Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Ninkega islama noolin labo wadan ayaan kala jogna?

(1/1)

Nasiima:
Asc dr salam kadib waxan rabaa inaad talo cafimad iga siisid waxan ahay xaas ninkega islama noolin labo wadan kala jogna marka mudadan dambe isku arkaa  inay wax igaga yaaalaan hoos kaati heesatada agteeda iyo meesha laga dhala labada meelba waxa igu yaaal wax sidi hillib cml ah mar wuu adkaana marna wuu jilca mudo sanad laga jooga aya layga gubay hoos marka dhibta meesha mey ka imaan karta illa wali wax madhalin dr kalana uma tagin wali plz dr iga jaahil bixi waxa keena cilidan

SomaliDoc:
Sida aan filayo waxaas aad tilmaantay waxay u egtahay afka ilmo-galeenka oo soo dhawaaday ama bararay ama wax ka soo baxeen.
Waa muhiim in aad la xiriirtid dhakhtar cudurrada haweenka ku takhsusay si laguu eego.
Akhriso dhibaatooyinka laga dhaxlo gubitaanka haweenka ay sameeyaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3280.0.html

Nasiima:
Asc dr waxan kaa sugaa jwb

SomaliDoc:
Jawaabta kor ayay ku qoran tahay miyaadan arkin? Fadlan raac link-ga aan kuu tilmaamay.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version