Author Topic: Su'aal: Gabdho Badan Oo Xili Caadada ISticmaalo?  (Read 30196 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Nabadon

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Gabdho Badan Oo Xili Caadada ISticmaalo?
« on: March 04, 2016, 02:37:26 PM »
Asc Salaan Kabacdi Waxaan Rabaa Inaan Dhakhaatiirta Waydiiyo

Waxaa Jira Gabdho Badan Oo Xili Caadada ISticmaalo Kaniin Ladhaho Novalgin Marka Waxaan Rabaa Inaan Idin Waydiiyo Muxuu Dheef Leeyahay Muxuuse Dhibaato Leeyahay Mayahay Kaniinigu Ilaa HAda Mid aduunka Laga Isticmaalo Mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Gabdho Badan Oo Xili Caadada ISticmaalo?
« Reply #1 on: March 14, 2016, 05:49:01 PM »


Novalgin waa daawo dunida muddo caan ka ahayd, waxaana markeedii ugu horraysay laga soo saaray dalka jarmalka sanadkii 1922, waa daawo loo adeegsado xanuun baab'iye iyo qandho-jabiye ahaan.

Maadaama ay tahay daawo awood leh, waxaa markii hore lagu bilaabay in loo adeegsado dadka qalliimada galayo, xanuunada soo boodada ah sida qabsinka, xanuunka kilyaha, xanuuanda kansarka iyo qandhada aysan waxba ka tarin paracetamol-ka.

Waa daawo markii horeba laga digay in aan loo adeegsanin haweenka uurka leh.

Markeedii hore waxaa la aaminsanaa inaysan waxyeelo lahayn, laakiin waxaa la ogaaday in ay keento waxyeello halis badan muddo markii la isticmaalayay kadib, waxyeelladaan oo keensatay in daawadaan laga mamnuuco waddamo dhowr ah, waxaana ka mid ah waxyeelladaas:
  • Shaqo joojinta dhuuxa lafta taasoo keenayso dhiigyari aan la sixi karin "Aplastic Anemia"
  • Allerjiyo aad u xun oo keeni karto in qofka u dhinto hadduusan ka warqabin inuu xasaasiyad ku yahay daawada.

Waxaa kale oo jiro daawooyin aan lala qaadan karin Novalgin-ka sida daawooyinka dhiig-karka.

Daawadaan inkastoo waxteerkeeda uu sarreeyo, laakiin waa laga mamnuucay wadamada badankood, waxaana laga isticmaalaa wadamo dhowr ah oo ay Somalia ka mid tahay.

Sidaa awgeed taladaydu waxay tahay in daawadaan waxyeelladeeda ay ka badan tahay dheefteeda sidaa awgeed in laga digtoonaado illaa in ay danta ka maarmi waydo mooyee, waxaana dhibka aad uga soo baxaa dadka joogteeyo, khaasatan haweenka lagulama taliyo qaadashada daawadaan maadaama ay kaga halis badan yihiin ragga in ay dhiig yari ku dhacdo.

Waxaan is dhahay, sababta wadanka looga sii isticmaalayo waxay tahay, daawadaan oo dadka badankiis ay ogyihiin waxtarkeeda xanuun baab'iye iyo qandho jabin, warbixintaan gadaal ka timid ee waxyeelladeeda ku saabsan oo aan laga war qabin, iyo wadankii oo aan lahayn nidaam dabagal daawooyinka ah oo bulshada ka hor istaago waxyaabaha halista ku ah bulshada sida daawooyin badan oo aduunka mamnuuc ka ah, laakiin loo iib geeyo wadamo ay soomaaliya ka mid tahay.

Fadlan haddii aad xanuun dareemaysid, qaado daawooyinka xanuun baab'iyeyaasha oo ka waxyeelalda yar daawada Novalgine-ka.

Akhriso qoraal ku saabsan xanuun baab'iyeyaasha iyo noocyadooda: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,773.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhidka badan iyo Cabsida"xishoodka"?

Started by AhmeddaahirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16979
Last post October 19, 2016, 06:58:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?

Started by FaraxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22353
Last post May 11, 2011, 04:28:24 PM
by Shenamic
Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16445
Last post May 19, 2011, 08:49:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 80208
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?

Started by AyanitaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 49723
Last post November 17, 2009, 07:36:08 PM
by SomaliDoc