Author Topic: Ilkaha Magarta Leh (Ilko Digirka) - Qoraal Cilmibaaris Ah.  (Read 41034 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Ilkaha Magarta Leh (Ilko Digirka) - Qoraal Cilmibaaris Ah.
« on: March 11, 2016, 09:48:07 PM »


Waxaan kaga hadlayaa qoraalkaan mawduuc ku saabsan "ILKO DIGIRka" ama ilkaha magarta leh ama dhibcaha kaffeyga ah ee ilkaha ku sameysmo.

Maxay yihiin dhibcahaas ilkaha ku samaysmo "Ilko Digirka"?
Cilladaan ilkaha ku samaysanto waxay ka dhalataa maaddo loo yaqaano "Fluoride" oo biyaha la cabo ku badan, sida dabiiciga ah maadadaan waa mid caafimaad leh kana hortagto suuska iyo ilko bololka, laakiin haddii ay ka badato 1mg litirkiiba, waxay keentaa xaalad loo yaqaano "Enamel Fluorosis" tan oo ilkaha midabkiisa badasho, haddii ilmaha ka yar 7 sano ay ku koraan dhul biyihiisa ay ka buuxaan maadadaan.

Halkee maadadaan laga helaa wadankeena?
Wadamada biyahooda ay ku jiraan maadada flouride-ka waa fara ku tiris, waxaana badanaa la sheegaa, wadankeena Somalia, Tanzania, China, Mexico, Yemen iyo magaalooyin ka tirsan wadanka ingiriiska, meesha wadamo badan ay ku darsadaan maadadaan biyahooda iyagoo caafimaad ka raadiyo, shirkadaha sameeya daawada lagu cadaystane way ku soo daraan si ilkuhu uga faa'idaystaan.

Cilmibaaris lagu sameeyay biyaha dalka markay taariikhdu ahayd 1980-kii illaa 1983-dii waxaa lagu ogaaday in ceelasha wadanka ka jiray aysan isku mid wada ahayn oo ay ku kala duwanaayeen cabirka maadadaas ku jirtay biyaha markii la baaray.

Diraasadii waxaa ka soo baxday in maadada "Floride" ay ku badnayd dhowr gobol oo kala ah: Bari, Sool, Nugaal, Mudug, Galgaduud iyo shabeelalda dhexe.
Waxay aad ugu sii badnayd laba gobol oo kala ah:
Sool - Degmada Taleex (Qiyaastu waxay ahayd 4.8 mg halkii litir oo biyo ah (4.8mg/L)
Galgaduud - Degmada dhuusamareeb (Qiyaastu waxay sheegtay 4.2 mg halkii litir oo biyo ah (4.2mg/L)
Sidaas daraadeed dadka badanaa leh ilko-digirka waa dad ku soo koray yaraantoodii gobollada la tilmaamay.

Maadadaan maxay waxtar ama dhibaato leedahay?
Flouride-ka wuxuu faa'ido u leeyahay korriinka ilkaha, ka hortagga suuska, caabuq ciridka ku dhaco, waana muhiim in qofka uu ka helaa biyaha sidaas daraateed wadamo ayaa isticmaalo siyaaasadda floraynta biyaha si ay uga faa'idaan, laakiin hadduu biyaha ku bato dhibkiisu waa in ilkaha midab u yeelo taasoo qurux ahaan qofka uu dhibsan karo iyo in ilkuhu jajabi karaan haddii ay maadadan ku badato laakiin badanaa dhibaato uma keento ilkaha, waana arrin laga hooli karo ilkaha ma laga nadiifin karo, haddii aad u tagtid dhakhtarka ilkaha.
Badanaa dadka ku nool meelaha ay maadadaan ku badan tahay, way ku yartahay dhibka suuska iyo ilkaha oo qodmo, waana faa'ido dheeri ah.
Akhriso qoraal ku saabsan Suuska iyo Ilko-bololka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html

Warbixin dheeraad ah:
Diraasadda aan ka soo qaadannay waa mid uu diyaariyay cilmibaare u dhashay dalka talyaaniga, waxaane baaristaas lagu sameeyay gobollada badankood, waxaana lagu ogaaday in maadadaan floride-ka ay ku badan tahay illaa 61 degmo ama magaalo oo dalka ku yaallo.

Akhriso qoraal ku saabsan Saliilyada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6101.0.html
Haddii aad su'aalo caafimaadka ku saabsan qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Daawada lagu cadeysado oo ilkaha lagu nadiifiyo?

Started by Mo DigdigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12147
Last post June 23, 2016, 12:37:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal:- Sidee Ayaa Ugu Fuduud Oo Laysaga Nadiifin Karaa Ilkaha Magarka leh?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22597
Last post December 05, 2011, 11:25:44 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Burushka lagu cadaydo ilkaha dhibaato miyuu u gaysan karaa?

Started by Maxammed Siciid AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8067
Last post May 11, 2015, 02:50:20 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan rabaa inaan ilkaha ku xidho birta?

Started by DalxaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8978
Last post May 20, 2016, 09:18:01 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hadaan xoog u cadaysto dhiig ka imaanaya ilkaha?

Started by Warsame0202Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5707
Last post March 04, 2018, 08:06:16 PM
by SomaliDoc