Author Topic: Suaal: Markaan uur leeyahay oon gaaro 9 bilood?  (Read 4461 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Bahja

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Suaal: Markaan uur leeyahay oon gaaro 9 bilood?
« on: March 24, 2016, 09:16:44 AM »
Asc Bahda Somalidoc  adaa idinka mahad celinaa.
Suaal: waxaan markaan uur leeyahay oon gaaro 9bilood foosha ma iqabaneeso oo ilaa  bisha 10aad fool dhan ma iqabaneeso waxaana dhamaanaayo qoyaaanka cunuga ku dabaalanaayo,  waxaaana iiga saqiiray 1wiil inuu caloosha ku jiray kadibna waa la igu Qalay asagoomeed ah aa layga soo saaray, cunugii iigu xigay asna wuu bilo dhafay oo waxa uu gaaray 9bil iyo 25maal  mood kadib dhaqtar kii wuxuu igula taliyaaa inanan fool sugin oo uu iqalo si uu cunuga iigu bad bado Ilaaaha wax badbaadiyo kadib waa la igu qalay cunugiina asagoo caafimaad qaabo aale isiiyay
Marka maxaa sababay inan fool dhan iqaban oon waligay iqaban ayadooo bilihiii dhamaan? Mahsanidin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Suaal: Markaan uur leeyahay oon gaaro 9 bilood?
« Reply #1 on: April 04, 2016, 01:52:18 PM »
Haddii waqtigu kuu saxa yahay, caado wareerne aadan horay u qabin, waxa keeni karo in waqtigaaga aad dhaafto lama oga, laakiin waxaa la arkay in haweenka sidaan noqdo inay badanaa uurka ugu horeeyay xiriir la leedahay.
Waxayna dhakhaatiirta dhahaan, haddii uurka ugu horeeyo hooyada laga fooliyo ama lagu qalo inta aan la dhaafin waqtigii loogu talagalay way saxantaa waqtiga oo ma daahdo badanaa inkastoo aan sababta illaaiyo hadda la ogayn.

Midda kale, war dhacdaa marmarka qaar in hooyadu waqtigeeda dhaafto, laakiin waa la fooliyaa oo marmarka qaar minku wuxuu u baahan yahay kaliya in la kiciyo si uu howsha u bilaabo, qalliin qasab maahan illaa inay cillad kale jirto mooyee.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Faa'idada uu leeyahay "KONTAKT LINSEN"?

Started by Maajid DalabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6617
Last post July 21, 2017, 07:37:20 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waan naxaa markaan hawl aanan hore u qaban jirin qabanayo?

Started by Saleeban AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7201
Last post October 05, 2015, 11:40:31 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaan biyo badan cabo ilaa (750 ml) waxyar kadib kaadi baa iqabanaysa?

Started by Mohamed AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 19762
Last post September 04, 2016, 07:49:05 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 50967
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cunaha markaan cadayanayo xubuub adag oo ur leh ayaa iga soo baxa?

Started by AbumohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 117466
Last post May 16, 2010, 09:57:56 PM
by SomaliDoc