Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Neefta oo go'da xilliga hurdada?
(1/1)
Ina Abdi:
Asc daqtarka sharafta badan, haqabtiraha bulshadaw, marka hore asc wrwb, marka xigtana mahad ha idiin ahaato adiga iyo bahdaada groupka iyo akhyaarta su,aalaha muhiimka soo gudbiso. Waxaa kalon kaaga mahad celinayaa, sida degdegga leh ee aad jawaabaha noogu soo gudbiso, taasoo nagu dhalinayso markaad noosoo jawaabtaan dhaqso inaan idiinsoo duceyno si dahrulqayb ah. Intaas kadib, suaashayda waxay tahay
Iiqeex, xanuunka hurdada marka lagu jira oo neeftu go,do mar 1-4 seken, tiiyoo qaylinaya, isagoo neef dheer soo dhufanaya.
Ka warran haddii qofku miisaankiisu uusan cuslayn oo weliba dhuuban yahay, oo haddana xanuunkaas qabo.
Daawo ma leeyahay aan ahayn mashiinka neefta.
Mashiinka oksijiinta siiya qofka hurda ma ka caawin karaa bukaanku inuu xanuunka ka haro.
Bukaanku malahan khuuro, laakiin 10 -15 daqiiqaba mar ayuu xaalladdaas galaa markuu jiifo.
Ma qabo wax Asthma ah ama neef.
Jawaab wacan.
Mahadsanid.
SomaliDoc:
Fadlan qoraalkaan ka akhriso jawaabta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5558.0.html
haddii aad faahfaahin kale u baahan tahay waad i soo waydiin kartaa.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version