Author Topic: Su'aal: Waxaan isticmaala basbaas cagaarka?  (Read 51112 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Mohamoud Omar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan isticmaala basbaas cagaarka?
« on: March 02, 2016, 07:27:16 PM »
Asc dhamaan akhyaarta sharafta leh aad ban idinka mahadcelinayna si wada quruxda badan ee aad marwlba noogu faa'iidaysaan hadii aan nahay aqristayaasha
Dr waxaan rabaa inaan ku waydiyo waxaan isticmaala basbaas cagaarka in ka badan khudaarta kale kulkiisana ma dareemo
marka maxay keeni kartaa in la badsado isticmaalka basbaas qajiga
waadna mahadsantihin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan isticmaala basbaas cagaarka?
« Reply #1 on: March 10, 2016, 03:19:29 PM »


Basbaaska iyo caafimaadka:
Basbaasku wuxuu ka mid yahay cunnooyinka dunida aadka looga yaqaano, inkastoo basbaasku ku caan baxay kuleelka laakiin wuxuu ku jira fitamiino iyo macdanno jirka wax u tara, waxaana ugu horreeyo fitamiin c, fitamiin B6, fitamiin K, fitamiin A iyo Boostaasiyam, ka akhriso qoraalkaan waxyaabaha ay fitamiinadaas jirka u taraan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html

Waxaa intaa sii dheer in basbaasku uu xambaarsan yahay walxo daawo ahaan loogu isticmaalo cudurro dhowr ah, walxahaas oo qaarkood basbaaska kaliya laga helo, waxaana ugu caansa maadada "Capsaicin" oo hadda laga sameeyo daawooyin iyadoo la adeegsaday cilmibaaris tiro badan.

Waa maxay faa'idada basbaaska?
Waxaa basbaaska loo adeegsadaa in lagu daaweeyo xanuuandaan hoos ku qoran:
  • Xanuun baab'iye: maadada capsaicin ee laga helo basbaaska ayaa waxay xambaarsan tahay awood ay ku yaran karto xanuunada khaasatan xanuuanda neerfaha ka dhasho, waana sababta keentay in maadadaan laga sameeyo kareemyo loo adeegsado xanuun baa'biye ahaan oo loo yaqaano "Capsaicin ointment", xanuunka lagu daaweeyo bamaatadaan waxaa ka mid ah kan, akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3277.0.html
  • Miisaan ridista: cilmibaaris lagu sameeyay basbaaska waxaa lagu ogaaday inuu gubo ama yareeyo baruurta ama xeerta jirka ku jirto, waxuu kaloo kordhiyaa isticmaalka tamarta jirka ku keydsan, laakiin waxay dhakhaatiirtu ku taliyaan in basbaaska uu waxtar u leeyahay cayilka markii lagu daro tillaaboyin kale oo miisaan ridis, ka akhriso halkaan sida cayilka la iskaga rido: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3014.0.html
  • Caafimaadka wadnaha: Basbaaska waxaa ku jiro maado kale oo loo yaqaano "Cayenne", waxay maadadaan hoos u dhigtaa kolestaroolka, waxayna ka hortagtaa xinjiroobista dhiigga, waxay kaloo mishaa guntamaha dhiiga, waxayna hoos u dhitaa cudurka wadna qabadka, faaliga iyo xinjiroobista xididada sambabada.
  • Caburka: basbaaska wuxuu hawo mareennada ka nadiifiyaa duufka iyo xaakada, sdiaas daraadeed dadka xaakada ka soo go'i la'dahay markay qufacayaan, waxaa lagula taliyaa in ay cuntada basbaas ku darsadaan.
  • Sare u qaadista difaaca jirka: basbaaska gaduudan waxu u roonyahay xanuunada bakteeriyada keento oo ku dhaca sambabada sida oofwareenta iyo burunkiitada.
  • ka hortagga kansarka borostaatada: cilmibaaris dhowaan la soo daabacay waxaa lagu sheegay in basbaaska uu yareeyo halista cudurka kansarka ee ku dhaca qanjirka ragga, akhriso qoraal ku saabsan kansarka borostaytka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,749.0.html
  • Sonkorowga nooca 2: dadka qaba sonkorowga nooca 2, waxaa lagula taliyaa in basbaaska ay ku dadaalaan maadaama la arkay inuu firfiricooni ku abuuro ganaca si hormoonka insulin-ta ee yar u bato, kadibna sonkorta loo yareeyo.

Waa maxay khasaaraha basbaaska?
  • Basbaaska wuxuu keenaan kuleel iyo hanbab hadduu maqaarka ama indhaha uu gaaro, sidaas darteed waa in laga ilaaliyaa.
  • Basbaaska wuxuu siyaadiyaa laabjeexa iyo hurka caloosha markuu qofka ku cusub yahay, laakiin waxaa la arkay markii la joogteeyo inuu nabarrada gaas calooleedka inuu daawo u yahay.
  • Waxaa jirka fikrad ay dad badani qabaan oo cilmi ahaan lagu arkin markii dhowr cilmibaaris la sameeyay, taasoo ah in basbaasku uu xiriir la leeyahay baabasiirka, waxaa cilmibaaris ahaan la aamisan yahay inuu baabasiirka iyo basbaasku wax xiriir ah aysan ka dhaxayn.

Basbaaska kee ugu faa'ido badan?
Basbaaska gaduudka ayaa ugu faa'ido badan, wuuna ka caafimaad fiican yahay kan cagaarka ama jaallaha ah, haddii aad basbaaska daawo ahaan u isticmaalaysid, ku dadaal kan gaduudan.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25766
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47832
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29393
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24767
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35221
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc