Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Hurdada habeenkii?

(1/1)

Jamaaluddiin:
asc dhakhaatiirta sharafta leh waxaan rabaa inaan weydiiyo caafimaad ahaan waxa ay ku kala duwanyihiin hurdada habeenkii iyo tan maalintii inta badan waxaa la amaanaa tan habeenkii sababtu maxay tahay? hurdada maalintiise tan duhurkii haragalka ayaa iyadana wax xoogaa wanaag lagu sheegaa. galbihii qorax dhaca iyo maqribka inta u dhaxeyso meelahaa hadii la seexdona dadka qaar waxay yiraahdaan waa lagu waashaa iyo waa lagu xanuynsadaa maxaa ka jiro waxyaabahaas idinkoo mahadsan

SomaliDoc:
Habeenkii hurdadu waxay u wanaagsan tahay, loogana digo in aan la dhafrin ama la shaqaysan waa abuuris ilaahay bini'aadanka ku abuuray oo qeyb ka ah abuurista guud ee kownkaan, caafimaad ahaan jirka badankiis habenkii shaqada wuu yareeyaa, waana la nasiyaa, hormoonada iyo dheecaanada la soo daayo iyo shaqada maskaxda waa la yareeyaa, sidaas ayaana ilaahay siduu noo sheegayba loogu talagalay in la hurdo, haddii la khilaafo arrintaas waxay dhakhaatiirtu sheegaan in laga dhaxlo xanuuno dhowr ah.

Midda kale uu ku saabsan hurdada duhurkii, horay ayaan uga hadalnay ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4818.0.html
Midda ku saabsan maqribkii in lagu waasho ma ahan wax jiro, laakiin dadka qaar ayaa madax xanuun iyo hurdo xumo ka qaado, welina wax cilmi ahaan loo baaray ma ahan, laakiin wixii warbixin aan ka soo ogaado ama ka soo kordho waan ku soo gudbin doonaa halkaan.
Akhriso dhibaatada dhafarka habeenkii: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6186.0.html

Jamaaluddiin:
thank you

Navigation

[0] Message Index

Go to full version