Author Topic: Caafimaadka Toonta (Toontu Waa Daawo)  (Read 97501 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Caafimaadka Toonta (Toontu Waa Daawo)
« on: March 18, 2016, 11:59:08 PM »


Toonta ama Tuuntu waxay ka mid tahay geedo daaweedyada fara ku tiriska ah ee ummado badan isku waafaqsan yihiin waxtarkeeda caafimaad ayna soo isticmaali jireen xadaaraad hore oo caalamka soo maray.

Toonta waxay kaloo ka mid tahay geedo daaweedyada uu rasuulkeena suuban nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu nagala dardaarmay in aan xanuunada iskaga daawayno.

Toonta waxay kaloo ka mid tahay geedo daaweedyada ay cilmibaarayaashu isku waafaqeen waxtarkeeda caafimaadkeeda.

Haddiiba faa'idadeeda uusan shakii ku jirin bal aan ka hadalno xanuunada lagu daaweeyo iyo qaabka ay wax u tarto intaba:
  • Toonta waxaa ku jirto maaddo loo yaqaano "Allicin", waana maadada carafta tuunta xambaarsan iyo awoodda daaweed ee tuunta
  • Waxyaabaha nafaqada leh oo toonta laga helo waxaa ugu horreeyo Manganese, fitamiin B6, fitamiin C iyo maadada Selenium, waxaa kaloo ku jiro qadar yar oo kaalsiyam, copper, bootaasiyam iyo bir ah.
  • Toonta waxay sare u qaadaa difaaca jirka, waana sababta loogu adeegsado xanuunada uu fayraska keeno sida ifilada, durayga iyo hergabka, waxaana la arkay in halista hergabka ay yarayso boqolkiiba 70% markii toon la isticmaalo, ka akhriso halkaan cunnada kale ee hergabka lagu daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6018.0.html
  • Toonta waxay hoos u dhigtaa dhiig karka, waana arkay dad badan oo toonta u isticmaalo inay ku xakameeyaan cadaadisk dhiigga, sadax diraasad oo lagu sameeyay toonta waxay sheegeen in haddii aad qaadatid qadar 600 illaa 1500 mg oo toon ah maalintii inay la mid tahay adigoo qaata kaniiniga dhiigkarka ee loo yaqaano "Atenolol", sidaasne uu dhiigga lagu kontarooli karo, maadaama qadarka toonta ee halkaan ku xusan uu badan yahay oo ay dhici karto inuusan qofka qaadan karin maalintiiba, waxaa habboon in aad tuunta u isticmaasho dhiig-karka markuu cusub yahay ama billaw yahay, laakiin hadduu aad u kaco, waa in aad daawo qaadatid.
  • Toonta waxay hoos u dhigtaa kolestaroolka xun ee loo yaqaano "LDL", waxay kaloo hoos u dhigtaa dufanka loo yaqaano "Triglyceride" oo wadnaha u daran, waxaa jiro dhowr diraasad oo ku talinayso in kolestaroolka lagu xakamayn karo cunista toonta joogtada ah.
  • Toonta waxaa alle ku abuuray maado ka hortagto xanuunada hilmaanka maskaxda keeno sida alzheimers iyo dementia, qaabkane waa in iyadoo jirka ka saarto waxyaabaha dhibkaas keeno oo maskaxda howlgabiyo in ay ka takhallusto iyadoo adeegsanayso qaab loo yaqaano "Detoxification", sidaas awgeed maadaama dhiigkarka ay yarayso, kolestaroolka ay xakamayso, shaqada maskaxdane ay wanaajiso waa daawo u roon duqowda.
  • Toonta waxay kordhisaa firfircoonida iyo gubista tamarta xilliga jimicsiga ama Gym-ka, wayna ka wanaagsan tahay kana caafimaad badan tahay daawooyinka la sheego in murqaha lagu dhiso oo leh waxyeello badan, haddii aad jimicsi samaysid ku dadaal in aad joogtaysid cunista toonta, waxaana arrintaan laga ogaaday taariihkda giriigga iyagoo orodada marathon-ka siin jiray toon inta aysan orodka billaabin, waana sir waqti dambe la ogaaday.
  • Dadka ka shaqeeyo warshada kiimikada sameeyo sida rasaasta ama "lead" waxa loo yaqaano waxay aad ugu dadaalaan cunista toonta iyadoo la arkay inay jirka ka saarto suntaas, waxayna ka hortagtaa astaamaha ay dadkaas badanaa dareemaan sida madax xanuunka iyo dhiig-karka.
  • Toonta waxay kobcisaa caafimaadka lafaha khaasatan dumarka iyadoo siyaadiso hormoonka estrogen, kaasoo hadduu yaraado u qaabilsan daciifinta lafaha, akhriso qoraal aan uga hadalnay arintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html
  • Toonta waxay la dagaallanta gooryaanada iyo jeermiska mindhicirrada galo iyadoo alle siiyay awood suuxin oo gooryaanka ku suuxayo taasoo caloosha si sahlan iskaga soo saari karto, badanaa cilmibaarayaashu waxay sheegeen in dadka joogteeyo cunista toonta inay ku yartahay bahallada iyo gooryaanada caloosha galo, haddii dhibato kaa haysato caloosha fadlan ku dadaal toonta oo ku nadiifi mindhicirradaada.
  • Toonta waxaa kaloo loo adeegsadaa qandho jabis, qufaca, madax xanuunka, caabuq sanqada, kalagoysyo xanuunka, baabasiirka, xiiqda, buronkiitada, qaniinyada masaska iyo dabaqallooca, wuxuuna rasuulka noo sheegay in haddii toonta la saaro meel uu bahal kaa qaniinay iyadoo la tumay waxay jirka ka soo dhuugtaa sunta iyadoo ilaahay idinkiisa ka hortagto in sunta ay dhiigga raacdo, intaas aan soo tilmaamay oo lagu daray ku daawaynta xiiqdheerta, saliilyada ilkaha, cambaarta basada gasho waa wax cilmibaaris lagu sameeyay oo la arkay waxtarkooda.
    Waxaa hadda jirto cirbad laga sameeyay toonta oo loo adeegsado feero xanuunka aan daawada waxba ka tarin.!!!

Akhriso qoraal ku saabsan geedka Sanjabiilka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6530.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Re: Caafimaadka Toonta (Toontu Waa Daawo)
« Reply #1 on: August 28, 2017, 03:53:44 PM »
Toonta wax xariir ah malaleedahay galmada

Offline Balqiisahaaji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 23
  • Points: +0/-0
Re: Caafimaadka Toonta (Toontu Waa Daawo)
« Reply #2 on: August 18, 2018, 07:38:01 AM »
ASC Dr ugu horeyn wan Ku salaamay.
Waxaan arkay dad dhahayaan toonta waa la Galina karaa hoosata/siilka gabadha markuu infection jirro.
Marka arintaas ma saxbaa?


 

Daawo ayuu qaatay Qamaar ayuu ku waashay!

Started by PharmacistBoard Medical Stories and Jokes

Replies: 1
Views: 11754
Last post November 02, 2007, 07:35:10 PM
by Admin
MAXAA KA OGTAHAY Shaqaalihii Caafimaadka ee lagu dilay Soomaaliya 1991 - 2009?

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 3
Views: 49776
Last post September 10, 2015, 04:45:26 PM
by Mo Digdig
Faaqidaada Buuga, Book Review:- Daryeelka Caafimaadka Hooyada iyo dhalaanka

Started by Dr.AdnanBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 295864
Last post November 02, 2017, 11:13:46 AM
by Ahmedabdiok12
Wasaaradda Caafimaadka oo hubineysa tayada Dawooyinka dalka soo gala

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 19445
Last post May 01, 2011, 08:00:58 PM
by Drkheyre
Wasaaradda Caafimaadka oo deeq Dawo ah gaarsiisay qaar ka mid ah Cisbitaallada..

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 18705
Last post May 05, 2011, 01:49:29 PM
by Drkheyre