Author Topic: Su'aal: Dumarkayga waxay ku xanuusadaan galmada?  (Read 16884 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Samawade5151

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dumarkayga waxay ku xanuusadaan galmada?
« on: March 10, 2016, 08:13:35 AM »
Waxaan ahay aabo leh afar xaas kuwo horena waa furay
Waxaan ogaaday in dumar kaygu ku xanuustaan galmada  waxaana xanuuna dhabarka iyo wareega, halmar hadii aan ugalmoodo  mar labaad waa ku dhib   waan baadhay balse waxba lagama helin oo way caafimaad qabaan,  mana ihi nin ay wayn tahay xubintiisa taranku

Markaa dr  maxaa keeni kara ?

Dumarka  markay biyuhu sifiican uga yimaadaan  ma keeni kartaa xaaladaas




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dumarkayga waxay ku xanuusadaan galmada?
« Reply #1 on: March 22, 2016, 04:11:38 PM »
Xanuunka ay haweenka dareemaan galmada waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Dyspareunia", waxaana keeno dhowr shay oo kala ah:
  • Xanuun ka dhasha murqaha siilka: Waxay timaadaa arrintaan markii murqaha ay dabacsanaanta loo diido khaasatan markii gabadhu ay ka baqayso ninkeeda inuu dhaawac gaarsiiyo.
  • Infekshanka cabeebka ee ku dhaca farjiga: waa xanuun keeno inay darbiyada farjiga murxaan, waana xanuun la kala qaado, baarista badanaa ma aragto, laakiin astaamaha ayaa lagu gartaa, akhriso qoraal ku saabsan infekshankaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1092.0.html
  • Cillad ku timaado afka minka: waxay ka timaada jugta gaarto xilliga galmada ama hadduu infekshan qaado, waxaana xanuunkaan haweentu dareentaa markii lagu guda jiro howsha.
  • Cillad minka: sida inay fiix ama buro ku taallo minka, tanoo cadaadis keento xilliga galmada.
  • Xanuunka endometriosis: wuxuu ka qayb qaataa xanuunkaan, akhriso qoraal ku saabsan arrintaan:
  • Infekshanka ku dhaca minka iyo tubooyinka: akhriso qoraal ku saabsan arrintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.html
  • Xilliga dhalmodeyska: maadaama hormoonka haweenka uu yaraado, waxay keentaa dareen qalleel tanoo dhaawac gaarsiin karto xubinta taranka markii la galmoonayo.
  • Dhaawac hore: sida fool horay loogu soo dhibaatooday ama jeexista foosha oo qaldanto.
  • Cillad dhabarka ka timaaday: Haddii dhabarka uu qofka horay uga jiranaa, ama qaabka galmada ay dhaawac dhabarka u geysanayso ama labada qof uu mid aad u buuran yahay, intaasba dhabarku cadaadis ayay saartaa.

Intaanba waa suuragal, ee qoraallada ku lifaaqan jawaabta akhriso.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa sababa xanuun ku yimaada raga xiliga galmada?

Started by Shamso MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21215
Last post September 16, 2015, 02:20:23 PM
by SomaliDoc
Su'aalo: Caadada Wareersan? Galmada Badan? Xilliga Uurqaadka?

Started by CaaishaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 51950
Last post January 01, 2011, 08:43:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Kiniinka awooda galmada maxuu udhimi karaa caafimaadka?

Started by TimocadeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 36818
Last post March 31, 2017, 07:43:12 PM
by SomaliDoc
Suáal: Cudurka macaanka galmada ma layskugu gudbiyaa?

Started by Ahmed333Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 27384
Last post June 12, 2009, 12:08:53 AM
by SomaliDoc
SU'AAL: DHIBAATOOYINKA EEY KEENAAN DAAWOOYINKA GALMADA LOOGU KAALMEEYSTO?

Started by GEEDOOWBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 9
Views: 94892
Last post June 05, 2011, 06:41:43 PM
by SomaliDoc