Author Topic: Su'aal: Bacteria ka dilidda Caanaha xoolaha (pasteurization)?  (Read 6469 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline Aahashi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Caanuha xoolaha waayadii hore baadiyaha ayaa laga keeni jiray inta badan, hadda beero ayaa loo samaystay Geel iyo Lo'ba oo lagu quudiyo calaf dibadda laga keenay.. waana caanaha ugu badan ee laga isticmaalo magaalooyinka somalia qaar badan oo kamida. taa waxay igu dhalisay in aan caanihii iska kar kariyo haddana dadka qaar waxay igula taliyeen inaanan kar karin oo waxay igu yiraaheen nafaqado badan ayaa kaga dhimanaysa kar karinta caanaha..
Haddaba Waxaan Waydiin lahaa SomaliDoc su'aal la xiriirta kar karinta caanaha ama Bacteria ka dilidda taas oo afka qalaad loo yaqaan pasteurization.
Dhowr dhinac ayay taabanaysaa su'aashaydu :
1- Caanaha noocyadooda oo dhan Geel , Lo, iyo Ari-ba, ma sax baa in la kar kariyo si bacteriada looga dilo ?
2- Qaabab kale oo Bacteria-da looga dili karo ma jiraan ?
3- Kar karinta wax tarkii caanaha wax ma u dhimi karaan ? hadday haa tahay illaa heerkee ?
4- Sida ugu haboon uguna badbaado badan ee caanaha xoolaha looga faaidaysan karo innagoo og inaanan hubin karin xoolaha caanahaas laga soo lisay caafimaadkooda iyo waxa ay daaqaan.

Mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Bacteria ka dilidda Caanaha xoolaha (pasteurization)?
« Reply #1 on: March 18, 2016, 12:45:33 PM »
1- Waa sax in caanaha la iska karkariyo si looga dilo jeermiska maadaama xanuuno badan oo xoolaha ku dhaco laga qaado cabista caanaha, inkastoo ay soomaalidu aysan karkarin caanaha geelaha, laakiin iyaga xittaa in la karkariyo ayaa wanaagsan, akhriso cudurka loo yaqaano Buruseelka oo laga qaado caanaha aan la karkarin: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2233.0

2- Way jiraan qaabab kale ee caanah jeermiska looga dilo, laakiin midda ugu wanaagsan waa kuleelka sida karkarinta taasoo muddo kooban lagu sameeyo, waa in la karkariyaa markay buriyaan isla markiiba dabka laga dajiyo, waxaa loo yaqaanaa arrintaan "HTST" lagana soo gaabiyay "High Temperature, Short Time", tan waxay caanaha ka saartaa boqolkiiba 99% jeermiskii caanaha ku jiray.

3- Markii la adeegsado HTST, waxtarkii caanaha isma badalo, laakiin haddii muddo dabka saaarnaadaan, caanaha waxaa ku dhaco wax loo yaqaano "denaturation" sida in borotiinkii nafciga lahaa uu burburo iyo wax la mid ah.

4- Sida ugu habboon waa sida haddaba guryaha looga karkariyo, dabka shid markii uu safiican u qaxo, caanaha saar, markii ay buriyaane ka daji, haddii aad gaas ku karinaysid muddo yar ayay saarnaanayaan, waxaa jiro dad marka buriyaan caanah dabka gaabiyo ama ka dajiyo kadibna ku celiyo, taasi ma fiicno, hal karin wuu ku filan yahay in jeermisku dhinto.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

World's Oldest Bacteria Found Living In Permafrost

Started by YaxyaBoard Health News and Events

Replies: 2
Views: 6269
Last post April 16, 2008, 11:11:45 PM
by Yaxya
Childhood Asthma Linked To Lack Of Ancient Gut Bacteria

Started by Dr.TulipBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 5893
Last post July 16, 2008, 06:34:44 AM
by Dr.Tulip
Su'aal: Caanaha naaska dhagaha ilmaha malagu shubi karaa?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12475
Last post February 06, 2016, 02:44:30 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maraqa gaar ahaan maraqa madaxa xoolaha?

Started by Diihaal GuutoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10960
Last post April 24, 2016, 03:11:28 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa caanaha naasaha lagu badin karaa?

Started by Umu AmiraBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 71433
Last post August 10, 2015, 09:43:42 PM
by Umu Amira