Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Qabeeska cutadada kadib cafimaadku muxu ka qabaa?

(1/1)

Ilias Abdi:
Asc salan kadib.
Dad badan ayan arkay ayagoo dhahayo marka wax LA cuno kadib lama qabeesto marka aad waydiiso sababta waxay kuleeyihin waan maqalnay marka adoo mahadsan doctor waxan rabay inaad ii sharaxdo waxa ka imaan Kara faaido iyo faaido la'aanba.

Jazakallah doc.

SomaliDoc:

Waa arrin jirto in aan la qubaysan markii cunno la cuno kadib, sababtuan waxay tahay in cunnada uu qofka cunay aysan safiican dheefshiidka u marin.

Sababta cunnadaas aan dheefshiid haboon loo marine waxay tahay in qofka markuu qubaysto uu tamarta jirkiisa loo wareejinayo sidii heerkulka qofkaas loo sixi lahaa, khaasatan hadduu qofka ku qubeysto biyo qabow ama kulul.
Tamartaas la weeciyay awgeed, jirku wuxuu yareeyaa ahmiyadda dheefshiidka, sidaas ayuuna qofka u yeelan karaa dheefshiid xumo, daaco, dibbiro iyo saxaro aan dabiici ahayn.

Sababtaas awgeed waxaa la dhahaa, qofka markuu cunno cuno waa inuu ugu yaraan sugaa hal saac inta uusan qubaysan, tan waxaa la mid ah inuu qofka jimicsado ama howl culus sameeyo cunnada ka dib.

Waxaa kaloo lagula taliyaa dadka markay cunno cunaan inaysan seexan, sigaar cabin, fruut aysan cunin, shaahne aysan cabin, kulligood dheefshiidka ayay saamayn ku leeyihiin.

* Akhriso qoraal aan kaga hadalnay Hurdada la dareemo cunnada ka dib: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6569.0
* Waxaa kaloo akhrisataa Hurdada la dareemo markii wax la akhrin rabo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6568.0Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com

Navigation

[0] Message Index

Go to full version