Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Nabar iga gaaray madaxa ma noqon karaa cudurka faaliga?

(1/1)

Nejiboz:
Assalamualaikum,

Doctor khayr Allaha ku siiyo in sha Allaah.

Dr. Allaha caafiyo inta uu ku dhacay cudurka inta kalena Allaha SW haka ilaaliyo.

Su'ashayda waxa waaye aniga mudo laga joogo 9-10 sano kahor ayaa madada dhinaca bidix ul (stick) la iiga dhufta si aad u xun wayna isoo barartay dhiig cml ayaa i fariistay maalmihii hore waa i xanuuni jirtay balse mudo xanunki iyo kaarkii waa iga bogsaday lkn calaamadii bararka ayaa igu hartay hadii aan aad u riixo xanun ayaan dareemaa mararka qaar ilaa dhagta dusheeda?

Saamayn ama xariir miyay la leedahay cudurkan faaliga maxayse noqon kartaa cawaaqibka?

Allaha ku xafido in sha Allaaah

SomaliDoc:
Barar kor ka muuqdo iyo dhaawac aan maskaxda gudaheeda u gudbin ma keeno cudurka Faaliga.
Badanaa cudurka faa'iga wuxuu yimaadaa haddii dhaawac gaaro xididada gudaha ku jiro ee maskaxda ee ma ahan kuwa kore ee basada.
Akhriso cudurka Faaliga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3552.0.html
Jugta sida aad tilmaantay oo kale waxay keeni kartaa cudurka Qalalka, Akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version