Author Topic: Su'aal: Liin dhanaanta wajiga ma iftiimisaa?  (Read 102897 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Su'aal: Liin dhanaanta wajiga ma iftiimisaa?
« on: March 14, 2016, 10:33:30 PM »
Waxaa website yo badan Ka aqriyay Sida web Ka wikihow LA yiraahdo
In liin  dhanan ta ama lemon
In ee  wajiga iftiimiso Oo ee  kaa dhaqeeyso qoraxda madow geeda
Arin kaas maxaa kijro
Thank you




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Liin dhanaanta wajiga ma iftiimisaa?
« Reply #1 on: March 27, 2016, 03:56:08 PM »


Liin dhanaantu waxaa laga helaa faa'idooyin badan oo halkaan lagu soo koobi karin, laakiin waxaan ka hadli doonaa insha'llah faa'idooyinka badanaa la isku waafqasan yahay:
  • Liin dhanaantu waa aashito laakiin markii ay jirka gudaha u gasho, waxay yaraysaa aashitada jirka, tanoo isu dheellitirayso dheecaanada jirka.
  • Liin dhanaantu waxaa aad ugu badan fitamiin C-ga, fitamiinkaan oo xoojiyo difaaca jirka lana dagaallamo infekshanka ay feyrasyadu keenaan sida Hergabka iyo Ifilada, Akhriso Sida hergabka aad iskaga daawayn kartid adigoo gurigaaga joogo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6018.0
  • Liin dhanaantu waxay caawisaa shaqada beerka, waxayna dhalaalisaa waxyaabaha halista ku ah, sida aashitada uriik "Uric Acid", waxay kaloo mishaa dacarta, sidaas daraadeed waxaa lagu taliyaa in qofka uu subaxii hore cabo biyo liin dhanaan oo qandac ah si beerka u nadiifismo.
  • Liin dhanaantu waxay nadiifisaa mindhicirrada, waxay kordhisaa dubaaxinta mindhicirrada si ay jirka uga saaraan waxa mindhicirrada ku dhex jiro, waxay kaloo la dagallantaa gooryaannada caloosha ku jiro sida tuunta oo kale, Akhriso Tuunta iyo Caafimaadka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6717.0
  • Liin dhanaantu waxay daawo u tahay cudurka cirid dhiigga "Scurvey", xanuunkaan oo aad ugu badan badmaaxayaasha, waxaa lagula taliyaa inay liin dhanaan ku fialan ay u qaataan safarradooda.
  • Liin dhanaanta waxaa ku jiro aashitada loo yaqaano "Citric acid" tan oo jirka ku caawiso inay misho ama dhalaaliso dhagaxaanta ku samaysmo xameetida iyo kilyaha, dadka ay ku soo laalaabtaan dhagaxaanta kilyaha iyo xameetida waxaa lagu booriyaa inay cunista liin dhanaanta joogteeyaan.
  • Qolofta liin dhanaanta waxaa ku jiro maaddo loo yaqaano "Tangeretin", tan oo la hubiyay inay daawo u tahay xanuunka laleemada ee Parkinson's disease.
  • Liin dhanaantu waxay xal u noqotaa cabburka iyo oksajiin yarida, waxayna siisaa jirka awood uu oksajiin yar ku noolaan karo, arrintaan oo la ogaaday markii uu ku guuleystay ninkii ugu horeeyay oo gaara cirifka buurta "Mt. Everest" oo sheegay inuu liin dhanaan kaliya cuni jiray inta uu safarka buurta ku sii jiray!.
  • Liin dhanaanta waxay xoojisaa xididada, waxayna yaraysaa halista inay xidida dillaacaan ama qofka dhiigbax jirka gudihiisa ku dhaco, khaasatan dadka qabo dhiig-karka.
  • Liin dhanaantu waxay wanaajisaa aragga, iyadoo daawo u ah xanuunada ku dhaca shabakadda isha ee "Retina" waxaana la ogaaday inay sabab u tahay maado liin dhanaanta ku jirto oo loo yaqaano "Rutin".
  • Liin dhanaantu waxaa ku jiro 22 walxood oo kansarka la dagaallamo, kuwaas oo alle ku abuuray liin dhanaanta, howsha badan ey qabtaan waa hakinta ama joojinta tarmidda unugyada kansarka.
  • Liin dhanaantu waxay jirka siisaa nafaqo kala duwan oo iskugu jirto, fitamiin c, uric acid, fitamiin b, kaalsiyam, birta, magniisiyamta, bootaaisyamta iyo kuwa kale oo badan.
  • Liin dhanaantu waxay nuursiaa maqaarka qofka, waxaana loo adeegsadaa in jirka looga baab'iyo haaraha wajiga noocyadooda kala duwan, waxaana taariikhda la sheegaa in dadka shiinaha ay caruusooyinka ugu qubeyn jireen liin dhanaanta dhowr maalmood ka hor inta aan la aroosin!, waana arrin cilmibaarista lagu arkay in liin dhanaanta ay maqaarka ka baab'iso haaraha, iftiin u kordhiso, unugyada dhintay ay ka qaaddo, laalaabyada maqaarka samaysto inay yarayso iyo waxyaabo kale.
  • Liin-dhanaantu waa jeermis dile awood buuxa leh, waxay la dagaallantaa caabuqa bakteeriyada iyo fayrasyada qaar oo ay ku samayso waxa loo yaqaano "inactivation".

Akhriso Caafimaadka Shaaha lagu daro liin dhanaanta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6520.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Bidaar59

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Liin dhanaanta wajiga ma iftiimisaa?
« Reply #2 on: October 26, 2020, 12:42:18 PM »
Diktoore liin-dhanaanta wajiga la marsanayo xiliyada qaboobaha dhibaato miyeey keeneysa dadka ku nool wadamada qabowga ka jiro.  Mahadsanid

Offline Milica_soomali

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 64
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Liin dhanaanta wajiga ma iftiimisaa?
« Reply #3 on: December 05, 2020, 01:54:58 PM »


dhunkasho!


 

Su'aal: Waxaa wajiga iiga soo baxay baro yaryar oo badan?

Started by ZazkyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8939
Last post April 23, 2013, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena Finanka badan ee wajiga kasoo daata?

Started by Cabdiraxmaan m.ismaaciilBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9181
Last post August 26, 2015, 02:43:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Burada wajiga kasoo baxda ma la iska jari karaa?

Started by KhadarsamiirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4918
Last post January 24, 2018, 07:59:41 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Wajiga waxaa iiga yaal dhinco u eg qawid?

Started by Mohamed12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6006
Last post May 07, 2015, 11:36:45 AM
by SomaliDoc
Su'aal: maxaa keena findoobka ama nabarada wajiga?

Started by AnkaraBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11882
Last post December 02, 2009, 08:49:16 PM
by SomaliDoc