Author Topic: Su'aal: Waxay lahayd uur 4 bil ah kadib wax culus ayey qaaday?  (Read 4001 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ilias Abdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxay lahayd uur 4 bil ah kadib wax culus ayey qaaday?
« on: February 27, 2016, 07:32:31 PM »
Asc doctor ilahay waxaan kaaga baryayaa janatul firdowsa in sha allah
Salaan kadib waxan u bahnaa suaal aad muhim iigu ah inaaad I faahfaahiso waxayna LA xiriirtaa hooyaday I dhashay
Suaasha waa sidantan:

Hooyo ugu yaraan 8 sano kahor ayaa waxay lahayd uur 4 bil ah kadib wax culus ayey qaaday hal.mar ayey wax caloosheeda ka goeen oo jig yidhi  sida ay ii sheegtay hooyo kadib ilmihi ayaa ka soo dhacay oo waliba ku foolatay oo xita faleenbooyin dhawr ah lagu suray carabka xitaa wuu cuslaaday alle mahadii ilahay ayaa ii.badbaadiyey hooyo ilmihii oo meed ahna wuu soo dhacay maalinkaas wixii ka.danbeeyey cafimaad wanaagsan may helin haba ugu darnaato caadada oo ka istaagtay ayado xiligeeda la gaarin waliba labo gabdhod oo LA dhashay oo ka waa wayn way helaan caadada kadib barida dusheeda oo dhabrka ah  qaybta bidix ayaa aad u xanuunto.marka.ay istaagto 10-20 daqiiqo waxaan qasab ku ah inay fadhiisato waxaa kaloo ay xanuunka dareenta waqtiga ay ka soo kacdo hurdada subaxii waliba inta ay qoraxda soo bixin waxaad mooda inay malax ku jirto camal oo way I dikaanta marka ay qoraxda soo baxdo oo dhiiga shaqeeyana caadi ayey noqotaa oo xanuunki wuu ka tagaa waxaa kaloo jirto maalinka ay ciladan isku aragtay in lugta bidix ay barartay ilaa hadana bararkaas Kama.dagin wuxuuba ku noqday hilib camal wayba iska cayilantahay lugta.tan kle ee midigna way dhuubantahay
Doctor please hooyo arinkaa sameen.badan ayuu noolasheeda ku reebay marka cilaadas cafimaad ahaan wax ay tahay iyo qaabka Loo daawayn lahaa ayan rabaa inaan ogaado waana ii muhiim.

Lkn hooyo sideeda kle way fiicantahay way cunta way cabtaa guriga hawshiisa way qabataa inta karaankeeda ah noolasheedana caadi ayey u nooshahay lkn ciladahan ayaa aad maskaxdeeda ugu wareego

Waxaa kloo jirtaa inay xanuunka gaas qabto lkn xanuunkan kale wuu ka danbeeya gaaska waliba gaaska xitaa hada ka hor ayey sakarad noqotay  intuu ku dilaacay ilaa hadana waxay qadatadaa kiniinyo ay  ka kaalmeesato gaaska

Meshana dhaqtar fiican oo wax lagu ogaan Karo ma jiro marka jaaniskan iiga faidee

Hadii aad suaaalo u bahato waad IGA waydiin kartaa suaashayda diyaar ayan ahay kliya jawabta ayaa muhiim ah iyo cafimaadka hoyaday mcn

Jazzakallah ..... Allah aya mahad leh







Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxay lahayd uur 4 bil ah kadib wax culus ayey qaaday?
« Reply #1 on: March 05, 2016, 02:26:50 PM »
Marka hore hooyo allaha kuu caafiyo,
Marka xigto, cillada lugta aad tilmaantay in ay barar leedahay, ma barar aad u muuqdo oo lugta kale ka duwan baa mise? lugta laf ahaanteeda ma leedahay daqnasho ama maka kulushahay lugta kale? midabkeedu maka duwan yahay lugta kale?
Fadlan ka soo jawaab su'aalahaas si warbixintu u dhameestiranaato.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ilias Abdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 10
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Waxay lahayd uur 4 bil ah kadib wax culus ayey qaaday?
« Reply #2 on: March 05, 2016, 05:59:13 PM »
Aad ayaad u mahadsantahay doctor

Bararka wuu muuqda waana lagaranayaa inay bararsantahay lugta wayna ma wayntahay ta kale lkn aad uma wayno yacni xad dhaaf maha,wax danqasho malaha mana ka kulula lugta kale,maya Kama duwano midabka waa isku mid.

Jazakallah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxay lahayd uur 4 bil ah kadib wax culus ayey qaaday?
« Reply #3 on: March 17, 2016, 12:53:13 PM »
Xanuunka wuxuu iila egyahay mid ka mid ah laba cudur, kuwaas oo xiriir la yeelan karo dilankii iyo dhabar xanuunkii ay dareemi jirtay.
Midka 1-aad waa xanuun neerfe oo sinta ka soo bilawdo, waxaadna ka akhrisan kartaa halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html
Midka 2-aad waa xanuun xinjiroobis xididada lugta ku imaan karo, waxaadna ka akhrisataa isagane halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1460.0.html

Si labadaas xanuun loo hubiyo waa in aad heshaa dhakhtar leh qalab lagu baari karo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: kaadida oo tifiq-tifiq iga imata markan foorarsado kadib xaajada suliga?

Started by Dhool-yareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13517
Last post May 01, 2017, 09:50:00 AM
by SomaliDoc
Baaritaan Caafimaad Kadib, Tuubadda Kaadi mareenka, Caabuq Xannuun ayaa Jira?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 41883
Last post April 16, 2013, 01:40:49 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaan biyo badan cabo ilaa (750 ml) waxyar kadib kaadi baa iqabanaysa?

Started by Mohamed AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 18472
Last post September 04, 2016, 07:49:05 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo baabi'iyaa meelaha cad cad kadib markuu ruuxa caatoobo?

Started by HonestboyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 50554
Last post May 19, 2012, 12:50:12 PM
by SomaliDoc
Niyad Jabka Umusha Kadib (Post Natal Depression)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 4
Views: 30521
Last post May 04, 2008, 06:19:13 PM
by SomaliDoc