Author Topic: Waa Maxay Cudurrada Ilbaxnimada? - Qoraal xiiso leh  (Read 18929 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa Maxay Cudurrada Ilbaxnimada? - Qoraal xiiso leh
« on: March 28, 2016, 08:44:36 PM »


Anigoo ka jawaabaya su'aashii aan idin soo dhax dhigay shalay, waxaan rabaa in aan halkaan ku cadeeyo dhowr arrin oo aad badankiin ka dhawaajiseen.

Waxa la isku waafaqsan yahay waa in ay jiraan cudurro ku cusub bulshadeena oo horay u aqoon jirin, kuwaas oo caan ku ahaayeen reer gableedka, maraykanka iyo wadamada horumaray.

Waxaa la isku waafaqsan yahay inay jiraan 15 cudur oo loo yaqaano "Civilization diseases" oo ah macnaheeda cudurradii ilbaxnimada, sababta magacaas loogu sameeyayne waa cudurradii soo ifbaxay markii ummadihii dunida ku noola ay ilbaxeen, laakiin su'aashu waxay tahay Ilbaxnimada iyo cudurradaan maxaa isku xiray?

Markii la qeexayo cudurradaan waxa keenay waxaa la sheegaa inay ka yimaadeen: "Islajaanqaad la'aan u dhaxayso qaabdhismeedka bini'aadanka, cunnada reer galbeedka iyo habnoolaanshaha cusub"
Waxaa kaloo cudurradaan loo yaqaanaa "Social Diseases" cudurrada bulshada ama "Lifestyle diseases" oo ah cudurrada hab nololeedka.
Marka waxaa la isku waafaqsan yahay, haddii habnoolaanshahaagu isbadalo ama aad cuntid cunnooyinka reer galbeedka "western diet", waxaa halis ugu jirtaa cudurrada ilbaxnimada, tani waa arrin la isku waafaqsan yahay, reer galbeedku laftirkoodane ay aaminsan yihiin, waxaana jiro ololo cusub oo lagu baraarujinayo dadka inay ka fogaadaan cunnooyinka halista ah iyo nolosha raaxada leh.

Waa maxay cudurrada Ilbaxnimada?
Cudurrada ilbaxnimada loo yaqaano waa 15 cudur:
  • Xanuunka xasuus lumiyo ee "Alzheimer's disease.
  • Xanuunka lurka kalagoysyada "Arthritis"
  • Xanuunka xannibo xididada "Atherosclerosis"
  • Neefta / Xiiqda "Asthma"
  • Kansarka "Cancer"
  • Xanuunka beerka baab'iyo "cirrhosis"
  • Xanuunada xannibo hawo mareenka Sambabada "COPD"
  • Macaanka / Sokorowga nooca labaad "Type 2 Diabetes"
  • Xanuunada wadnaha ee aan lagu dhalan "Acquired Heart Diseases"
  • Howlgabka kilyaha Raago "Chronic Renal Failure
  • Lafo-beelka "Osteoprosis"
  • Faaliga "Stroke"
  • Niyadjabka / Diiqada "Depression"
  • Cayilka Xad dhaafka ah "Obesity"
  • Xanuuno ka dhasho khalkhalka dheefshiidka iyo falgalka jirka "Metabolic Syndromes

Xanuunadaas kore oo idil waxaa la isku waafqsan yahay in ummad kasto oo qaadato habdhaqanka, habnoolaanshaha wadamada reer galbeedka inay la wadaagi doonaan halista cudurradaas.

Sida aad wada tilmaanteen, haddii cunnadu ay noqoto cunno warshadaysan oo la soo farsameeyay, cabitaankii sidii oo kale, jimicsi la'aan, baabuur la wada saaran yahay, guryihiin TV iyo Computer lagu wada mashquulsan yahay, balwad la bartay, sida jaad, sigaar, khamri iyo xittaa waxaa lagu daray daawashada filimaanta jinsiga inay ka qeyb qaadatay caafimaad darrida reer galbeedka!!!.

Haddii taariikhda dalka maraykanka dib loo fiiriyo:
1990-kii xanuunada ugu badan oo loo dhiman jiray waxay ahaayeen Oofwareenka, Ifilada, Tiibishada iyo Shubanbiyoodka.
1940-kii wixii ka dambeeyay waxaa kaalinta kowaad galay xanuunada wadnaha ku dahca, kaalinta labaadne waxaa galay Kansarka.
1990-kii wixii ka dameeyay waxaa boqolkiiba 60% shacabka maraykanka waxay u dhimanayaan xanuuno loogu magac daray "degenerative diseases" oo ah burbur ku yimaado unugyada jirka kaasoo ka dhashaan cudurro badan sida naafoobidda jirka iyo maskaxda, tan waxay saamaynaysaa socodka qofka, hadalka, neefsashada iyo shaqada wadnaha, xanuunadaan badankoone waa la kala dhaxlaa, waxaana loo saariyaa inay sabab u yihiin cabidda khamriga, neefsashada hawada sumaysan iyo kiimikada qofka soo gaarto iyo jeermisyada qaar sida feyrasyada cusub.

Xanuunadaan dambe oo dunida hadda fara kulul ku hayo, weli annagu naguma soo badan, laakiin sida hadda ay ku socoto xaalada, waa lama huraan, sababtoo ah, dunidii oo dhan hal tuulo ayay noqotay, labiskii, cunnadii iyo dhaqankii iskumid buu noqday.

Shirkado waxaa soo baxay international ah oo wadan kasta farac ku lah, warshado meel kasta ku yaallo maamula, isla cunnadii ayaa la cunayaa, isla sigaarkii ayaa la cabayaa, hawadiina qiiq gaari iyo qiiq warshad ayaa ku baxay, Tv-yada isla cunnadii caafimaadka u darnayd ayaa laga xayaysiinayaa, caadooyinka xunne si sahlan ayaa dunida loogu baahin karaa iyadoo la adeegsanayo warbaahinta aan xuduuda lahayn oo guri kasta laga heli karo.

Marka su'aasha qofka isweydiin karo waxay tahay:
Arrintaasi ma ka badbaadi karaa adiga shakhsi ahaan?
Dabcan waa su'aal adag, laakiin waxay ku xiran tahay go'aankaaga, waxyaabaha qaarne awoodaada way ka baxsan yihiin, sababtoo ah: cunnada aad cuntid, biyaha aad cabtid waad xakamayn kartaa, sigaarka iyo caadooyinka xunxun waad ka fogaan kartaa, jimicsi joogto ah waad samayn kartaa, laakiin magaalada aad ku nooshahay, hawada aad neefsanayso iyo qaab nololeedkaaga way dhib badan tahay in aad badashid, haddii la awoodo in la badalo reer galbeedka iyagaa naga nafjecel wax way ka qaban la'yihiin.

Haddii ololaha socdo ee caalamiyenta "Globolization"-ka lagu guuleysto ma badbaadi doono xittaa qofka baadiyaha ku nool, waana hadfaka ay u socdaan shirkadaha caalamiga ee qaarkood ka awoodda badan wadamada qaar si ay lacag uga samayn lahaayeen qof walboo dunida ku nool, waana la arki doonaa  iyadoo wiilka geeljiraha ah inuu sigaarka iyo cabitaanka cocacolla-da la'aantiis geela raaci karin.

Haddii aad talo kale haysid bal nagu soo biiri, mahadsanidiin.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://www.somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66526
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69540
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62463
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46732
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44983
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc