Author Topic: Su'aal: Qoor xanuun iyo Qandho qabow?  (Read 8028 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline KamaalYare

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Qoor xanuun iyo Qandho qabow?
« on: February 27, 2016, 07:21:50 PM »
Su'aasheydii oo faah faahsan waa tan:

Waxaan ka cabanayay tun xanuun (neck pain), tunka oo i xanuuna, kadibna aan qoorta juc juciyo, marka dambena aan gaaro inaan madaxaba si toos ah u ceshan waayo (tun xanuun) ee aan u baahdo inaan xoogaa yara seexdo amaba aan tunka gacmaheyga ku tuu tuujiyo. Kadib waxaan dareemay in indhaha uu iga saameynayo xanuunka tunka i xanuujiyay, oo indhaha aan ka dareemayo xafaf, iyo wax aad xasaasiyo mooddo.

Tun xanuunku markuu igu billaabanayo, waxaan dareemi jiray haddana dareemaa qandho qabow, oo aan dareemayo in wejigeygu fiix (kuleyl yar) uu ka baxayo, tunka iyo dhabannada haddaan gacanta saarana aan dareemayo qandac kii caadiga ahaa an aheyn.

Tun xanuunku wuxuu mararka qaar hoos hoos ugu faafaa labada seed ee ka baxa qoorta dhankeeda gadaale ilaa dhabarka sii mara, ee geesaha ka xiga lafta dhabarka, ilaa sinaha labada dhinac ee gadaale uga xirmaan (Waa 2da seed ee waa weyn ee dhabarka - sida aan u fahmay).

2013 ayaan mar baaritaan aan ku maray Ethiopia, Anigoo isleh armaa xidid iyo laf ama wax la hal maala ay si kaa yihiin, waxaa la i saaray MRI scan, kadib warbixintii soo baxday waxey aheyd in lafaha qoorteyda iyo kuwa dhabarku ay caadi yihiin - illeen waan juc juci jiraye xanuun daraaddiiye!, lakin waxey warbixintii kusoo gunaanadeen iney iga heleen Thyroglossal Cyst r/o super Infection oo xagga dhuunta ah.

Waxey igu yiraahdeen haddii uu soo buurnaan lahaa (duct) waxaan kugu sameyn laheyn qalliin, lakin hadda dhacaan lee waaye, dawo ayeyna iisoo qoreen qallajiye-yaal (antibiotics), dawadiina waan qaadtay.

Isku soo duube, hadda waxaan dareemayaa:

- Tun xanuun an waqti gooni ah laheyn

- Qandho qabow oo an waqti gooni ah laheyn iyaduna, kadib faruuryaha oo naab (xanaf) yeesha sidii qof ayaantaanba qandho heysay, iyo afka oo markaas ka dib i qallala.

- Qorraxda markaan usoo baxo duhurradii (mararka qaar) oo aan dareemayo wax xasaasiyad oo kale ah oo wejiga iyo dhegaha iigaga yaacaya, waana mararka qandhada iyo qoor xanuunku i hayaan.

- Indhaha oo aan ka dareemayo xafaf sidii inaan wax badan Computer ku shaqeynayay oo kale, marna biyo iney iga soo gelayaan indhaha, mararka qaar an qalleyl ka dareemayo, waana xilliyada aan dareemo qandhada iyo qoor xanuunka.

- Araggeygu waa Ok inta aan ka war qabo, kor markii la iga eegana muuqaalkeygu waa Ok

- Marar badan waxaa la iga helay Thyphoid, marar kalena waxaa la iga helay Romatisim-ka lafaha, Mar xitaa dhaqtarbaa igu yiri Romatisimada murqaha ayaad qabtaa, mararka qaarna waxaan dareemaa in kala goysyada jilbaha iyo kuwa gacmuhu si si ii danqanayaan (xanuun qafiif ah).

- Waxaan aan sheegayo oo dhan ma ahan kuwo iga celiya shaqo maal meedkeyga, oo waan shaqeystaa, lakin waxaan dareemayaa in wax si iga yihiin oo aan u baahanahay talo, baaritaan iyo daweyn sax ah.

- Sida aan iskugu arkay sifaadkaas sare ku xusan, haddii xitaa la iga xanaajiyo waxaan horay ka dareemayaa madax xanuun oo maalinkaasoo dhan igu dhaca, iyo dulqaad yari baahsan

- Masaxda caaji baa iigaga jira aanan isku arki jirin, inaan wax xifdiyo hadda wey i dhibtaa mararka qaar, marna waanba ku shakinayaa sheygii aan baranayay inaan xifdiyay iyo in kale waan wax igu cusub.

- Calool fadhi mar mar ah oo aad ii dhiba.

- Miisaankeygu wuu fadhiyaa oo isma bed bedelo, cunto cuniddeydu waa Ok, Hurdadeyduna waa Ok.

Waxaan ka codsanayaa Bahda SomaliaDoc inaad talo iga siisaan arrimaah aan sheegay iyo Thyroglossal cyst-gan inuu soo laabto, waxa lagu dabar goyn karo iyo wixii aad u aragtaan xal.

Iga raalli ahaada qoraalka waan ku dheeraadaye, waxey iga aheyd yeysan su'aalo kugu soo laaban, waxa aad dareemeysid caddee.

Mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qoor xanuun iyo Qandho qabow?
« Reply #1 on: March 05, 2016, 12:31:35 PM »
Waad ku mahadsan tahay sida aad u faahfaahisay su'aashaada, waxaana ra'yi ahaan ku waa faqsanahay dhakhtarkii soo jeediyay fikradda roomaatiisamka, roomaatiisamku waa xanuun ku dhaca lafaha iyo murqaha, wuxuu kaloo saamayn karaa jirka qeybihiisa kala duwan sida maqaarka, dhiigga iyo xubnaha kalaba, wuuna noocyo badan yahay oo baaritaanno ayaa lagu ogaadaa, baaritaannada qaarne lagama helo meel kasta, taladu waxay tahay maadaama xanuunka hadda uusan saamayn ku lahayn shaqo maalmeedkaaga, markii aad fursad u heshid in aad la kulantid dhakhtar ku takhasusay cudurradaas ee "Rheumatologist" ah.

Midda kale fiixda aad tilmaantay ee thyro-glossal ma ahan wax dhib keeni karo, wayna dhacdaa in ay soo laabato, mana ahan wax daawo ama cunno gooni ah looga hortagi karo, in ay soo bararto oo cadaadis dhuunto kaa saarto mooyee dhib kale ma keento.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33219
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32249
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23445
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41572
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29374
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc