Author Topic: Cudurka Isfiilitada/Waraabowga (Syphilis)  (Read 9601 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Jamaaluddiin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
Cudurka Isfiilitada/Waraabowga (Syphilis)
« on: July 18, 2016, 05:08:30 AM »
Cudurkani waxaa sababo bacteria la yiraahdo T.pallidum waxaana loo qeybiyaa sidatan:
1-waraabowga la isku gudbiyo wuxuuna u sii kala baxaa sidatan
a- midka galmada la isugu gudbiyo oo u sii kala baxo
-mid aad u faafa wuxuuna kala leeyahay astaan ahaan heerarka koowaad, labaad iyo saddexaad
-midka aan faafin waana heerka ka danbeeya kan saddexaad
b-midka hooyadu cunugeeda u gdbiso
c- midka aan labadaba la isugu gudbinin waxaana ka mid ah Yaws, Pinta,Bejel.. lkn kuwani inta badan bani aadamka kuma dhacaan
Heerarkiisa:
-Heerka 1aad: waa dhaawac aan xanuun laheyn, sidoo kale waxaa jiro barar jirka meelo ka mid ah (lymph nodes)
-Heerka 2aad: waa finan badan aan cuncun laheyn oo aad jirka ugu faafaya waana xilliga aadka la isugu gudbin badanyahay, dhaawacyada afka ayaana ku badan. Sidoo kalena waxaa jiro barar badan oo jirka ah, madax xanuun,kala goysyo xanuun, qandho iyo calaamado kale.
-Heerka 3aad: calaamado malahan lkn cudurka hadii la baaro waa la helayaa-Heerka ka danbeeya: wuxuu yimaadaa waqti danbe markii aan la daaweynin heerarka ka horeeya ayuuna soo muuqanayaa (15 ilaa 30 sano kadib) waxaa dhaawac gaaraayo maqaarka, lafaha, beerka, Caloosha iyo xubno kale.
Hooyadu waxay u gudbisaa cunugeeda aan dhalan wuxuuna keenayaa dhicis, cunuga oo dhinta ama cunuga oo la dhasha cudurka?
#?Baaritaanka?:
1-dhaawacyada oo dheecaan laga qaado kadibna lagu eego ilma aragto eegayaal (microscopes) gaar ah
2- dhiiga oo lagu sameeyobaaritaano hordhac ah (Non-treponemaltests) kadibna lagu xaqiijiyo baaritaano kasii heersareeya (treponemal tests).Waxaa kaloo jira baaritaano kale oo kasii heersareeya sida baaritaanada qalabka PCR.




 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46457
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 28908
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18427
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 95949
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay walaalayaal cudurka loo yaqaan infectionka xaglaha ama murqaha?

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 27076
Last post February 05, 2011, 04:08:18 PM
by SomaliDoc