Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

SU'AAL: MATAG JOOGTA AH?

(1/1)

Samakaab:
A.s w.r Wb
Fadlan walaalayaal waxaa ihaysta Mushkilad xaga cuno xumo  ah oo waxyar hadaan cuno cuno aan dareemayo Matag iyo oo markaas igu khasbaysa inaan joojiyo hadaan laba jeer ka qato hadanse sii wado aan soo celinayo tii hore iyo sideeda ahaanba Matagayga oo meel fog aan jiri xata biyo cad  hadan cabo, Dhakhtar hadan utagayna wuxu igu sheegay Gas dhowr jeer, iyo Bahal calooleed kadib dawadii wax is bedela kama helin ila iyo hada Mudana ciladan waan hayay sanado ah, dad ba waxay igu dhaheen mandhicirada ayaa qayb xiran tahay saas darteed baan dheefshidku uyar yahay.
Dr Insha,allah talo Wanaagsan baan idinka rajaynayaa..

SomaliDoc:
Dhowr shay ayaa keeni karo mataga aad dareentid cunanda ka dib, waxaa ka mid ah gaas calooleedka boogta keeno, infekshanka caloosah qeybihiisa kala duwan iyo mindhicirrada oo jiran, waxaana lagu ogaan karaa xanuunkaaga adigoo mara dhowr baaritaan.

Fadlan u tag dhakhtar aqoon fiican u leh cudurrada guud.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version