Author Topic: Su'aal: Xanuun aan magacisa garan karin?  (Read 4124 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline HANI FAARAX77

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xanuun aan magacisa garan karin?
« on: February 24, 2016, 08:58:22 PM »
salamu calaykum doctors salaan kadib waxaan aad ugu faraxsanahay in aad ii ogolatan in aan su.al idin waydiiyo , waxaana allah idinka baryaya miisanka xansaadka malinta aakhiro inu idiinku daro arimaha aad bulshada u haysaan , intaa hadaan kasoo gudbo waxaan rabaa in aan bilaabo su,ashayda
waxaan ahay gabar da.dydu wa 20 waxaan mudo sadex asbuuca isku arkay xanuun , xanuunka sidatan buu iiqabanayaa markaan damco in aan seexdo ama aan hurdada ka bogto waxaa i qabanaya waxaan u arkay magnad oo kale neefta in ay kugu dhagayso hadaan damco in aan koco ma awoodayo xubnahaygoo dhan ma dhaqaa jin karo ma hadli karo dabcan waxaan isku haystaa in aan hadlayo lkn aan la imaqlayn waxan daremaya in xanuun i hayo qof haduu iiso galo waan la hadlaya i maqlayo sidii qof maqan oo kale dabcan riyo ma ahan arintaan lkn waa marka aan seexan rabo ama aan kici rabo mudo markuu i hayo ayuu iga fuqayaa kadib waxa u i haynaa in fiican marka waxaan raba waxan wuxu yahay in aan ogaado wadnaha iyo bogana waa layga qabtaa oo yada mudo badan baa layga hayay ducoyin iyo adkaarta wan badsadaa gabar tukata oo dhowrsoona waan ahay marka iiso jawaba waa mahdsantihin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xanuun aan magacisa garan karin?
« Reply #1 on: March 02, 2016, 01:46:53 PM »
Ilaa goorma ayaa isku aragtay xanuunkaan?
Waqti kasta oo aad huruddo miyaa dareentaa xanuunka mise mararka qaar, haddii mararka qaar ay tahay, maxa mararkaas kaga duwan yihiin mararka aadan dareemin?
Ma leedahay xanuuno kale sida cudurka gaaska, xanuunka qalalka?
Miisaankaagu waa imisa? wax daawo aad qaadatid ma jiraan?
Ma leedahay caga barar, neef-tuur iyo xiiq markaa howl qabato ama jaranjaro aad fuusho?

Fadlan su'aalahaas ka soo jawaab si aan fikrad uga qaadanno xanuunkaaga.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline HANI FAARAX77

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Xanuun aan magacisa garan karin?
« Reply #2 on: March 05, 2016, 11:21:11 AM »
waan idin salamy dhamaan dhakhaatiirta scw salan kadib waan ka cudur daaranaya inaan dhakhso uso jawabi waayo khadkoo iga xumaa owgiis hadan ka jawaabo waxa iwaydiisen
 tan kowaad
1: xanuunkaan waxaa isku arkay bishii dhamatay hada gudaheeda waliba markaan seexan rabo ama aan hurdada ka bogtay oo aan rabo inaan koco
 2:mararka uu iqabto way iiga duwan tahay mararka kale waayo wadna xanuun daal aan garanayn meel u iiga yimi baan  dareema , mararka uusan i qaban waxaan kusoo kacaa cafimaad marka ma garanaayo wuxu marna ii qabanaayo marna uusan ii qabanayn lakiin waxaa hubaal ah inusan si joogta ah ii qaban mana jirto wax gaar ah aan sameeyo markuu iqaban ka hor lkn noloshayda sida caadiga ah baan malin walba u dhaqmaa marka marna waa i qaban marna ima qabto .
3:xanuunka qalalka ah ma lihi lkn waxaan leeyahay gaas
4: miisankaygu waa 51
5: wax daawo ah ma qaato hada
malihi cago barar lakin waxaan leeyahay neef tuurka markan howl qabto adag , iyo markaan ordo iyo jaranjaro markaan fuulo wadnaha ayaa aad ii garaacmo
 
waana mahadsantihin waxyaabo kale haday jiraan diyaar baan u ahay inaan ka jawaabo

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xanuun aan magacisa garan karin?
« Reply #3 on: March 17, 2016, 12:41:23 PM »
Waxaad u baahan tahay in wadnaha lagaa baaro oo la ogaado haddii ay jirto cilad keeni karto astaamaha aad tilmaantay, waxaan kaloo kugula sii talinayaa inta aad dhakhtar uga tagaysid in aad barkin ama laba barkin isdul saarato marka aad jiifsanaysid oo madaxaagu iyo feerahaagu ka sarreeyaan jirka qeybihiisa hoose.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33463
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32534
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23699
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41860
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29606
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc