Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Baby yar 4 bil jiro oo shubmaya mudo?

(1/1)

Torayo:
Ugu horeyn waa mahadsantihin walaalaha poga somalidoc & dhakhtarka isku howlay Inuu naga qanciyo arimaha cafimadka dr Abdalla mahadsnid in badan.
Baby yar 4 bil jiro oo shubmaya mudo saxaradana wa laga baaray infectiona malaha maxaan ku daawayn karaa maxaase sababa.

SomaliDoc:
Ilmaha lagu arko shubanka bilaha ugu horeeyo noloshooda badanaa waxaa keeno xasaasiyad ay ka qaadaan caanaha hooyada khaasatan haddii baaristii wax lagu arki waayo, hooyadane waxay ku fahantaa in ilmaha ay shubmaan markii naaska la nuujiyo.
Waxaa kaloo keeni karo haddii aad ilmaha yari siisi daawo antibiotic uusan u baahnayn, waxaa arrimahaas kuu kala sooci karo dhakhtar cudurrada caruurta iyo dhallaanka ku takhasusay ee fadlan la xiriir hadduu shubanka joogto noqdo.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version