Author Topic: Su'aal: Miisaankayga oo i yaraanaya maxan ku kobcin karaa?  (Read 22021 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Basma10

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Miisaankayga oo i yaraanaya maxan ku kobcin karaa?
« on: March 15, 2016, 01:03:07 AM »
Salama aleikum dr
Suashaydu wa miisaankayga oo ai yaraanaya maxan ku kobcin karaa
Maxaadna igula talin lahayd




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Miisaankayga oo i yaraanaya maxan ku kobcin karaa?
« Reply #1 on: March 26, 2016, 02:20:54 PM »


Inkastoo dadka badankood ay na soo waydiiyaan siday cayilka iskaga ridi lahaayeen ama baruurta iskaga gubi lahaayeen, laakiin dad dhif ah ayaa raadiyo siday ku heli karaan miisaan caafimaad leh.

Fadlan raac talooyinkaan hoose si aad u heshid miisaan dabiici ah oo caafimaadka dhib ku ehayn:

  • Cun cunno tamar leh sida hilibka, digaaga, ukunta, kalluunka, baradhada, digirta iyo lowska
    Si aad u kororsato nus kiilo usbuucii waa in aad cuntaa cunno aad ka helaysid ugu yaraan 1000 kalori ka badan inta aad isticmaashay.
  • Kala dooro cunnada, hilib iyo kalluun ku badalo rootiga, ukunta ka dooro qudaarta.
  • Cun cunno ku badantahay borotiinka iyo karbohaydareetka.
  • Badso cunnooyinka fudud una dhaxeysii waqtiyada quraacda, qadada iyo cashada.
  • Cab dareerayaal nafaqo leh sida caanaha iyo juuska dabiiciga ah sida cambaha, babayga IWM.
  • Samey jimicsi joogto ah si murqahaaga u dhismaan.

In miisaan la dareemi karo ku koro waxay u baahantahay bilooyin sidaa awgeed waa in aadan dagdagin, maxaayeelay miisaanka dhakhso ku fuulo faa'ido uma lahan caafimaadka, si dhakhso ayuuna kaaga lumi karaa.

Akhriso waxa laga wado Cunno Isu-dheelli tiran: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6256.0.html
Akhriso sida Buurnida looga hortago: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3014.0.html
Akhriso dhibaatada Daawooyinka la isku caateeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6319.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: