Author Topic: Saameynta Furriinka Iyo Caruurta (Talo iyo Tusaalo)  (Read 13389 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Saameynta Furriinka Iyo Caruurta (Talo iyo Tusaalo)
« on: March 22, 2016, 06:28:13 PM »


Furriinku waa arrin alle agtiisa xalaal ka ah, laakiin hadane aanan fiicnayn, rasuulkeena suuban wuxuu noo sheegay inuu alle ka caroodo furriinka, shaydaankane aad ugu farxo.

Marmarka qaar furriinka maslaxad iyo dan ayaa ugu jirto qoyska, khaasatan caruurta haddii isla joogistu ay ka dhib badan tahay kala tagga, laakiin waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa dhibaatooyinka furriinku uu ku reebo caruurta.

Inta aan dhibaatada uguda galin, waxaan rabaa in aan tilmaamo dhowr arrin oo la xiriirto dhibaatadaas, waxaana ugu horreeyo kuwaan:
  • Heerka isqabqabsiga waalidka: waxa ugu muhiimsan ee dhaawac ku abuuri karo caruurta, waa isqabqabsiga iyo dagaalka u dhaxeeyo labada waalid oo aan caruurta laga qarin, tan waxay ku abuuri kartaa caruurta inay labada waalid mid naceyb u qaadaan ama ku dhex wareeraan maadaama aysan u kala eexan karin labada waalid, sidaas awgeed haddii ay cilladi ka jirto labada waalid waa inay ku xalliyeen ama ku falaanqeeyaan meel aysan caruurtu ka ag dhawayn.
  • Ku Talagalka Furiinka: Qoysasku qaar way ku talagalaan furriin oo waxay qaadataa muddo ay caruurtu la qabsan karaan jawiga cusub ee soo socdo khaasatan haddii ay yihiin kuwa wax garad leh, laakiin dhibaatadu waxay dhacdaa haddii si degdeg oo lama filaan ah uu furriin u dhaco taasoo caruurta ku abuuri karto su'aalo badan oo aysan jawaab u helayn, ayna dhici karto inay iska dhaadhiciyaan arrimo aananba xiriir la lahayn furriinka, sidaas awgeed waalidiinta is furi rabo waa in ilmaha wax garanayo lala socodsiiyaa furriinka, loona sheegaa sababta loo kala tagayo iyo inuu cunuga sabab u ahayn, mar walbane waalidku uu jecel yahay ilmihiisa, taasi wax badan ayay ka fududeysaa caruurta ku fool leh dhibaatada furriinka.
  • Qancinta caruurta: caruurta oo looga jawaabo su'aalaha ay qabaan ama qabi karaan markuu furriinka dhaco iyadoo waalidku isla joogo waxay yaraysaa naxtinta ama dhaawaca nafsiyadeed ee soo gaari karo, waa in looga jawaabaa su'aalaha ku saabsan meesha ay ku noolaan doonaan, iskuulka inay sii dhigan doonaan, in waalidka kale ay arki karaan, haddii caruurta la kala wadayo ama isla joogi doonaan, waa muhiim su'aalahaas iyo kuwa la mid ah oo caruurtu muhiim u ah waa in looga jawaabo, waxaa kaloo jiro arrimo in laga qariyo ay haboon tahay illaa inuu qofka uu yahay qaangaar sida kalaqaybsiga xoolaha ka dhaxeeyay waalidka iyo qaabka uu furiinka u dhacayo iyo wixii la mid ah.

Intaas ka dib, waxaan u soo gudbayaa dhibaatooyinka ku imaan karo caruurta haddii arrimaha kore aysan sidaa u dhicin:
  • Waxaa la ogaaday caruurta ugu saamaynta badan inay da'doodu dhaxayso 10 illaa 12 sano, sababtuna waa iyagoo fahmayo waxa dhacayo laakiin aanan awood u lahayn in ay wax xalliyaan.
  • Caruurta waxaa ka lumi karo dabciga, waana laga fahmi doonaa qaabka ay ula dhaqmayaan dadka kale, khaasatan iskuulka, qaraabada iyo asxaabta kalaba, laakiin waxaa la isku waafaqsan yahay in caruurtu ay ka wada xanaaqaan furriinka, hadduu cunugu uu wayn yahay, waalidkuna uusan kala tashan ama la socodsiin waxa soo socdo, waxaa laga yaabaa inuu go'aan ka qaato qoyska oo dhan, taasoo saamayn ku yeelan doonto mustaqbalka qoyska.
  • Caruurta oo la isku qabsado ama la kala qaato, waxay abuuri kartaa collaytin, waxaa la isku nici karaa wiilal iyo gabdho ama yar iyo wayn, tanne waxay keentaa dhib nafsaani ah sababtoo ah caruurta waxay ku jiraan waqtiga ay ugu baahi badan yahiin inay isku duubnaadaan.
  • Waxaa kaloo la arkay dhibaatada furriinka laga dhaxlo inay wiilasha ku badan tahay, sababtoo ah gabdhuhu bulsho ahaan waa dad hadlo oo dareenkooda soo bandhigo, waxaa laga yaabaa inay oydo ama xanaaqeeda muujiso, laakiin wiilku wuu aamusaa, mana ka hadlo furiinka dhex maray labadiisa waalid, aamusnaantaas waxay abuurtaa cuqdad, su'aalaha uu qabane ma soo bandhigo, sababta kalane waa wiilasha oo badanaa aabaha ku xiran iyo isagoo noqdo qofka badanaa guriga ka tago.
  • Caruurta haddii ay waynaadaan iyadoo laga shaafin su'aalaha ay qabaan ama labada waalid ay isku eedeeyaan furriinka, waxay keentaa in caruurtu ay gooni u go'aan oo markii la waynaado qof walbo isaga kaliya wax is taro maadaam ay u arki karaan in xiriirkii iyo gurigii dhisnaa haddiiba ay aabo iyo hooyo dumiyeen iyagane wax ka galay malahan, haddii aad aragtid walaalo aad isu neceb ama kala go'ay, waxaa sababteeda leh furriin aan si caqli ku jirto loo maarayn.
  • Waxaa dhacdo mararka qaar in waalidku uusan furriinka xalkiisa ka qeyb galin qaraabada dhaw dhaw sida habaryarta, eedada, abtiga iyo adeerka, haddii aanan qaraabada lala socodsiin dhibka jiro ama aysan ka qeyb qaadan waanwaanta, waxay keentaa in caruurtu ay meel cidla ah soo dhacaan, qaraabadane ay jawaab u waayaan su'aalahooda, laakiin haddii ay caruurtu arkaan habaryar ama eedo oo xal raadinayso, waxay dareemayaan in haddii dhib ay dareemaan meel ay tashi iyo talo u raadsadaan.

Talooyin:
Talooyinka kor ku xusan waxaan raacinayaa in:
  • Furriinka lagu dagdagin khaasatan haddii caruur la isku hayo.
  • Haddii laga fursan waayo waa in waalidku ka fakaraan caruurtooda oo wixii dan ugu jirto isku waafaqaan.
  • Waa in aan la tusin in xumaan lagu kala tagay iyo naceyb, waa in carurutu arkaan waalid is jecel, iyagane jecel.
  • Haddii mid caruurtaada ka mid ah uu aamuso ama saamayn ku reebto arrintaan, haloo sheekeeyo, waalidka uu jecel yahayne waqti ku filan ha siiyo, illaa uu ka fahmo waxa jiro.

Akhriso qoraal ku saabsan Garaaca Caruurta iyo Caafimaadka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6496.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 23616
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
FILIN: Faaidooyinka Kala Durkinta Caruurta (Child Spacing)

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 33745
Last post November 08, 2009, 04:38:03 PM
by Admin
Su'aal: Vitamin C, Haddii Caruurta aad loo siiyo, Dhibaato mise Faa'iido?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10379
Last post October 12, 2017, 02:47:38 PM
by SomaliDoc
Tilmaamtaada Ee Uurka Caafimaadka Leh, Dhalmo iyo Daryeelka Caruurta

Started by ShenamicBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 23400
Last post January 27, 2015, 12:58:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Caruurta isku kaadisa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14031
Last post August 21, 2011, 03:10:50 PM
by SomaliDoc