Author Topic: Su'aal: Calooshoo shanqarta marwalba?  (Read 19046 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Jaamac2020

  • Newbie
  • *
  • Posts: 19
  • Points: +0/-0
Su'aal: Calooshoo shanqarta marwalba?
« on: March 10, 2016, 12:12:07 AM »
calooshoo sadhaqanta marwalba markaan basbas cunana calool majiir igu dhacayo marmana qaras saaid ah aan hor iyo dabo noqonayo




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Calooshoo shanqarta marwalba?
« Reply #1 on: March 20, 2016, 09:35:34 PM »


Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka.
Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan.

Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin.

Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan?
Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo.

Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo.

Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha?
  • Shubanka, wuxuu astaan u yahay in mindhicirradu ay si xad dhaaf ah u shaqeynaayaan, sidaas daraadeed shanqartuna way badanaysaa marka shuban ku qaban rabo.
  • Haddii ay jirto dheefshiid xumo, akhriso qoraal ku saabsan dheefshiid xumada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3218.0.html
  • Gaaska caloosha wuxuu leeyahay dibbiro, daaco iyo dhuuso badan, calooshane waxaa laga maqlaa shanqar badan iyo inay wax ku dhexsocdaan, akhriso qoraal ku saabsan gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html
  • Caabuqa caloosha ku dhaco sida gooryaanada, bakteeriyada iyo dul-ku-noolayaasha kale waxay keenaan calool majiir, shanqarta caloosha oo siyaado ah.

Sidee loo yareeyaa shanqarta caloosha?
Shanqarta caloosha oo dabiiciga ah oo aysan la socon astaamaha kale ee kor ku xusan sida shubanka, calool majiirka, mataga, dibirada ma ahan wax laga welwelo waana arrin dabiici ah, haddii ay jiraan cunno gooni ah oo aad dhibsatid ama kuu keento shanaqar badan waad ka fogaan kartaa sida caanaha oo dadka qaar ku badiyo shanqarta caloosha.
Laakiin haddii ay jiraan cillado kale waa in aad la xiriirtaa dhakhtar kaa baaro xanuunadaas, kaana daawayn karo haddii lagaa helo.

Akhriso waxa Qarastu ay tahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2346.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Shanqarta xubnaha jirka oo dhen sida lowyaha iyo gacmaha?

Started by CabdulahiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 21167
Last post February 27, 2011, 09:46:36 PM
by SomaliDoc
Shanqarta Caloosha (Bowel Sounds)

Started by Ahmed333Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10349
Last post July 02, 2008, 03:09:28 PM
by Dr.Tulip
Su'aal: Bishimaha qaleel marwalba?

Started by Maaji29Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5899
Last post April 14, 2017, 07:42:08 PM
by SomaliDoc