Author Topic: Su'aal: Naasaha ayaa saaid ii waa wayn?  (Read 67602 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Qalanjo Abdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Su'aal: Naasaha ayaa saaid ii waa wayn?
« on: March 02, 2016, 02:42:10 PM »
Asc doctor salaan kadib waxaan rabaa inaan wax ka ogaado ciladan

Nasahayga aad ayey u waa wayn yihiin xudunta inay gaaran ayey ba ku dhow yihiin in kastoo aan heesto will  5 bil jira hadana wayba ka ski dareen. Intaan dhalin kahor way waa waynayen lkn hada culees ayeyba yeeshenba lkn aniga caanaha inay yihiin ayaan u maleeya culeeska marka ima xanuunan oo way cafimad qabaan lkn waxaan dhibsaday waa waynankooda marka talo ayaan kaaga bahnaa iyo daawoyinka aan waxba ii dhimayn oo lagu xadidi ama lagu yarayn  Karo haday jiraan.
Maxaana keena in nasaha saan u waynadaan 

Jazakallah





Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Naasaha ayaa saaid ii waa wayn?
« Reply #1 on: March 05, 2016, 05:07:16 PM »


Haween badan ayaa ka sheegto arrinaan naaso waawaynida, waana arrin ay ka xishoodaan in ay dhakhtar ugu tagaan.

Waxyaabo badan oo dadku aamisan yihiin oo aan sax ahayn ayaa jiro, waxaana ka mid ah:
  • Naaso wayninka iyo caano soo saarista iskuma xirna, hooyo leh naaso yar way ka caano badnaan kartaa hooyo leh naaso waawayn.
  • Naaso wayninka kuma xirna in qofka uu cayilan yahay.
  • Naaso wayninka kuma xirno xilliga ay naasaha kuu soo baxeen, dadbaa aaminsan haddii gabadhu naaso ugu soo baxaan da' yar in ay ka naaso waawaynaanayso gabadha waqti dambe u soo baxeen.
  • Naaso wayninka kuma xirna in aad tahay hoooyo mataano dhasho.

Intaas markaa isla fahanno kadib, su'aashu waxay tahay "Maxaa keeno in haweenka qaar ka mid ah naasuhu waynaadaan oo ka baxaan xadkii dabiiciga ahaa ee lagu yaqaanay?"

Jawaabtu waa mid kamid ah sadaxdaan qodob:
  • Dhaxal: Naaso wayninka wuxuu ku yimaadaa qaab dhaxal ah, waana arrin hiddesocod ah oo qoysas gaar ah lagu arki karo, haddii ayeydu ama hooyadu ay leedahay arrinkaan, gabadhuna inay yeelato ayay u badan tahay, marka waxa ugu horreeyo oo la waydiiyo qofka ka cabanayo arrintaan waa taariikhda qoyskiisa
  • Cilladaha hormoonka: haddii aysan qoysku taariikh naaso wayni u lahayn, waxa ku xiga in hormoonka qofka la baaro, maxaa yeelay haddii cillad hormoon ay jirto dumarka iyo raguba naasuhu way waynaadaan, hormoonka loo yaqaano "Estrogen" ayaa u qaabilsan korriinka naasaha, wuxuuna kacaa xilliga qaangaarka gabadha, xilliga uurka iyo xilliga naasnuujinta, laakiin wuxuu leeyahay xad loogu talagalay inuusan dhaafin khaasatan dhibka hormoonkaan markuu kaco waxaa la kulmo ragga, ka akhriso halkaan qoraal aan uga hadalnay ragga naasuhu bararaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5855.0.html
  • Daawooyinka: Waxay keenaan in naasuhu bararaan, waana muhiim haddii ay jiraan daawo aad joogto u qaadatid in aad dhakhtarkaaga la socodsiisid, inkastoo cillada daawada ama maandooriyaasha keena naaso wayninka ay raggu ku badan yihiin.

Naaso wayninka waxay keenaan dhowr cilladood oo hooyadu isku aragto, waxaana ka mid ah:
  • Dhabar xanuun, weliba murqaha dhabarka ku aadan garbaha hoostooda.
  • Garbo xanuun, Qoor xanuun iyo kalxamo xanuun.
  • Kabaabyo gacmaha ah ama xanuun kilkilaha ah.
Astaamahaan waxay siyaadaan markii hooyadu ay ku jirto marxallada naasnuujinta.

Haddii ay hooyadu naas nuujiso, cilladuna ay noqoto wax la xiriiro hormoonka oo siyaado ah, waa laga ilaaliyaa in la siiyo daawo yaraynayso hormoonkaas, maxaayeelaya waxaa laga yaabaa in caanuhu yaraadaan.

Cabashadaas wax ka badan oo dhibaato ah mustaqbalka qofka uma keenaan naaso wayninka, sidaas darteed ayaa hooyada loo siiyaa xanuun baab'iye, lagula taliyaa in naasaha ay ka ilaaliso raaraacsiga oo ay xirato naas-gashi.

Haddii hooyadu ay ka shaqaysan kari wayso ama dhibaatooyinka aan kor ku soo xusay ka tagi waayaan ama soo darsadaan, waxaa lagula taliyaa in qalliin lagu sameeyo naasaha si loo yareeyo, qalliinkane lama sameeyo xilliga ay hooyadu ku jirto da'da dhalmada iyo naasnuujinta.

Akhriso qoraal ku saabsan "Nasaaha kala dhaadheer": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3304.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Qalanjo Abdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Naasaha ayaa saaid ii waa wayn?
« Reply #2 on: March 06, 2016, 12:41:47 AM »
Aad aya u mahadsantahy doctor

Marka laga soo tago naaso qabsiga wax dawo oo Loo qato in lagu yareeyo ma jirto miyaa? Kiniini ama boomataba

Jazakallah

Offline Mo Digdig

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Naasaha ayaa saaid ii waa wayn?
« Reply #3 on: March 06, 2016, 09:39:40 AM »
Walashey waxan filayaa inaad fahamtay fariinta dhaqtarka. Aniga waxa ka fahmay suaashaada iyo ciladaan naasaha, waxaan kugula talinayaa inay tahay ciladaadu mid dhaxal ah, sababtoo ah wax xanuun ah oo ay kugu haayaan majirto. Talada dhaqtarka qaado oo xiro si aysan u lulan isla markaana xanuun u imaan. Insha allah waa hagaagi doonaan yaan lagaa dhaadhicin inay cilad tahay arintaan waa dabiici. Mahadsnid

Offline Qalanjo Abdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Naasaha ayaa saaid ii waa wayn?
« Reply #4 on: March 06, 2016, 10:21:07 AM »
Wll aad ayad u mahadsantahay
Lkn wazaan rabay inaan ogaado marka an  xirnaado waxoga naaso qabsiga oon damco inan iska furo oo wiilkyga caano siiyo wuu I danqadaa wuuna I xanuuna marka maxay tahay sababtaa?

Naso qabsi kaa yar yar hada xirato ma.dhibaato ayey kugu keenaysa

Jazakallah

Offline Mo Digdig

  • Jr. Member
  • **
  • Posts: 27
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Naasaha ayaa saaid ii waa wayn?
« Reply #5 on: March 10, 2016, 08:33:27 AM »
Su'aalahaan waxan u deynaya Doctor ka sharafta leh oo mar walba nooga faa'iideeya waxa uu bartay. Lkn aniga caafimaadka aqoon sidaa u buuran uma lihi, balse waxaan kugula taliyay si Psychology ahaan ah. Sababto ah su'aashada waxan ka dareemay shaki ah big breasts problems. Taasna waa natural not desease. Waa inaad xirataa rajabeto suuf ah, ka fogow plastic mida ah ama adag. Yar yaraantu naso qabsiga aad sheegtayna, tusaale adiga dhar kaa yar ma xiran karta? Simply waa maya, wax walba wa jinkooda inaad xirato. Lkn hadii suuf yahay dhib badan makeenayo. Mahadsnid wixii faahfaahin ah dhaqtarka aan ka wada sugeynaa inuu noo bayaamiyo.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Naasaha ayaa saaid ii waa wayn?
« Reply #6 on: March 22, 2016, 04:13:26 PM »
Fadlan ka fogow in aad xirato naaso galis cariiri ah ama blastiko ka samaysan.
Mo Digdig, waad ku mahadsan tahay taladaada.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: