Author Topic: Su'aal: Dad badan ayaa jiro marka ay qufacaan khakhada liqo?  (Read 2925 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ilias Abdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dad badan ayaa jiro marka ay qufacaan khakhada liqo?
« on: February 27, 2016, 12:35:54 PM »
Asc doctor salaan kadib

Suashyda waa: dad badan ayaa jiro marka ay qufacaan khakhada liqo marka waa maxay sameenta cafimaad ay leedahay khaakhada in LA liqo

Maxase faqri u dhaxeey dadka liqo iyo dadka tufo
 
Jazakallah ...,Alla mahadleh




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dad badan ayaa jiro marka ay qufacaan khakhada liqo?
« Reply #1 on: March 03, 2016, 03:13:14 PM »
Khaakhada ama xaakada la liqo caafimaadka uma roono, khaasatan hadduu qofka qabo cudurka Tb-da, maxaayeelay jeermiska Tb-da keeno wuxuu u gudbi karaa caloosha, halkaas ayuuna ku abuuri karaa TB-da caloosha ku dhacdo.

Laakiin xaakooyinka kale ee aysan keenin TB-da, badanaa aashitada caloosha ayaa jeermiska ka disho, laakiin hadduu qofka qaato dawo yarayn karta acid-ka calosha, bakteeriyadaas iyadane caabuq ayay ku abuuri kartaa caloosha ama mindhicirrada.

Xaakadu waa wax jirka iska soo saaray in lagu celiyane caafimaad iyo nadaafad ahaanba waa khalad.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: