Author Topic: Qiimaha Caafimaad ee Digirta  (Read 35234 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Qiimaha Caafimaad ee Digirta
« on: April 01, 2016, 08:20:30 PM »


Digirtu waxaa lagu tiriyaa cunnada faa'idada badan xambaarsan oo hadane la woodi karo.
Digirtu waxaa loo yaqaanaa "hilibka saboolada" sababtuna waa faa'idada u dhiganta hilibka ee laga helo digirta.

Digirta waxaa laga helaa 20 walxood oo jirka faa'ido ugu jiro waxayna kala yihiin" fitamiin C, fitamiin K, fitamiin B1, fitamiin B2, fitamiin B6, folic acid, kaalshiyam, birta, magniisiyam, fosfayt, bootaasiyam, zink, kobber, sleniyam, dufanka omega 3, omega 6, borotiin iyo tamar - intaasba waa nafaqo ku kaydsan digirta.

Intaas ka dib, faa'idada ay u leedahay jirka waxaa ka mid ah:
  • Sun-saaridda (Antioxidant): digirta waxaa lagu tiriyaa cunnooyinka ugu badan ee laga helo walxaha sunta ka saaro jirka, diraasad lagu sameeyay 100 cunno oo laga helo maadadaan sunsaaraha, digirta ayaa ugu horreysay.
  • Dheefshiidka: Digirta waxay ka mid tahay baalaleyda, waxaana ku jiro waxyaabo badan oo uroon caafimaadka dheefshiidka, digirtu way sahlan tahay in calooshu shiido, waxay ka hortagtaa calool fadhiga, waxay hoos u dhigtaa kolestaroolka, waxay kaloo yaraysaa halista cudurrada wadnaha iyo kacsanaanta sokorta.
  • Dhisidda lafaha iyo murqaha: Sida aan kor ku soo tilmaannay in digirtu geli karto badalka hilibka oo uu qofka kaga maarmi karo cunista hilibka hadduu heesto digir, sababtuna waa borotiinka ka buuxo, hal koob oo digir ah waxaa ka helaysaa 15 mg oo borotiin ah.
  • Dhiig-yarida: Digirta waxaa ka buuxo birta, qofka joogteeyane isma arkaan dhiigyarida, waana sababta loogula dardaarmo hooyooyinka uurka leh iyo caruurta oo u baahan bir badan inay ku dadaalaan cunista digirta.
  • Xasuusta: Digirta waxyaabaha ka buuxo waxaa ka mid ah fitamiin B1 oo loo yaqaano "Thiamine", fitamiinkaan wuxuu aad ugu roon yahay caafimaadka maskaxda, wuxuu kordhiyaa foojignaanta, xasuusta, wuxuuna ka hortagaa hurdo la'aanta iyo diiqada. waxaa kaloo la arkay in digirtu yarayso halista cudurka xasuusta lumiyo ee "Alzheimer's disease".
  • Adkaynta lafaha iyo ilkaha: digirta waxay adkaysaa lafaha maadaama ay xambaarsan tahay waxyaabaha ay lafuhu u baahan yihiin, waxay kaloo yaraysaa baruurta aan jirka faa'idada u lahayn, sidaasne waxay ku yaraysaa cudurrada wadnaha ku dhaco.

Digirtu waxay ka mid ahaan jirtay cunnooyinka ay aad soomaalida ugu dadaalaan khaasatan xilliga cashada, caafimaad badane way ka heli jireen, laakiin waxaad mooddaa inuu isticmaalkeedu ku sii yaraanayo magaalooyinka, inkastoo waalidka uu badanaa ogyahay faa'idada ku jirto laakiin digir nacaybka waxay badanaa ka timaadaa caruurta iyo dhalinyarada, waxaana jiro dad badan oo aaminsan in cunista digirta aysan ilbaxnimada ka mid ahayn!!!, waana sababta keenayso in aan lagu darin liiska cunnooyinka laga dalbado maqaayadaha maadaama dalabkeedu uu yaryahay.!!

Akhriso qoraal ku saabsan cunnooyinka Birta laga helo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1721.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Khat-ka. (Khat-ka waa la dhaliilaa, lamana joojiyo!)

Started by CilmiSabcaBoard Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 13830
Last post December 01, 2011, 12:32:03 PM
by CilmiSabca
Baaritaan Caafimaad Kadib, Tuubadda Kaadi mareenka, Caabuq Xannuun ayaa Jira?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 42120
Last post April 16, 2013, 01:40:49 PM
by SomaliDoc
Su'aal Qureec/Quraac la'aanta subaxdii caafimaad daro miyay keentaa ?

Started by Hassan-DeeqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 78636
Last post March 10, 2012, 02:28:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Fixisada Qooshka ama Cake-ga lagu daro saamayn caafimaad ma leedahay?

Started by JiidheBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17601
Last post June 05, 2015, 06:18:57 PM
by SomaliDoc
Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 10
Views: 20586
Last post March 06, 2011, 05:46:52 PM
by Pharmacist