Author Topic: Su'aal: Dhibaato dhanka hurdada ah?  (Read 3014 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dirsame

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dhibaato dhanka hurdada ah?
« on: March 03, 2016, 04:03:52 PM »
As-salaamu Calaykum.
Waan idin salaamay dhammaan dhakhaatiirta ku midowday golahaan. Waxaan idiinka mahad-celinayaa caawimaadda joogtada ah iyo talooyinka caafimaad ee aad u soo gudbisaan bulshada ku hadasha Afka Soomaaliga.
Waxaan idin leeyahay Ilaahay Cimriga, Caqliga, Cilmiga, Cududda iyo Caalimaadkaba ha idiin barakeeyo cadaabkana ha idinka xoreeyo.

Itaas ka dib waxaan rabaa in aan idinla kaashado dhibaato muddo badan aan dareemayay oo la xiriirta hurdada. Waxaan dareemi jiray illaa iyo yaraantaydii haddana aan marmar isku arkaa in aan ku riyoodo aniga oo DUULAYA markaan seexdo oo geedaha dushooda maraya markii aan ku soo beegmo geed ama meel dheerna kor isu qaadaya, waxaan kale oo dareemaa riyo ku saabsan dad dagaalaya ama aniga ila dagaalaya xabbado iyo wax yaalo kale oo isku dhex daadsan anigoo meel dheer ka soo dhacaya mararka qaar waan qayliyaa, taasina waxay sababtaa in aan subixii soo koco anigoo aad u daallan oo aad mooddo in aan xalay oo dhan ordayay. Waxaa kale oo jirta in aan maalintii seexan karin oo markii aan seexdo anan gam'ayn haddii aan gam'ana aanan hurdo raaxo leh seexanayn.
Marka bal arrintaas iga caawiya. Wa billaahi towfiiq. Jazaakumullaahu khayr.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhibaato dhanka hurdada ah?
« Reply #1 on: March 13, 2016, 06:34:15 PM »
Qarawgu ama riyooyinka dhaxtinta leh waa waxyaabo dadka qaar ay kaga badan yihiin dadka kale, way dhacdaa marmarka qaar inuu dhowr jeer uu riyo joogto ah argo ama qaab isku mid ah in ay riyadiisa mar kasta ku billaabato, waxaa la sheegaa qofka wuxuu maalintaas sameeyay ama daawaday in ay qayb ka mid ah riyadiisa ay noqoto ama in qofka uu leeyahay khiyaal ama fakar dhalanteed ah sida inuu jecel yahay inuu duulo ama darbiyada koro, waana arrin ku badan caruurta.

Arrimahaan laguma xalliyo daawo ee badana waxaa lagu xalliyaa isbadal dhaqana ma dabci, tusaale haddii aad badanaa filin daawatid inta aadan jiifan ka hor, jooji oo mar dambe ha daawanin si aad u hesho hurdo raaxo leh.
Haddii aad balwad leedahay jooji, haddii ay hurdada kugu yar tahay, isku day in aad heshaa hurdo kugu filan.
Haddii aad jiifanaysid iska ilaali in aad jiifsatid meel buuq badan, haddii aad qabatinto in aad jiifsatid meel buuq badan, badanaa hurdadaadu raaxo ma yeelanayso.

Dad badan oo cilladahaan ka sheegto oo xal waayay, waxay xal ku heleen in ay hurdadooda ku kaalmaystaan duco iyo quraan, tusaale marka aad jiifsanaysid haddii aad quraan akhrisatid ama ducada hurdada akhrisatid ama adigoo salaad dukaday, badanaa isma arkaysaan dhibtaan.

Bal arrintaa tijaabi oo war igu soo celi, dad badan oo ka faa'iday ayaan arkay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29281
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena kabaayo marka hurdada laga soo kaco?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6203
Last post May 20, 2015, 02:43:28 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhibaato intee le'eg ayay keeni kartaa Cirbada Barida laysaga dhufto?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8746
Last post November 21, 2011, 10:18:24 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hurdada maalintii ma looga maarmaa mida habeenka?

Started by Cali AsaaroBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 30278
Last post May 23, 2015, 04:04:31 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Madax xanuunka lala soo kaco hurdada kadib?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8738
Last post October 19, 2016, 07:14:57 PM
by SomaliDoc