Author Topic: Su'aal: Walashey oon dawoyinka iska qadato bilaa taqtar?  (Read 2904 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hanna Hute

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Walashey oon dawoyinka iska qadato bilaa taqtar?
« on: February 29, 2016, 05:43:21 AM »
Asc wr wb akhii Dr abdullahi mahdi waxaan ahay marwo ku tixan barnamijkaada caafimadka akhii waxaa hirto gabar ila dhalatay oo aan maaro uga waayay daawoyinka farmashiyasha laga soo gato oo aay aad u is ticmaasho sida madaxa haduu xanuuno ay so ibsanesa cirbadan la yiraahdo tramadolka korku haduu xanuno waxey is ticmasha cirbadan diclofinka kaniiniga la yiraahdo maksigiribka  iyo daawoyinka vitamins ah oo sharooboyin ah sida big bawer bawer abated dawooyin badan oo inta lagu soo koobi karin marka maxaad kula talin laheed adoo mahadaan  Dr? Falyatafadal mashkuura wamaajura.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Walashey oon dawoyinka iska qadato bilaa taqtar?
« Reply #1 on: March 07, 2016, 03:23:14 PM »
Daawada la iska qaato caafimaad ma ahan, dhowr jeerne waan ka hadalnay, daawo kastane waxyeelladeeda ayay leedahay sidaas darteed ayaa loo yeelay qadar cayiman in laga qaato iyo muddo kooban, hadduu qofka sidii cunnadii u qaato, waxaa ka dhalayo dhowr arrimood oo kala ah:
1- In daawada uu qofka qabatimo oo iyada la'aanteed uuba noolaan karin sidii daroogada oo kale.
2- In daawada ay jirku ku aruurto oo kadibna saamayn ku yeelato shaqada jirka sida in beerka, kilyaha, wadnaha ay howlgabiso.
3- In daawada uu qofka ku sumoobo markuu intii loogu talagalay dhaafo, taasoo keeni karto qofka inuu dhaqaska ku dhago ama sambabku dhaawac gaaro.

Intaas iyo in ka badanba, waa laga dhaxlaa daawada la iska qaato, waxaan gabadha kula talin lahaa in marka hore loo sharxo dhibaatada daawada, haddii ay joojin wayso waa laba mid: in ay maandooriye ahaan u isticmaasho oo daawada qabatintay oo ay u baahan tahay in loola dhaqmo sidii qof laga goynayo mukhaadaraat iyo in maskax ahaan loo daaweeyo maadaama dhibka laga hadlayo aysan u muuqan.

Maxaayeelay qof caafimaadkiisa ka fakarayo talo dhakhtar ma diido.

Mahadsanid
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: maxa sababa kasoo baxa iska so daba noqda markuu raysto mid?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 19645
Last post November 01, 2011, 12:06:51 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa Maxay Dhibaata Ay Keeni Karto Iska Joojinta Cunta Ay Sonkorto Ku Jir

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13123
Last post November 10, 2012, 03:35:58 PM
by SomaliDoc
FILIN: ISKA ILAALI CUDURKA IBOOLA (DANGERS OF EBOLA)

Started by AdminBoard Topics in Healthcare

Replies: 1
Views: 22807
Last post October 19, 2014, 09:59:09 AM
by Admin
Iska Ilaali Khatarta Malabkaan (Etumax Royal Honey)

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 29533
Last post May 30, 2015, 10:06:06 PM
by Hamse Mohamed
Su'aal: markaan umulo kadib caloosha ma iska xiri karaa?

Started by Deko Ali OmarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11923
Last post May 20, 2016, 09:13:11 PM
by SomaliDoc