Author Topic: Caafimaadka Qumbaha (Coconut)  (Read 31270 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Caafimaadka Qumbaha (Coconut)
« on: March 15, 2016, 05:22:52 PM »


Waxaan maanta ka hadlaynaa geed aad u cajiib badan, waana geedka Qumbaha.
Qumbaha waxaa la sheegaa waxyaabo badan oo caafimaad ah in laga helo, laakiin waxaan qoraalkaan ku soo qaadan doonnaa 7 faa'ido oo cilmibaaris lagu xaqiijiyay, waana kuwaan:
  • Qumbaha waxaa ka buuxo saliid caafimaadka u roon, boqolkiiba 90% saliidaas waxay ka samaysan tahay waxa loo yaqaano "Fatty acid", saliidda ka samaysan walxahaan faa'ido ayaa ugu jirto bini'aadanka, maxaayeelay unugayda jirka oo idil waxaa laga sameeyaa badankood maadadaan "Fatty acid-ka", dufanka kale markii uu qofka cuno waa in jirka uu kala soocaa ama la kala saaraa, laakiin dufanka qumbaha markii jirka uu galo, waxaa toos loo geeyaa beerka si tamar ahaan loogu isticmaalo, markii dufanka qumbaha tamar ahaan loo keydiyo waxay daawo u tahay cudurka laleemada, akhriso qoraal ku saabsan cudurka laleemada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2393.0.html
  • Waxaa jira qabiillo daga qeyb ka mid ah wadanka "New Zealand", oo loo yaqaano "Tokelauans", cilmibaaris lagu sameeyay qawmiyadaas waxaa la ogaaday in aananba lagu arkin xanuunka wadna qabadka ama "heart attack" kaasoo ka yimaado xidada wadnaha oo xirmo, sababtuna waxay tahay in cunnada ay cunaan boqolkiiba 60% waa geedka qumbaha.
    Waxaa kaloo diraasadaan sii xoojisay cilmibaaris lagu sameeyay qabiil kale oo daga "Papua New Guinea" oo loo yaqaano "Kitavans" iyagane laguma arag wax wadna xanuun ama stroke qabo, sababtuna waa geedka qumbaha, sidaas awgeed cunista qumbaha oo la badsado wuxuu nadiifiyaa marinnada dhiigga si uuga hortago xinjir ku guntanto ama dufan xirto, sidaasne wuxuu yareeyaa halista wadna qabadka iyo cudurka stroke-ga, akhriso qoraal ku saabsan cudurka Stroke: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3552.0.html
  • Qumbaha wuxuu ka mid yahay geedaha fara ku tiriska ah ee baruurta gubo, sidaasne ku yareeyo cayilka, waxaa jirta diraaso ku talisay in haddii la qaato 15 illaa 30 gram oo qumbo maalintii in ay gubayso 120 kalari oo jirka ka mid ah, haddii aad rabtid in aad baruurta iska ridid, ku dadaal cunista qumbaha, adigoo ka fogaado daawooyinka waxyeellada badan oo la sheego in cayilka lagu yareeyo, akhriso qoraal ku saabsan daawooyinkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6319.0.html
  • Qumbaha waxaa ku jiro aashito loo yaqaano "Lauric Acid" aashitadaan ama dheecaankaan wuxuu awood eebe u siiyay inuu dilo jeermiska noocyadiisa kala duwan sida bakteeriyada, fayraska iyo fangaska. jeermisyada ay maadadaan disho waxaa ka mid ah bakteeriyo khatar badan oo loo yaqaano "Staphylococcus Aureus", sidaas daraadeed dadka uu ku soo laalaabto cudurka kasoobaxa ama nabraha caabuq leh ee maqaarka ka soo baxo waa in ay badsadaan cunista qumbaha, akhriso qoraal ku saabsan cudurka Kasoobaxa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1163.0.html
  • Qumbaha wuxuu kobciyaa dhambaallada maskaxda wuxuuna yareeyaa halista qallalka, sidaas daraadeed dadka qaba cudurka qallalka wuxuu qumbaha ka caawin karaa inuu yareeyo qallalka iyo dhicista, waxaana arrintaa lagu arkay cilmibaaris lagu sameeyay caruur qabtay cudurka qallalka oo cunno looga dhigay geedka qumbaha, caruurtaas waxaa ka mid ahaa kuwo daawada xittaa ay kontaroolli waysay qallalka, akhriso qoraal ku saabsan cudurka qallalka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html
  • Sida aan kor ku soo xusay, qumbaha wuxuu yareeyaa halista cudurka kolestaroolka ama dufanka dhiigga, kaasoo dowr weyn ka ciyaaro in xididada wadnahay ay xirmaan khaas ahaan dadka qabo cudurka macaanka, akhriso qoraal ku saabsan cudurka kolestaroolka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1461.0.html
  • Saliidda qumbaha waxay faa'ido badan u leedahay tinta, akhriso qoraal aan uga hadalnay arrintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6463.0.html

Ilaahay naxariistiisa waxaa ka mid ah inuu daawada noo galiyay cunnadeena, laakiin haddii aan khilaafno arrintaas oo aan ku tiirsannaano cunanda ay warshaduhu sameeyaan, taasi waxaa ka dhasha cudurro badan oo halis ah oo uu caalamka maanta xal u la' yahay, noqo qof ku dadaalo cuunada dbiiciga ah, ka fogow waxyaabah gasacadaysan, noqo qofka firfircoon oo jimicsi sameeyo, iskana ilaali in aad balwad maandooriye yeelatid sida jaadka, sigaarka iyo waxyaabaha kaleba.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: