Author Topic: Su'aal: Xaalada foosha haweenka?  (Read 5448 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Princejeyte

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xaalada foosha haweenka?
« on: March 28, 2016, 01:32:34 PM »
Waan idin salaamay dhamaan asxaabta iyo dhaqaatirta boga
Waxaan  jeclaystay in aan tallo  idinka weydiisto xaalad taagan oo in aaan go'aan ka qaato u baahan
Waana sababta aan u doortay in aaan idinla tashto inta aanan go'aanka qaadan ka hor
Waxaan leeyahay xaas uur leh bishii sagaalaad u socoto
qiyaas ahaan 10maalmood xitaa ugama dhina in 9-ki bilood eey u dhamaato
Waxeey joogtaa muqdisho tarikh26/3/2016 ayay tagtay isbitaal ayaan oo wadada warshadaha ku yaalo
Waxaa loo diray kombiyuutar wey isa soo saartay dhiigagna waa laga qaaday
Markii jawaabtii komputerka iyo tii dhiigaga loo geeyay dhaqtarkii waxoow dhahay sidaan
1. Gabadhu uurkeedu waa mataano (2canug)
2.Ilmaha midkood wuxuu dhahay wuu toosanyahy
Midna si dadban ama qaloocan ayuu uurka ugu jiraaa
3. Gabadhuna waa dhiig la'aan
4. Ilmuhuna weey bilo dhamaysteeen
Wuxuu qaraabadii siiyay taladaan soo socoto
In eey gabarta u raaadshaan dhiiig si degdeg ah iyo in eey usoo diyaar garoobaan qaliiin inta eysan fooshu qaban
Oo dhaqtarkii wuxuu ku taliyay in aaan la sugin inta eeey ka foolato ee dhiig loo raadsho lana qallo si degdeg ah
Waa iga codsi xaaladaa si caafimaad iyo si guudba iigu qiimeey
Tan ugu weyni waxeey tahay in aaan saxiixo si loo qallo inta aysan foolan ka hor iyo in aaan suggo ilaa eey fooli qabato kadib ama qaliin ha noqoto ama ha dhasheee
Qodobka ugu muhiimsan ee talada gaarka aan u doonayaa waa kan ah qaliinka fool la'aanta ah e dhaqtarku ku taliyay
Mahadsanid dr.ka ila talin doonoow




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xaalada foosha haweenka?
« Reply #1 on: April 11, 2016, 12:01:58 PM »
Qalliinka fool la'aanta waxaa loo yaqaanaa "Elective Cessarian Section" waa qalliin lagula taliyo qofka markii laga cabsi qabo in foosha ay dhibaato ka timaado khaasatan xaalada xaaskaaga oo kale, waa qof bilo dhameysatay, mataano sida, mid ka mid ah uu dadban yahay, dhiig yarina ay jirto, xaaladaan marka ay timaado waa qalliin si loo kala badbaadiyo hooyada iyo uurjiifka, fadlan talada dhakhtarka qaado.

haddii fool la sugo, waqti ay qaban doonto lama yaqaano helista dhiiga lama hubo, dhakhtarka iyo qalliinka waqtigiisa lama hubo, welwel ayaa ku sugaysaa waqtigaas.

Inaad fahantay ayaan filayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Kumbiyutarka hoosta laga galiyo haweenka, muxuu yahay?

Started by KaafiyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7160
Last post November 01, 2011, 08:56:31 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena Xanuun cuncun leh xagga hoose ee haweenka?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 6251
Last post May 20, 2012, 06:46:52 PM
by CilmiSabca
haweenka uurka leh dawooyinka antibiotics-ka dhib ma u keenaysaa?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32514
Last post June 22, 2009, 08:13:49 AM
by Cmqalinle
Su'aal: Shahwadu halkey martaa markii haweenka loo galmoodo?

Started by JaaburiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9256
Last post July 05, 2010, 10:52:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Haweenka Uurka leh ee cuna Bariiska ceydhiinka ah?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 31112
Last post October 07, 2011, 11:44:53 AM
by SomaliDoc