Author Topic: Su'aal: muxuu yahay xidhiidhka Ka dhaxeeya cudurka macaanka iyo kaabashka?  (Read 17551 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Samawade5151

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Waxaan sameeyay cilmi baadhis balaadhan taas oo aan ku waraystay dad badan oo qaba cudurka macaanka 

Dadka ku nool  puntlan  70% waxay iisheegeen in ay dareen san yihiin cudurka macaanka in ay ka qaadeen fadhi badan iyo wax yaalo macaan  sida  xalwada, IWM

Dadka jooga Somaliland 90%  waxay ii sheegeen in aysan wax yaalaha macaan isticmaali jirin balse kaabashka uu ahaa mid ay aad u isticmaalaan  ayna dareen san yihiin  in sababta cudurka macaanka  ukeen tay tahay isticmaalka kaabashka

Dr  muxuu yahay xidhiidhka la dhaxeeya cudurka macaanka iyo kaabashka

Fiiro gaar , dadku aad bay u isticmaalaan kaabashka  waana muhiim in ay ogaadaan  in laga qaado iyo in aan laga qaadin  cudurka macaanka




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association


Ma jirto diraasad tilmaamayso inuu Kabajka uu keeno macaan ama uu u daran yahay, cilmibaarisyada oo idil waxay tilmaamayaan in kabajku uu daawo u yahay Macaanka.

Kabajka "Cabbage" wuxuu ka mid yahay cunnooyinka sonkorta hoos u dhigo khaasatan nooca type 2, cilmibaaris lagu sameeyay koox doolli ah sanadki 2008, iyagoo muddo 60 maalmood la quudinayay kabbaj, la arkay inay sonkorta dhiiga ay hoos u dhacday, shaqada kilyahuna ay wanaagsanaadeen, miisaanne uu ka dhacay.

Markii la sii baaray geedka iyo qaabka uu macaanka u kontarool waxaa la arkay sadax qaab inuu u yareeyo:
1- In kabajka uu leeyahay "anti-oxidant" oo ah sun saare, tanoo la aamisan yahay haddii sunta ku badato jirka inay dhaawac u gaysato unugyada soo saaro hormoonka insulin-ka.
2- In kabajka uu ku yareeyo mindhicirrada awoodda nuugista sonkorta, sidaasne ay jirka ugu yaraato sonkorta.
3- In kabajka uu alle ku abuuray walxo sonkorta hoos u dhigayo.

Intaas ka dib, kabajka wuxuu ka mid yahay cunnada haddii lagu dadaalo, ka hortaga macaanka inuu soo daahiro hadduu qofka dhaxal u leeyahay.

Waan garanayaa dad joogteeyo Kabajka oo u isticmaalo inay sonkortooda ku kontaroolaan, waxayna ii sheegeen inuu macaanka uu dagan yahay maalinta ay cunaan.

Kabajka wuxuu kaloo leeyahay faa'idooyin kale oo ay ka mid yihiin inuu jirka kala dagaallamo jeermisyada qaar, khaasatan kabajka cadcad, diraasad lagu sameeyay kabajka iyadoo la fiirinayo awoodiisa jeermis dilidda waxaa la arkay inay ku badan yihiin waxa loo yaqaano "polyphenols" iyo "glucosinolates" oo la dagaallamo tarmidda jeermiska.

Kabajka waxaa kaloo ka buuxo fitamiinka C iyo K oo jirka u leh faa'idooyin badan, akhriso waxa fitamiinnadaas jirka u taraan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html

Kabajka wuxuu hoos u dhigaa miisaanka qofka, iyadoo jirka ku yareeyo sokorta, waxaa kaloo ku badan kabajka buunshada oo aanan jirka culeys ku siyaadin.

Akhriso Koostada iyo Caafimaadka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6452.0.html
Akhriso Karootada iyo Caafimaadka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5745.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46487
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 28923
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18440
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 95960
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 27091
Last post February 05, 2011, 04:08:18 PM
by SomaliDoc