Author Topic: Su'aal: Waxaan ahay qof laf iyo hilib le?  (Read 2892 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Fahmo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan ahay qof laf iyo hilib le?
« on: February 28, 2016, 11:35:14 AM »
asc wr wb  waxan aad u salamaya dhakhsatiirta ka hawl gala bogan salan ka dib waxan doonaya inaan waydiiyo su aal  su asha aso ah waxan ahay qof laf iyo hilib le hilibkaygu se wuxuu ku eeg yahay qaarka sare mise jidhka xagiisa sare taso runti dhib badan igu haysa haday lugaha o i xanuuna noqoto iyo waliba anigo dhalintan is leegayn raaci kari la waayo iyado dadaydu aanay waynan hadana qofkii i arka wuxuu ii malaynaya qof wayn iyo dhibatooyin kale oon ku qabo xaga bulshada taasi yelkede awal ban bili adan laga aman galayne waxan isku dayay in badan in aan iska yareeyo hilibka jimicsi baan samayaa cunooyinkaygi waxban ka badalay balse sidi uun ban ahay haday wax iska kay dhimana inta hoose uun bay iska dhiman marka bal walaalayaal haday jiran wax talo cafimad iyo talo kale oo aan  sameeyo igu caawiya taladiina alle ha idnka raalo noqdo




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan ahay qof laf iyo hilib le?
« Reply #1 on: March 06, 2016, 12:39:12 PM »
Korriimada qofka, way ku kala duwanaan karaan, waana abuuris ilaahay oo badanaa salka ku hayso dhaxal, dadka qaar baa qeyb kore ka koro, qaar baa qeybta hoose ka koro, qaarbaa meelo gooni ah ka koro sida caloosha, barida, bowdyaha, garbaha, cagaha iyo wiii la mid ah.

Waxaa jiro xanuun ku dhaca xididka dhiiga u soo qaado jirka qeybtiisa hoose oo wadnaha ka soo baxo cillad ku timaado, kaasoo keeni karo in qofka uu qeybta hoose safiican uga korin, waxaad ka akhrisataa halkaan qoraal ku saabsan arrintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5820.0.html

Laakiin ogow, dad badan oo sidaada oo kale ah, wax cudur ah ma qabaan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26042
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 48140
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29697
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25033
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35551
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc