Author Topic: Duugistu Maxay Caafimaadka u Tartaa?  (Read 15697 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Duugistu Maxay Caafimaadka u Tartaa?
« on: March 24, 2016, 10:50:20 PM »


Bismillahi,

Qoraalkeenu waxuu ku saabsan yahay, waxa loo yaqaano duugista ama daliigista ama masaajka oo qofka isku sameeyo ama lagu sameeyo iyo saamaynta uu caafimaadka u leeyahay.

Duugista waxaa la suubin jiray kumanaan sano ka hor, waxaana jiro tobaneeyo nuuc oo duugis ah, kuwaasoo isugu jiro riixriixid, ruxruxid, jucjucin, daliigis, dubaaxin iyo qalqalloocin, waxay kaloo duugistu ka mid tahay daaweynta iyadoo loo yaqaano "Message Therapy" ama "Physiotherapy", waxaana jiro dad ku takhassusay oo jaamacado uga soo baxay duugista.

Duugista waxaa la adeegsan karaa qalab ama qalab la'aan, waxyaabaha la adeegsado waxaa ka mid ah, dhagaxaan kulul, carro kulul, biyo kulul, qalab koronto, saliid kulul IWM.

Qoraalka ugama hadli doono sida loo sameeyo duugista, laakiin waxaan tilmaami doonaa waxa uu caafimaadka u taro:
  • Isku-buuqa, Welwelka iyo Nijadjabka: Duugista iyo masaajka waxaa lagu dareemaa nasasho iyo raaxo, wuxuu hoos u dhigaa hormoonka u qaabilsan welwelka jirka, taas oo keento in qofka niyadiisu ay daganaansho dareento, wuxuu kaloo hoos u dhigaa cadaadiska dhiigga, wuxuu kaloo firfircooni galiyaa dambaalqaadayaasha neerfaha jirka ee loo yaqaano "serotonin iyo dopamine" kuwaan oo daawo u ah niyad jabka iyo diiqada, Akhriso qoraal ku saabsan Iskubuuqa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1704.0.html
  • Xanuunka: Duugista iyo masaajka wuxuu yareeyaa dhabar xanuunka oo badanaa ka dhasho togtognaanta murqaha "muscle spasm", diraasad la sameeyay 2011 waxaa lagu taliyay in dhabar xanuunka ka yimaado cilladaha murqaha iyo neefaha in duugis lagu daaweeyo inta aan daawo la qorin, akhriso waxa keeno dhabar xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=570.0
  • Riixa iyo Roomaatiisamka: Duugista iyo masaajka waxaa lagu xalliyaa qallafsanaanta kalagoysyada, adkaanshaha murqaha, tan waxay ka hortagtaa in kalagoysyadu shaqada joojiyaan iyo murqaha adkaadaan, Akhriso qoraal ku saabsan xanuunka Riixa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html
  • Hurdo la'aanta: Duugista waxaa lagu daaweeyaa hurdo yarida, qarawga badan iyo maskaxda mashquulsan, dhowr cilmibaaris oo lagu baaray xiriirka ka dhaxeeyo hurdada iyo duugista, waxaa la arkay in mawjadaha hurdada keeno ee maskaxda inay kordhaan, qofkane si degdeg ah hurdo ku qabato, Akhriso waxa keeno hurdo la'aanta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2045.0
  • Difaaca jirka: Duugista waxay kor u qaadaa habdhiska difaaca jirka, khaasatan unugyada dhiigga cadcad noocyadooda kala duwan, akhriso qoraal ku saabsna sida jirka iskaga difaaco cudurrada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1754.0.html
  • Xanuunka Caadada: Duugista iyo masaajka waxaa lagu daaweeyaa xanuunka caadada, akhriso qoraal ku saabsan xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html
  • Foojignaanta: Duugista iyo masaajka waxay kordhiyaan foojignaanta iyo wax fahmidda, diraasad lagu sameeyay arday imtixaan xisaab u fadhiisan lahayd, qaar ka mid ah ardaydaas waxaa loo sameeyay duugis / masaaj, qaarka kalane looma samayn, waxaa la arkay in kuwii loo sameeyay inay imtixaanka hor dhameeyeen, imtixaankane si sax ah uga shaqeeyeen, akhriso sida loo xalliyo hilmaanka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4524.0
  • Madax xanuunka: Duugista dhafoorrada iyo madaxaba waxay yaraysaa madax xanuunka, khaasatan nooca "tension headache" oo ka dhasho stresska, iskubuuqa iyo xanaaqa iyo shaqada badan, akhriso noocyada madax xanuunka iyo waxa ay ku kala duwan yihiin: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2433.0.html
  • Xanuunka Kansarka: Cudurka kansarka waxaa la socdo xanuun jir iyo mid nafsaani oo qofka uu dareemo, dhowr diraasad ee lagu sameeyay dadka qabo kansarka ama qaato daawooyinka kansarka, waxaa lagu arkay in duugista iyo masaajka uu xal u yahay in badan oo ka mid ah xanuunada ay dareemaan dadka kansarka qabo, Akhriso waxa Kansarka keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,484.0.html


Maadaama aan tilmaannay faa'idooyinka laga helo duugista iyo masaajka, wuxuu qofka isweydiin karaa laba su'aal oo kal ah:
Sidee u samayn karaa Duugis? - Sida aan kor ku soo xusayba, duugistu way noocyo badan tahay, siyaabo badan oo la sameeyane way jiraan, nooca ay badanaa soomaalidu taqaano waa isku-kubeynta biyaha kulul iyadoo la adeegsanayo "boorsokaaldo", waxaa kaloo ka mid ah, in jirka lagu daliigo saliid qandac ah khaasaatan dhinaca dhabarka, lugaha, simanka, gacamahaba iyo meelaha uu qofka ka daalan yahay ama ka caajisan yahay, waxaa kaloo ka mid ah in la isku istaago iyadoo la iska ilaalinayo inuu qofka dhaawac ku gaarsiin, akhriso qoraal aan uga hadlay isku istaagga iyo joogjoogsiga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6326.0.html.
Haddii aad u baahan tahay in aad barato qaababka xirfadaysan ee loo sameeyo waxaad internetka ka daawan kartaa sida loo sameeyo, ama adiga isku samee ama ha lagugu sameeyo inkastoo waxtarku uu badan yahay markii qof kale ku duugo ama ku masaajeeyo.
Halkee isku duugi karaa? - Duugistu ma ahan sida dadka qaar aaminsan yihiin oo ah in loo tago meelaha la isku duugo, duugistu waa wax sahlan, waxaan lagu samayn karaa guryaha, waana muhiim in labada qof ee is qaba inay bartaan siyaabaha la isku duugo, maadaama labadooduba ay faa'ido u wada leedahay.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid, iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66497
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69519
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62438
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46721
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44976
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc