Author Topic: Qorfaha iyo Caafimaadka (Qoraal Cilmibaaris Ah)  (Read 41509 times)

0 Members and 5 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Qorfaha iyo Caafimaadka (Qoraal Cilmibaaris Ah)
« on: March 21, 2016, 04:26:17 PM »


Qorfe waa geed caraf badan oo aan ku darsanno cuntada, laakiin akhristow maxaad ka ogtahay faa'idooyinka caafimaad ee laga helo?

Waxaan qoraalkaan ku soo aruurinnay 18 faa'ido oo cilmibaaris lagu ogaaday inuu qorfaha wax ka taro ee ka bogasho wacan:
  • Sonkorta nooca labaad "Type 2 Diabetes": cilmibaaris la is barbardhigay qorfaha iyo daawada ugu caansan ee macaanka loo adeegsado "metformin" waxaa lagu arkay in qorfaha uu kaga fiican yahay markay sokoworowga ama macaanku uu cusub yahay ama bilow yahay, maadada ku jirto qorfaha oo sonkorta dajiso waxaa loo yaqaanaa "Cinnamaldehyde", akhriso cilmibaaristaan haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay: http://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/19080170
  • Caabuqa Cabeebka: Saliida qorfaha laga miiro waxay daawo u tahay caabuqa uu keeno jeermiska fangaska ee loo yaqaano "candida" iyo bakteeriyada loo yaqaano "E.coli" oo ah kuwa ugu badan ee haweenka u keeno infekshanka, caabuqa wuxuu ku dhintaa iyadoo saliida la marsado meelaha uu ku dhashay sida xagga hoose, haddii haweentu ay ka cabanayso infekshan bixi waayay, akhriso qoraal ku saabsan infekshankaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1092.0.html
  • Calool xanuunka: xanuunada ku dhaca caloosha sida typhoid-ka caloosha waxaa cilmibaaris lagu arkay haddii saliida qorfaha lagu darsado shaaha inuu hoos u dhigo tarmidda jeermiska, sidaasne uu alle kaaga caafin doono calool majiirka iyo shubanka.
  • Mindhicirrada oo kacsan: waa xanuun lagu wareero daawayntiisa, waxayna cilmibaaris dalka Japan lagu sameeyay lagu arkay inuu xanuunkaan qorfaha daawo u yahay, akhriso waxa xanuunkaan uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3417.0.html
  • Kansarka Xiidmaha: qorfaha wuxuu alle ku abuuray maado loo yaqaano "Eugenol" oo la arkay inay la dagaallanto unugyada keeno kansarka loo yaqaano "colon cancer", waxayna dhakhaatiirta kula taliyaan in qorfaha loo qaato ka hortagga kansarkaan haddii qoysku hidde u leeyihiin, akhriso qoraal ku saabsan kansarkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,418.0.html
  • Lafo xanuunka: Qorfaha wuxuu la dagaallamaa xanuunka roomaatiisamka, haddii aad leedahay xanuun lafaha una badan kalagoysyada oo marmarka qaar ku bararo, fadlan ku subko saliidda qorfaha, waxay awood u leedahay inay maqaarka ka gudubto oo kalagoyka gaarto, akhriso qoraal ku saabsan xanuunka Riixa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html
  • Jeermis dile: Qorfaha wuxuu eebe siiyay awood jeermis dilid sida sanjabiilka iyo dhagayaraha oo kale, cilmibaaris lagu baaray awooda jeermis dilidda, waxaa la arkay inuu qorfaha shaqo ka qabto bakteeriyooyinka kala ah: E.coli, Staphylococcus aureus, Adpergillus oryzae, iyo Penicillium digitatam, waxaa kaloo saliida qorfaha jeermiska looga dilaa alaabta ay caruurtu ku ciyaaraan oo afka la galaan si aysan jeermis uga qaadin.
  • Xifdinta Cuntada: Maadaama qorfaha uu jeermiska la dagaallamo waxaa loo isticmaalaa xifdinta cuntada iyadoo cuntada lagu daro ama lagu badiyo ama waraaqadda ama marada cuntada lagu daboolo ayaa saliidda lagu bilbilaa.
  • Xasuusta iyo Foojignaanta: Qorfaha wuxuu kordhiyaa foojignaanta iyo xasuusta, tanoo lagu arkay cilmibaaris lagu sameeyay dad ku nool dalka jarmalka, shaaha ku darso qorfe markaa wax akhrinaysid ama xifdinaysid wuu ku caawin doonaa alle idinkii, wuxuu kaloo wax ka taraa xanuunka xasuusta lumiyo ee loo yaqaano "Alzhieimer's" tanoo lagu ogaaday illaa 3 cilmibaaris oo lagu sameeyay wadamo kala duwan.
  • Sun-saare: Qorfaha wuxuu ka mid yahay cunnooyinka ku caan baxay sunsaarista jirka sida shaaha cagaaran oo kale, cilmibaaris lagu sameeyay dalka India waxaa lagu arkay in sunta fariisato jirka khaasatan xididada inuu ka hortago qorfaha, akhriso qoraal ku saabsan Shaaha Cagaaran: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6210.0.html
  • Caabuqa ciddiyaha: Infekshanka ciddiyaha galo waxaa loo adeegsadaa qorfaha oo la shiido oo lagu xiro ama saliiddiisa oo la mariyo, wuxuu alle awood u siiyay inuu fangaska cidiyaha galo uu ka nadiifiyo.
  • Kolestaroolka: Dadka joogteeyo isticmaalka qorfaha waxaa la arkay inuu kolestaroolkooda uusan kicin, warbixin lagu soo daabacay bogga "Myo clinic" waxay sheegtay in in qorfaha uu kala furfuro dufanka xidiada fadhiisto.
  • Suuska: bololka ilkaha iyo caabuqa ciridkaba wuu la dagaallamaa qorfaca, waana sababta xanjooyinka qaar loogu soo daro qorfaha iyadoo afkana uu carfinayo iyo isagoo jeermisak suuska keenane dilayo, waa dhagax laba shimbir ku dil.
  • Cayayaanka: saliida dhagayaraha oo la marsado madaxa iyo jirkaba waxay qofka ka cayrisaa cayayaanka qaar sida Injirta, boodada, dhiqlaha IWMI, akhriso qoraal ku saabsan cayayaankaan iyo waxa ay keenaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1818.0.html
  • Cuna xanuunka: qufaca leh riiraxyada iyo cuncunka dhuunta waxaa lagu qaboojiyaa shaaha qorfaha leh, wuxuu arrintaan kala mid yahay sanjabiilka, waxaa jir sharoobo laga sameeyay qorfaha oo loo qaato qufaca xabka leh, si xabku uu soo baxo.
  • Xanuunka caadada: Shaah qorfo leh oo la cabo ama saliida qorfaha oo la marsado dhabarka waxay yareeyaan xanuunka caadada la socdo, akhriso qoraal ku saabsan xanuunka caadada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html
  • Fudfudeydka caruurta: diraasad lagu sameeyay Taiwan, waxay ku talisay caruurta fudfudud in cunnada loogu daro qorfaha maadaama la arkay inuu hoos u dhigo cilladaan oo loo yaqaano "ADHD, Akhriso qoraal aan kaga hadalnay arrintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,987.0.html
  • Huurada iyo Urka Afka: Qorfaha wuxuu la dagaallamaa bakteeriyada keento huurada iyo dhagaxaanta quumanka, taas oo ka qeyb qaadato in qofka afkiisa uu urka yareeyo, fadlan haddii aad ka sheeganayso af-urka, isticmaal qorfaha adigoo ruugo ama calaanjiyo, akhriso qoraal ku saabsan af-urka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1610.0.html


Badanaa marka laga hadlayo faa'idooyinka qorfaha lagu arkay, waxaa la sheegaa in saliidu ay ka fiican tahay markii daawo ahaan loo adeegsanayo, sababtuna waxay tahay in saliida laga soo miiro qorfe badan oo qofka uusan awoodin inuu cuno, sidaasne ay faa'ido badan u xambaarsan tahay, marka saliidu way ka waxtar badan tahay markii qorfaha caadi loo isticmaalo.

Akhriso Caafimaadka Sanjabiilka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6530.0.html
Akhriso Caafimaadka Dhagayaraha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5320.0.html
Akhriso Caafimaadka Toonta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6717.0.html
Akhriso Caafimaadka Basbaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6606.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: