Author Topic: Cudurrada lagu kala qaado Shumiska  (Read 53499 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cudurrada lagu kala qaado Shumiska
« on: March 09, 2016, 11:20:44 PM »


Shumiska waxaa lagu kala gudbin karaa dhowr xanuun, kuwaasoo ay keenaan jeermis bakteeriyo ama fayras. labadaas jeermis oo ku noolaan karo calyada ama dhiigga.

Sidee shumiska loogu kala qaadi karaa xanuun?
  • Taabasho: waa in qofka uu shumiyo meel lahayd jeermis gudbin karo xanuun ama caabuq.
  • Dhibco qoyaan ah: dhibcahaas oo xambaarsan jeermis il-ma-aragto ah, wuxuu ka imaan karaa sanka ama dhuunta, sidaas ayuuna qofka ugu kala gooshi karaa xilliga shuminta, qofka kale wuu liqaa ama wuu neefsadaa dhibcahaas xambaarsan jeermiska inta uusan cudurka qaadin.
  • Hawada: waxaa jiro xanuuno lagu kala qaado neefsiga oo labada qof isweydaarsan karaan xilliga shumiska.

Waa maxay xanuunada lagu kala qaado shumiska oo uu keeno jeermiska feyraska?
  • Hergabka / Ifilada / Durayga
  • Qandhada qanjirrada "Glandular Fever", loona yaqaano xanuunka shumiska, waa xanuun uu keeno caabuq feyras loona yaqaano "EBV", waana xanuun si sahlan ugu gudbo shumiska, waana sababta loogu bixiyay cudurka shumiska "kissing disease".
  • Caabuqyada herbeska: waa caabuq ay keenaan dhowr feyras oo kala duwan, waa xanuun ku kala gudbin karo taabasho, wuxuuna faruuryaha ku sameeyaa nabro qoyaan ku leh afka, sidoo kale waxaa la mid ah cudurka busbuska oo isagane shumiska ku gudbi karo hadduu nabar uu qofka ku leeyahay meelaha u dhaw meesha la shumiyay
  • Cagaarshawga nooca B: waa cudur uu keeno feyras, waxaana lagu kala gudbiyaa shumiska inkastoo badankiis lagu kala qaado dheecaannada jirka oo isgaaro, laakiin markuu qofka xambaarsan yahay tiro feyras aad u badan oo hadane firfircoon waa lagu kala qaadi karaa shumiska, akhriso qoraal ku saabsan cudurkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,633.0.html
  • Honoqrta / Roqorta: markii ay ka soo baxdo afka, waxaa lagu kala qaadi karaa shumiska, khaasatan haddii roqortaas ay dillaac leedahay, akhriso qoraal ku saabsan honqorta iyo feyraska keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2842.0.html

Waa maxay xanuunada lagu kala qaado shumiska oo ay keento jeermiska bakteeriyada?

Inkastoo ay cudurrada aan kor ku soo xusay ay ugu horreeyaan cudurrada shumiska lagu kala qaado, laakiin waxaa jiri kara cudurro kale oo ka imaan karo hadduu faruuryaha mid ka mid ah labada qof ee is shuminayso ay jiran yihiin ama xambaarsan yihiin jeermis keeni kara xanuuno kala duwan.
Waxaa ilaah mahaddiis ah in qaadista xanuunadaan aysan aad u badnayn, laakiin waxaa muhiim ah in qofku uu sameeyo tilaabooyin taxaddar ah sida:
  • Ka fogow shumiska qof xanuunsan
  • Hadduu qofka afka ku leeyahay nabar ama dhaawac ka fogow in aad shumisid
  • Ku dadaal caafimaadka ilkahaaga
  • Haddii aad hergab qabtid qofna ha shumin, isticmaal maro marka aad qufacaysid ama hindhisayso.
  • Ka fogow shumiska xaaraanta ah iyo dadka aadan garanayn.
  • Waalidku waa in aysan caruurta ka yar hal sano aysan afka ka shumin.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Dawiil

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +0/-0
Re: Cudurrada lagu kala qaado Shumiska
« Reply #1 on: March 10, 2016, 10:39:10 AM »
Asc Dr. Kawaran Tahliisha latufo magudbin kartaa cudur (tahliisha waa weel afkiisa furanyahay oo biyo ku juraan oo lagu dul aqriyo Qor,aan  dabadeedna lacabo ..) layayaabee iney soo raacdo Candhuuf

madhicikartaa in Cuduro badan sidaas ku faafaan   somaaliduna  wacya gilin badan eysan ka heysan  maadaama ey fiirinaayaa Sharafta Qur,aanka iyo Daawadiisa

Offline Zaki Cade20

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Cudurrada lagu kala qaado Shumiska
« Reply #2 on: March 10, 2016, 03:54:50 PM »
Dawil

Dr su'al aad u muhim ah baad way disay, run ahan waxn xasusta in marki qof xanunsado in dahlil dugsiga loo keni  jiray kadibna dhaman ardayda dugsiga ku tufi jiran dabcn ayago qur'an ku aqrinaya inbdan waa cado io dhaqan guun ah ay somalida adegsado ilaa manta, Eebana cafimad waa ugu dari jiray oo qur'anku inu dawa yahy Allaba ino shegay blse habkas tufta ah bal Dr fah fahin ha'inaga siyo. waa ku sugayna jwb teda
mahadsanid


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 107673
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64836
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29855
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 54025
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 34923
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca