Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Waxaa layga helaa xanuunka romititis?
(1/1)
Hibo Nuura:
Drk sharaf taleh waxan ku weydiinayaa waxaa layga helaa xanuunka romititis dawo badan baan qatay weli waa posative maxaa igu la talin lahayd
SomaliDoc:
Haddii baaritaanka Positive-ka aad sheegayso uu yahay "Rheumatoid Factor" oo loo soo gaabiyo "RF".
Hadduu Positive yahay, isma badalo daawadaa rabtid qaado, maxaayeelay waxa Positive-ka ah waxay ka tarjumaysaa wax jirkaaga ku jiro, qofkane wuu dhaxli karaa wuuna ku dhalan karaa.
Dhakhaatiirtu waxay tiraahdaa, hadduu baaritaanka "RF" uu negative noqdo, waa in la tuhmaa baaristii hore oo "POSITIVE" sheegtay.
Roomaatiisamka "Rheumatoid Arthritis" waa xanuun qofka uu la noolaado ee laguma tiriyo kuwa laga bogsado, laakiin waxaa kaloo muhiim ah in aad ogaatid baarista aan kuu sheegay ee "RF", xanuuno kale ayay positive u noqon kartaa oo aan ahayn roomaatiisam ee la soco.
Hibo Nuura:
mahad sanid dr waa sax Rf ka waa posative markasta markaan dawo qaato waan ronan xogaa dawadana markaan akh rido side effect bey leeyihiin long time uma roonaa hada culays jirka dhan baa i bararaya waana romatism bey igu dheheen dhaqadiirta xanun kale ma qabto dr adoo mahad san maxaa talo isiin lahayd
Hibo Nuura:
adoo rali ah wax aan dawadaan ku daley ka ahayn
SomaliDoc:
Daawadee waaye mida aad qaadatid maadaama ay kala side effects yaryihiin.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version