Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Surka ayaa waxaa iga soo baxay hal fiix?
(1/1)
Nuuryare:
A/c dhaam dhakhaatiirta ka qeybgala somalidoc. Aad iyo aad ayaa ugu mahadsantihiin howsha culus ee aad bulshadiina u heysaan. illaahay darajo sare heydingaarsiiyo Aduun iyo Akhiraba. magaceygu waa siciid Dadeeydu waa 33
. xanuun ayaan isku arkey mudo sanadka badan. surka ayaa waxaa iga soo baxay hal fiix kadib waxaan isku arkey iyadoo sii badaneysa waliba aan dhaafsiisaney surka hadana waxay sii marayaan 5 fiix badanaa xanuunka waxaan dareemaa xiliyada aan shaqo qabto ama aan jimicsi sameeyo. kuleyna waan dareema. fiixda 1 aad waxay ka bilaamataa dhegta midig hoosteed waxayna ku dhamataa jeegada intaa u dhaxeyse ayey inta kale kujiraan. mahadsanidiin
SomaliDoc:
Dadku waxyaabo badan oo kala duwan ayay fiix u yaqaanaa, waxa badanaa qoorta ka soo baxo waxaa loo yaqaanaa Honqor ama Roqor, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2842.0
Haddii aysan Honqor ahayn u tag dhakhtar cudurrada maqaarka maadaama waxyaabaha maqaarka ka soo baxo lagu kala sooco aragti.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version