi21

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 65
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa keena in marka wax la cuno hurdo timaado?
« on: February 27, 2016, 12:46:59 AM »
waxaan marar badan isku arkaa marka aan wax cuno in aan hurdo la dhaco xitaa hadii aan hurdo ka kacay saacado kahor maxayse tahay marka aadan guriga ka bixin hurdada is xig xigta iyo haamaansiga waxaa igu soo dhaca hadal somalida eey tiraahdo hurdaa hurdo dhasha mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keena in marka wax la cuno hurdo timaado?
« Reply #1 on: March 04, 2016, 12:34:42 PM »


In aad dareento xoogaa daal cuntada ka dib taasoo aad u baahan tahay in aad iskala bixiso ama aad hurudo waa arrin dabiici ah, laakiin haddii aadan hrudo iska celin karin cunto walbo dabadeed, waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar la xiriirtid.

Cuntada markaan cunno kadib, khaasatan markii ay tahay cunno culus, waxaa jirka ku bato heerka sokorta, kadib wuxuu jirka soo daayaa hormoonka insulin-ka kaasoo sokorta hoos u dhigo, inta insulintu ay shaqadaasi hayso, waxaa maskaxda ku badato maado loo yaqaano "Tryptophan", tan oo markii ay maskaxda gaarto jirka u badasho labo walxood oo kala ah "seratonin" iyo "melatonin", labadaan maado jirka way dajiyaan, hurdane way keenaan, sidaas ayuuna qofka ku dareemaa hurdo.

Hurdada waxay badataa markuu qofka mudda gaajaysnaa sida xilliyada soonka, maxaayeelay sokorta ayaa hooseyso markaad afuraysid, kadib cunnada aad cuntid waxaa loo badalayaa tamar jirka si uu isticmaalo, sokortii oo awalba yaraydi iyo midaan oo aan diyaar noqon weli ayaa hormoonka insulin-ta sokorta hoos u dhigaa, wuxuu kaluu qofka dareemaa dhaxan iyo qarqaryo taasoo ka tarjumaysa in sokortaadu ay hoos u dhacday, jirkuna uu wado dadaal lagu soo kicinaayo, qarqaryada iyo jaraynta aad dareemayso waa falcelin jirka lagu kululeynayo.

Way jiraan xanuuno lagu yaqaano inay keenaan dhaxan iyo qarqaryo markastoo cunno cuntid sida dhiig-yarida, xanuunka thryoid-ka dhacsan, fitamiin yarida iyo hooyada uurka leh, haddii dhaxantaadu ay tahay mid joogto ah fadlan la xiriir dhakhtar si cudurradaas lagaaga baaro.

Haddii aadan rabin in aad hurudid ama dhaxamootid cunnada ka dib, ku dadaal in aadan cunin cunto ay ku badan tahay "carbohydrates-ka" iyo "Fats-ka", waxaadna badsataa waxyaabaha borotiinka uu ku badan yahay iyo cagaarka, akhriso qoraal ka hadlayo cuntada noocaydeeda kala duwan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6256.0.html

Waxaa kaloo la arkaa qofka leh dheefshiid xumada, qofakasoo dareemi karo dibbiro, daaco iyo dhuuso badan, wuxuu dareemi karaa hurdo markuu cuntada cuno, akhriso qoraal ku saabsan dheefshiid xumada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html

Waxaa kaloo hurdada u keeni karo qofka, hadduu aad u daallanaa inta uusan cunno cunin ka hor, waxaa jirka tamartii yarayd ee ku hartay loo weeciyaa xagga dheefshiidka, tan oo keenayso qofka in la jiifiyo si uusan dhaqdhaqaaq u galin, waana arrin eebe ugu tala galay.

Waxay dhakhaatiirta kula taliyaan dadka hurdada iska celin la' marka ay cunto cunaan in ay cunanda ku darsadaan dheecaanka tuffaaxa oo loo yaqaano "Vinegar" ama "Khalka" si uu jirka ugu caawiyo shiidista cunta iyo isu-dheellitirak sokorta, sidaasne hurdo wayn kugu qaban mayso.

Akhriso qoraal ku saabsan Faa'idada Hurdada Duhurkii: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4818.0.html
Akhriso qoraal ku saabsan Waxyaabaha aan la samayn cunanda ka dib: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6723.0
Akhriso qoraal ku saabsan 11 talo oo aad ku helaysid Afur caafimaad leh: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5463.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55922
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162230
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106930
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 57935
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62263
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig